Thursday May 06th, 2021
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

Doorashada Hindiya: Haweeney Si Weyn Uga Guulaysatay Ra'iisal Wasaare Modi

0
Monday May 03, 2021 - 10:19:39 in Wararka by Burco Office 2
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Hindiya: Haweeney Si Weyn Uga Guulaysatay Ra'iisal Wasaare Modi

    Doorashada Hindiya: Haweeney Si Weyn Uga Guulaysatay Ra'iisal Wasaare Modi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashada Hindiya: Haweeney Si Weyn Uga Guulaysatay Ra'iisal Wasaare Modi

Mamata Banerjee ayaa si weyn u dhaliisha ra'iisal wasaare Narendra Modi

Xisbiga u taliya dalka Hindiya ee BJP ayaa xoogga saaray sidii uu ugu guulaysan lahaa gobolka Galbeedka Bengal, balse natiijada doorashada ayaa muujinaysa in uu jab weyn halkaa kala kulmay.

Iyadoo la tiriyay ku dhawaad dhammaan codadkii laga dhiibtay gobolkaas, ayaa xisbiga TMC ee ay hogaamiso Mamata Banerjee, waxa uu ku guulaystay in ka badan 200 kuraasta golaha wakiiladda Galbeedka Bengal oo ka koobaan 294 kursi.

Marwo Banerjee ayaa markii saddexaad noqotay hogaamiyaha gobolkaas muhiimka u ah siyaasadda dalkaas, waana haweeneyda qura ee madax ka ah gobol ku yaal Hindiya.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa si weyn u soo dhaweeyay guusha ay gaartay haweeneyda 66 jirka ah.

Ra'iisal wasaare Narendra Modi ayaa lagu dhaliilay inuu xoogga saaray doorashada gobollada halkii uu wax ka qaban lahaa cudurka safmarka ah ee Covid-19, kas oo fara ba'an ku haya Hindiya.


 

Xaalad murugsan

Tobankii maalmood ee la soo dhaafay, Hindiya ayaa diiwaangelisay in ka badan 300,000 oo kiis maalintiiba.

Axadii shalay ahayna, dalkaas waxa uu diiwaangeliyay dhimashadii ugu badneyd, waxaana cudurka u geeriyooday 3,689 oo qof.

Cisbitaallada ayaa waxaa buuxsamay sariiraha bukaanka, halka oksijiinta ay gabaabsi tahay. Shacabka Hindiya ayaa baraha bulshada u adeegsaday inay gargaar ka codsadaan gudaha iyo dibedda dalka.

Khubarada ayaa sheegaya in isu soo baxyada ololaha doorashada iyo codeynta ay qeyb weyn ka qaateen faafidda cudurka.

Ra'iisal wasaare Modi iyo wasiirkiisa arimaha gudaha ee marar badan khudbado u jeediyay dadweynaha Galbeedka Bengal, waxaana mas'uuliyiintaas lagu eedeeyay inay doorashada ka doorbideen xakameynta cudurka.

Narendra Modi

 

Modi ayaa si weyn ugu ololeeyay in xisbiiga uu ku guulaysto Galbeedka Bengal

Caasimadda Delhi

Ugu yaraan 12 bukaan ah oo uu kamid yahay dhakhtar ayaa ku geeriyooday cisbitaal caan ah kadib markii ay Sabtidii ka go'day oksijiinta.

Mid kamid ah dhakhaatiirta Hindiya ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay mid argagax leh. "Marka uu cisbitaalka isticmaalo keydkiisa oksijiinta ah, ma jirto meel kale oo uu ka helayo oksijiin dheeraad ah," ayuu yiri dhakhtarka.

Cisbitaallada yaryar ayaa wajahaya xaalad aan la qiyaasi karin, maadaama aanay intooda badan lahayn oksijiin keyd ah.

Caasimadda Delhi ayaa ah meesha uu sida ba'an u saameeyay xanuunka, waxaana Axadii oo keliya laga diiwaangeliyay in ka badan 25,000 oo kiis, halka dhimashadana ay gaartay 412 qof.

Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO