Thursday May 06th, 2021
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

Halkan Ka Daawo:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Dalka Ingiriiska Amb. Kate Foster.

0
Monday May 03, 2021 - 14:20:47 in Wararka by Hargeisa Head OFFICE
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan Ka Daawo:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Dalka Ingiriiska Amb. Kate Foster.

    Halkan Ka Daawo:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Dalka Ingiriiska Amb. Kate Foster.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkan Ka Daawo:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Dalka Ingiriiska Amb. Kate Foster.
WAR-SAXAAFADEED: 03 /05/2021-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska, Amb. Kate Foster oo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland oo dalka ku yimi safar shaqo oo ah safarkii ugu horreeyey maaddaama safiirku cusub yahay.
Ugu horrayn, madaxwweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu safiirka cusub xog-warran ballaadhan ka siiyey hannaanka Dimuqraaddiyadeed ee ha kana qaaday Somaliland intii ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii burburtay ee Soomaaliya oo Somaliland ay ka gaadhay horumar dhinac walba ah oo sababtay inay tusaale u noqoto dalal badan oo ka mid ah geeska Afrika. Iyadoo madaxweynuhu safiirka ku soo dhaweeyey dal qaan-gaadhay oo buuxiyey shuruudihii dawladnimo balse caalamka ka sugaya wixii ay xaq u lahaayeen oo ah ictiraaf buuxa.
Waxaana kulanka lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka labada dal, arrimaha diyaar garowga doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo maalmo koobani inaga xigaan.
Waxa kale oo kulanka lagu lafo-guray deeqaha dalka ingiriisku Jamhuuriyadda Somaliland ku taageero dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada, sidoo kale waxa laga wada hadlay xaaladda amni ee wakhtigan ay ku sugan tahay mandaqadda geeska Afrika.
Safiirka cusubna waxa ay dhinaceeda uga mahadnaqday madaxweynaha iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba horumarka, Dimuquraaddiyadda iyo nabadgelyada buuxda ee ay gaadheen muddadaa soddonka sanno ah, iyadoo sheegtay inay ku faraxsan tahay booqashada ay ku timid dalka, ka dawlad ahaanna ay dardar-gelin doonto hawlaha wada shaqayneed ee labada dhinac hore uga dhexeeyey.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL


 
 
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO