Monday June 21st, 2021
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

Iibinta Wax-Qabadka Xukumada Waxay Rajo Ku Abuururaysa Niyada Muwadiniinta Somaliland Ee Dalkooda Jecel " Xuseen Deyr [Akhri]

0
Thursday May 13, 2021 - 18:19:52 in Wararka by Sanaag Office
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iibinta Wax-Qabadka Xukumada Waxay Rajo Ku Abuururaysa Niyada Muwadiniinta Somaliland Ee Dalkooda Jecel " Xuseen Deyr [Akhri]

    Iibinta Wax-Qabadka Xukumada Waxay Rajo Ku Abuururaysa Niyada Muwadiniinta Somaliland Ee Dalkooda Jecel " Xuseen Deyr [Akhri]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iibinta Wax-Qabadka Xukumada Waxay Rajo Ku Abuururaysa Niyada Muwadiniinta Somaliland Ee Dalkooda Jecel " Xuseen Deyr [Akhri]





IIBINTA WAX-QABADKA XUKUUMADU WAXAY RAJO KU ABUURAYSAA NIYADDA MUWAADINIINTA SOMALILAND EE DALKOODA JECEL. 

"Ciid Mubaarik dhammaan Ummada Somaliland"

Xukuumad kasta oo ku timid hannaan dimuqraadi ah iyo rabitaanka aqlabiyadda shacabkeeda, waxa hubaal ah inay jirto yididiilo iyo filasho ay shacabku ka qabaan Xukuumadaa iyada ah. 


Shacabku waxay naawilayaan ama ay rajo ka qabaan in Xukuumada cusubi ay fulin doonto arrimihii ay ku ballan qaaday xiligii ololaha doorashada, kuwaasoo saldhig u ahaa inay hanato kalsoonida aqlabiyadda codbixiyeyaasha isla markaana ay ku guulaysato hoggaaminta talada dalka. 

Dabcan, Xukuumad walba waxay leedahay AJANDE IYO ABBAAR U ASTAYSAN oo ay ku hiigsanayso hirgelinta wax-qabad iyo horumar muuqda oo ay ka iibin karto guud ahaannba bulshada JSL; kuwii u codeeyey,  kuwii ka codeeyey iyo kuwo aan iyagu codaynba.   

Dhinaca kale, waxa jirta in Xukuumaduhu ay ku kala xariifsan yihiin qaabka iyo farsamada ay bulshada uga iibiyaan wax-qabadka ama horumarka ay ku talaabsadeen. 

Tusaale ahaan,  Xukuumadaha xidhiidhka wacan la leh qaybaha kala duwan ee bulshada, ummadana si joogto ah uga xog-warrama wixii u qabsoomay, wixii ka qabyoobay, wixii ka qaldamay iyo wixii u qorshaysan; waxa badanaaba u suurto gasha inay bulshada ka iibiyaan wax-qabadkooda. 

Laakiin, hadii xidhiidhka u dhexeeya Xukuumada iyo bulshada aanu ahayn mid joogto ah ama uu hooseeyo; horumar iyo wax-qabad kasta oo ay Xukuumadu ku tallaabsato ma aha mid muuqanaya ama waxa uu ku qoran yahay wax-qabad la'aan,
maadaama bulshadu aanay ka war qabin ama aanay haynin wax xog ah! 

Horumar kasta oo uu dalkeenu ku tallaabsado, cidii doontaaba ha keentee, waxan aaminsanahay in ay niyada muwaadiniinta JSL ku abuurayso rajo iyo yididiilo wacan oo ay aad ugu diirsanayaan. 

Qof ahaan, waxaan arkaa wax-qabad iyo horumar dhinacyo badan leh oo ay ku tallaabsatay Xukuumada uu gadh-wadeenka ka yahay M/weyne Muuse Biixi Cabdi muddadaa 3 sano iyo badhka ah ee ay talada dalka haysay. 

Laakiin, is weydiintu waxa weeyi: Xukuumada Kulmiye wax-qabadkeeda kow-iyo-toban jirsaday ma ka iibin kartaa
bulshada JSL? Gaar ahaan xilligan doorashada golayaasha, sidee bay Xukuumadu u iibin kartaa waxqabadkeeda?

Ciid Mubaarik dhammaan Ummada Somaliland"

Hussein Deyr
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO