Thursday May 06th, 2021
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

Koonfur Afrika Oo Mamnuucaysa Libaaxyada Seereyaasha Gaarka ah Lagu Haysto

0
Monday May 03, 2021 - 10:44:44 in Wararka by Burco Office 2
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koonfur Afrika Oo Mamnuucaysa Libaaxyada Seereyaasha Gaarka ah Lagu Haysto

    Koonfur Afrika Oo Mamnuucaysa Libaaxyada Seereyaasha Gaarka ah Lagu Haysto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koonfur Afrika Oo Mamnuucaysa Libaaxyada Seereyaasha Gaarka ah Lagu Haysto

Koonfur Afrika ayaa shaacisay qorshe ay doonayso in lagu joojiyo bacriminta lagu tarminayo libaaxa si ay u suurto gasho in la ugaadhsado ama ay dalxiiseyaashu cagabaruurka u gurtaan.

Qorshahan ayaa soo baxay ka dib markii la faafiyey natiijada daraasad socotay laba sannadood oo lagu baadhayey qaabkan bacriminta libaaxa la doonayo in beero gaar ah lagu haysto.

Daraasadda waxa lagu ogaaday in qaabkani halis ku yahay dedaalka ilaalinta duurjoogta xawayaankanna gaar ahaan khatar ugu yahay.

Dawladda Koonfur Afrika ayaa aqbashay talo soo jeedinta khubaraadaas cilmi-baadhista waday, arintaas oo ay ka cadhoon karaan dadka ka shaqaystay ganacsigan bacriminta taranta libaaxa.

 

"Daraasadda nuxurkeedu waxa ay ka warbixinaysaa libaaxa goobaha gaarka ah lagu haysto si tarantooda loo bacrimiyo. Waxay sheegaysaa in ay waajib tahay in arintaa la joojiyo oo libaaxyadana laga sii daayo goobahaa gaarka ah ee lagu hayo" ayay tidhi wasiirka deegaanka Barbara Creecy.

Laakiin waxay carrabka ku dhufatay in ugaadhsiga libaaxa door joogta ah la ogolaan doono maadaama oo arintaasi waaxda dalxiiska uu ka soo galo dakhli badani.

Khubarada daraasadda samaysay waxa loo xil saaray in ay dib u eegaan siyaasadda iyo xeerarka dalka ee maaraynta libaaxa, shabeelka, wiyisha iyo maroodiga.

Waxay khubaradu ku talo bixiyeen in inta aan la gubin geesaha wiyisha iyo fool maroodiga la soo qabtay dalku la tashado dalalka kale ee dalkaas ay olloga yihiin

 

Waxa la rumaysan yahay in 8000 oo libaax iyo dheeraad ay ku jiraan goobo gaar loo leeyahay oo ku yaal Koonfur Afrika, halka ay duurka ku noolyihiin 3500 oo keli ahi.

Dadka difaacaya bacriminta taranta libaaxa lagu hayo goobaha gaarka loo leeyahay ayaa sheegaya in ay arintaas xal u tahay in aan libaaxu dabar go'in, laakiin kuwa arintaa ka soo horjeeda ayaa sheegay in xawayaankaa si arxan darro ah loogu hayo goobahaas.

Hay'adaa daryeelka duurjoogta aduuka ee World Animal Protection la yidhaa ayaa ku tilmaantay qorshan "guul u soo hoyatay duur joogta".

Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO