Monday June 21st, 2021
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

FARIIN KU SOCOTA DA'YARTA IYO DHALINTA WAX BARATAY EE SOMALILAND.

0
Wednesday May 26, 2021 - 18:15:34 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FARIIN KU SOCOTA DA'YARTA IYO DHALINTA WAX BARATAY EE SOMALILAND.

    FARIIN KU SOCOTA DA'YARTA IYO DHALINTA WAX BARATAY EE SOMALILAND.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FARIIN KU SOCOTA DA'YARTA IYO DHALINTA WAX BARATAY EE SOMALILAND.

Waa fariin ku socota da'yarta iyo dhalinta wax baratay ee Somaliland, gaar ahaan intooda jecel dalkooda iyo dadkooduba in ay horumaraan.

Sida aynu la socono waxa maalmaha foodda inagu soo haya loo dareeri doonaa, doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiilada, haddii Alle idmo.

Doorashadaasi waxay shacabka Somaliland uga dhigan tahay fursad iyo jaanis dahabi ah oo xili dahabi ah soo maraya. Oo haddii aynu si mug iyo miisaan leh uga faa'iidaysano innoo noqon karta iftiin iyo waa cusub oo u baryay Somaliland.

Haddii se aynu sideenii qabyaalad iyo reernimo wax ku doorano, golayaasha qarankana fadhiisino shaqsiyaad aan han iyo himilo toona xambaarsanay. Waxay taasi inna dhaxal siin doontaa, in aynu baaqi ku sii ahaano dowladnimo aan koraynin iyo saboolnimo joogto ah.

Waxyaalaha sababtà u ah, in ay shacabka Somaliland marar badan ku hungoobaan xubnaha ay soo doortaan ama ay xilka u dhiibtaan, waxa udub dhexaad u ah seddexdan arrimood;-

■ Waa midda koobaade: xisbiyadu musharaxa ay qaadanayaan ma eegaan kartidiisa, hufnaantiisa, aqoontiisa iyo hal abuurnimadiisa. Waxay se eegaan inta cod ee uu reerkiisa ku haysto, taa soo halbeeg u ah, xulashada iyo miisaanka ay xisbiyadu sameeyaan.

 

■ Waa midda labaade: waxa jira mukhalasiin u dhaxeeya xisbiyada iyo odayaasha hoose beelaha, ku waa soo si weyn ugu lug yeesha xubnaha la soo xulayo ama la magacaabayo. Waxay mukhalasiintaasi ujeedadooda ugu weyni tahay, danta shaqsiga iyo faro dufan leh ayaa wax duug duugi yaqaana.

■ Waa midda seddexaade: horjoogayaasha beelaha iyo bulshada inteeda badani waxay aaminsan yihiin in doorashooyinkuba yihiin tartan u dhexeeya beelaha ood-wadaagta ah. Kaa soo beeshii laga badiyaa ay ka dhaxli doonta waji-gabax iyo karaamo dhac bulsho.

Arrimahaasi waxay xudun u yihiin tabashooyinka baahsan ee ay bulshadeennu kaga dareen celiso madaxda ay doortaan marka ay xilka qabtaan. Sidoo kale waxay arrimahaasi dhabaha ka leexiyaan hadafkii iyo nuxurkii loo aas aasay, nidaamka dimuqraadiga iyo doorashooyinka madaxa banaan.

 

Gun iyo gabo-gabo waxaan dhalinta wax baratay iyo jiilka soo koraya ku boorinayaa in ay gabi ahaanba iska diidaan in ay codkooda siiyaan shaqsi aan la hayn kiriteeriyadii (criteria) looga baahnaa masuul qaran oo xil loo cumaamadayo.

Waxaynu garwaaqsan nahay in aanay waligeed dhicin bulsho halbeeg ka dhigatay qabyaalad oo horumar ku gaadhay.

Si kasta oo uu xaalku hadda yahayba, waxay xaqiiqdu tahay in uu mustaqbalka Somaliland ku xidhan yahay da'yarta maanta hanaqaaday sida ay u fikiraan. By Cumar Axmed Cali;cumaraxmed331@gmail.com.tel; 0634244802


Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO