Monday June 21st, 2021
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

Soo Xidh hadana sii daa dawladnimo ma aha

0
Thursday May 20, 2021 - 18:35:26 in Maqaallo
  • Visits: 341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soo Xidh hadana sii daa dawladnimo ma aha

    Soo Xidh hadana sii daa dawladnimo ma aha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soo Xidh hadana sii daa dawladnimo ma aha

Sharciga oo lagu dheeldheelo ama loo hogaansami waayo, wuxuu kuu geeyaa dawlad la’aan. Somaliland, waxaa ku soo badanaya xadhiga muwaadiniinta oo aan sifo sharci ah loo marin.Muwaadin kasta oo reer Somaliland ah, sida muwaadiniinta aduunka, wuxuu leeyahay xuquuq asaasi ah oo cidna ku xadgudbi Karin.Sida, lama xidhi karo muwaadinka iyadoo maxakamad horteed lagu cadayn danbi uu galay.Sidoo kale dawladda Somaliland waxay xaq iyo awood buuxda u leedahay in ay waajibaadkeeda ka gudato muwaadin kasta oo ay ku hayso danbi ay cadayn karto.

Labadaa qodob ee dawladnimada asaasiga u ah, hadii ay Somaliland buuxin kari waydo, xaq uguma leh dawladaha caalamka, in ay aqoonsi weydiisato.

In ay dawladda Somaliland iska xidhato muwaadin aan sharci loo soo marin iyo in ay beel dhan ku hanjabto in aan la xidhi Karin qof iyaga ka mid ah, Somaliland waa ku nusqaan, ma gaydo, waana ficilo maankeedu diidayo. Beel dhan oo ku goodinaysa in balaayo ku dhici Somaliland, hadii aan tooda la yeelin, soddon sano ka dib, waa ceeb laga naxo.Inkastoo hore loo yidhi, waxaad ceeb u taqaan dad bay caadadood tahay, hadana qof ahaan, waan kala han weynaa caqliyaddda noocaas ah umadda Somaliland. Waxay caalamka inoo tusi kartaa in aynu nahay dad aan garanayn waxay doonayaan.

Xukuumadda maanta talada haysa iyo beesha ka hor timid xadhiga muwaadinka ka soo jeeda, waxay ficiladoodu hantaaqo ku rideen hamiga iyo himilooyinka fog -fog ee ay beelaha ku midoobay Somaliland hiigsanayeen.Waxaa labada dhinac ka muuqda sal fudeyd, bilow u noqon kara, dildilaac ku yimaada qaranimada dalkan.Khalad waa la galaa, waxaase la isku dhaafaa hadba sida looga garwaaqsado iyo sida la isula meel dhigo.Dawladda iyo beeshaba, umadda dalakni waxay uga fadhiyaan xaal marin.Shaqsiyaadka dilaala arimaha xasaasiga ee umadda walaalaha dhex yimaada, iyagu hawshooda ha iska wataan.

Waxaa haboon, waajibna ku ah muwaadin kasta in uu dul istaago oo hoosna ugu dhaadhaco xaqiiqda dhabta ah ee ku gedaaman khilaafkan, si ayna mustaqbal inoogu soo noqon ficlo noocan oo kale ah. Si looga dhaqaaqo halkan aynu maanta marayno waxaa lagama maarmaan ah in la hirgaliyo qodobadan.Kow, hadii muwaadinka la xidhay, oo waliba masuul sare ah, uu qabo in aanu qabin danbiga lagu sheegay, waa in uu muwaadinkani dacwad ku soo ogaa dawladda, si uu u soo ceshado xuquudii, sharaftii iyo karaamadii laga xayuuubiyey.Tan labaad hadii dawladu ku xidhay muwaadinkan in uu danbigan aadka u culus galay, cadayna u hayso, waa in umadda Somaliland u soo bandhigto sababta ay u sii daysay. Waa danbi qaran.

Allahayoow noo adkee dawladnimayada.Aamiin.

C/risaq Axmed Jama

rizakj@yahoo.com


Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO