Monday June 21st, 2021
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

Waa Kuma Musharax Mustafe Axmed Khayreeye oo ah Musharax Ka Sharaxan Gollaha Wakiilada Ee Gobolka Sool.?.

0
Sunday May 23, 2021 - 20:06:06 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Musharax Mustafe Axmed Khayreeye oo ah Musharax Ka Sharaxan Gollaha Wakiilada Ee Gobolka Sool.?.

    Waa Kuma Musharax Mustafe Axmed Khayreeye oo ah Musharax Ka Sharaxan Gollaha Wakiilada Ee Gobolka Sool.?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Kuma Musharax Mustafe Axmed Khayreeye oo ah Musharax Ka Sharaxan Gollaha Wakiilada Ee Gobolka Sool.?.
Musharaxa Mustafe Axmed Khayreeye, waa musharax kamid ah 12 musharax oo Xisbiga Kulmiye uga sharaxan Gobolka Sool. Gaar ahaan waxa u kasoo jeeda Degmada Caynaba ee xarunta u ah Gobolka Saraar.

Musharax Mustafe Axmed Khayreeye waa musharax ay beeshiisu si buuxda isugu raacday isla markaan haysta kalsoonida bulshaddiisa. majiro musharax kale oo kala sharaxan beeshiisa, taasina waa fursad wayn oo muhiim u ah ka midho dhalinta riyaddiisa Siyaasadda.


Mustafe waa musharax dhalinyaro ah'aqoonyahan si wayna u fahmsan shaqada Golaha wakiilada ee u musharax u yahay, waa nin garranaaya shaqada u qabaanaayo iyo masuuliyadda bulsho ee taal Golaha Wakiilada Somaliland ,

Mustafe waxa uu waxbarashadiisa jaamacadda ku qaatay Kuliyadda Sharciga ama Qanuunka ,waana aqoontii ugu mudnayd in lagaga addeego Golaha Wakiilada iyo Haya'adda Sharci Dejinta,waxaan is leeyahay nasiib wannaagsan ayay Golaha Wakiilada u tahay in uu helo xubno fahmsan shaqada sharci ee taala golahaaas, oo ah meel iyo maddal laga curiyo xeerarka dalka oo saamayn ku yeesha Dawalnimadda iyo nolosha bulshada Somaliland.
Musharax Mustafe Khayreeye waa nin garranaaya dalka kuna barbaarray aqoon wanaagsan u leh deegaan ahaan iyo bulsho ahaan labbadaba.

Xogo badan oo aan ka raaddiyey in aan wax ka oggaado musharixiinta ka sharaxan Gobolka Sool, gaar deeggaanka Gobolka Saraar oo xiliga doorashada hoos tagga Gobolka Sool, musharaxiinta ka sharaxan oo aan ku qiyaasay ilaa dhawr iyo tobban musharax oo ku kala jira seddexda xisbi qaran, waxaan is leeyahay Mustafe waa ninka ugu mudan hadii ay noqoto aqoonta iyo fahamka uu u leeyahay shaqada Golaha Wakiilada iyo matalaada shacabka ,

Labo waraysi ayuu bixiyay intii u musharax ahaa, waraysigii ugu horreeyay waxa la yeeshay Telefishanka Qaranka, wuxuuna marti ku ahaa barnaamijka loogu yeedho:- "Masraxa Musharax" waraysigii labbaad wuxuu ku bixiyay magaalada Burco wuxuuna siiyay Somali Cable TV, labbada waraysi waxay muujiyeen .aqoonta, degenaanta 'codkarnimada, bisaylka iyo fahamka Musharax Mustafe uu u leeyahay Golaha Sharci dejinta wuxuuna muujiyay inuu yahay nin garranaaya halka uu u socdo iyo shaqada taala.

Waxaan aminsanahay in Mustafe aannu matali doonin qoyskiisa oo kaliya ee u matali doono bulshada Gobolka Saraar iyo bulshada Gobolka Sool. sidoo kale Mustafe waxa u matali doonaa deeggaankiisa iyo xaabadha iyo xulufada ay dhalashada waddaagaan beesha uu ka sharxanyahay sidii shalayba xildhibaan Cali Mareexaan u metalay bulshadii doortay iyo midi ay deeggaan waddaagta ahayeen labbadaba.

Mustafe waxaan ku kalsoonahay kartidiisa aqoontiisa iyo dooddiisa, waxaan u arkaa nin han-leh oo hal-adag , nin hal-abuur leh oo hor u socod ah, nin hiigsi leh oo hami ku jiro, rabana inuu bilaabo tariikh siyaasaddeed oo uu ku abuuri karo hayaan u ah sahankiisa iyo geediga siyaasada u ku ibo furo doono Golaha Wakiilada

Sannadkii 2005-tii ayaa Golihii Wakiilada ee ugu danbeeyay somaliland ,bulsho badan ayaan dib u arkin xildhibaannadii ay doorteen 'sababta ugu wayn ayaa ah in ay doorteen shaqsiyaad aan lahayn han iyo hal-abuur siyaasaddeed balse u jeedkoodu ahaa dhaqaale raadin iyo in uu ku fadhiisto mid kamid ah kuraasta golahaas ,macno ma samayn karto kursi lagu fadhiisto hadii aanu qofku lahayn han iyo hiigsi sare.waxaan qabaa in Mustafe yahay nin dhalinyaro ah si wannaagsan u fahmsan iyo wacyiga iyo marxalada nololleed ee bulshadda iyo inuu yahay nin si fudud ula fal-gali kara siyaasadda dalka oo aan qabo in uu xog iyo xogogaalnimo buuxda u leeyahay.

Ugu danbayn waxaan boggaadinayaa deeggaanka u Musharax Mustafe Axmed khayreeye kasoo jeedo, ee mustafe u gartay una xushay in uu matalo iyaga , waxaan leeyahay waad asiibteen ,waxaanad soo xusheen aqoonyahan dhisan oo dhadhan iyo macno buuxa u yeeli kara mataaladda u idin matalaayo idinka iyo qarankaba , waxaad dheertihiin beelaha kale ee dhigiina ah in aad nasiib u hesheen in aad nin aqoon leh soo xusheen oo matali kara Gobolka , waxaad nasiib u hesheen in musharaxiinu yahay kan ugu mudan dadka sharxan, aannad soo xusheen nin aad bari ku faani kartaan idamka alleh. Waxaad nasiib u hesheen in aannay taladu idinka baahin sidda beelaha kale oo aad xusheen nin mudan milgaha iyo maamuska aad saarteen, Ugu danbayn waxaan idin soo jeedin lahaa Mustafe inaad si buuxda codkiina ugu hiilisaan , waxaan kale oo usoo jeedinnayaa bulshada deggan gobolka saraar in ay mustafe u coddeeyaan, waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa kuwa aan lahayn musharax Golaha Wakiilada ah.

Mar kale waxaan si wayn ugu codsanayaa qurba joog iyo qolol joogta bulshada gobolka Saraar in ay si wayn u tageeraan musharax mustafe Axmed khayreeye, oo ah nin mudan oo maamuus iyo milgo u yeeli kara Gobolka Saraar noqonayana matalaha dhabta ah ee bulshada Gobolkaas, si gaar ah waxaan uga codsan lahaa bulshada degta Bariga burco, Galbeedka Sannaag, Bariga Saaxil iyo gobolka Saraar in ay wadda dhistaan musharax Mustafe oo ah nin gaar uga tilmaaman musharaxiinta deeggaamadaas uga sharxan Gobolka Sool, Mustafe waxa u ila muuqdaa siyaasi u bilan doona oo usoo bixi doona bulshada Bariga iyo deeggaamadaas aan sare kusoo xusay.

Ugu danbayn madaama oo ay dadku aaminsanyihiin in qof hadii u qof kale wannaagiisa sheego in taa macanaheedu tahay inuu la hayb iyo qabiilyahay, waxaan rabaa inaan halkan idinka sheego in aanan musharax Mustafe isku qabiil ahayn balse aan u arkay qiimayn iyo xog raadin aan sameeyay in u yahay ninka ugu mudan musharixiinta u sharaxan bulsho waynta Gobolka Saraar , sidaa darteen waxaan u hibbeyay qoraalkan yar oo uga dhigay in aan ku muunaddeeyo qof u qalma wax ka baddan inta aan ka qoray iyo inta aan ka sheegay..

Ugu danbayn waxaan leeyahay insha allaah guulayso idamka alleh MD. Mustafe Axmed khayreeye.

WQ.Mustafe Axmed Maxamed Geeddi

 
 
 
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO