Thursday May 06th, 2021
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

Muxuu Amiirka Dalka Qatar Xalay Kala Hadlay Farmaajo?

0
Tuesday May 04, 2021 - 10:47:06 in Wararka by Burco Office 2
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Amiirka Dalka Qatar Xalay Kala Hadlay Farmaajo?

    Muxuu Amiirka Dalka Qatar Xalay Kala Hadlay Farmaajo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Amiirka Dalka Qatar Xalay Kala Hadlay Farmaajo?

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa xalay khadka taleefonka wada-hadal kula yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomalaiya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Qatar eeQNA.

"Intii uu socday wicitaanka, waxay dib u eegeen xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo hababka sare loogu qaadi karo looguna hormarin karo, waxaa taas dheer inay ka wada-hadleen dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee xaaladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkaQNA.

Wakaaladda wararka Qatar ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan wada-hadallada.

Wada-hadallada ayaa imanaya ayada oo uu magaalada Muqdisho ku sugan yahay ergey gaar ah oo ka socda dowladda Qatar oo lagu magacaabo Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani kaasi oo la sheegay inuu dhex-dhexaadinayo dhinacyada Soomaalida.

 

Al-Qahtani ayaa la kulmay ra’iisul wasaare Rooble, guddoonka labada aqal ee baarlamanka, madaxweyne goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta, hase yeeshee waxaa yaab leh inuusan weli la kulmin Farmaajo.

Ujeedka ergeygan ayaa laga bixiyey fasiraado kala duwan. Taxliiliyayaasha qaar ayaa rumeysan inuu isku dayayo inuu wiiqo oo uu kala qeybiyo mucaaradka dowladda, halka qaar ay qabaan in soo diristiisa ay astaan u tahay in Qatar iyo Farmaajo ay sii kala fogaanayaan, islamarkaana Doha ay isku dayeyso inay saaxiibo cusub ku yeelato Soomaaliya.


Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO