Sunday September 26th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Cabdi Xaashi Oo Safar Deg-deg Ah Ku Tegayo Pakistan + Ujeedka

0
Sunday May 30, 2021 - 11:02:08 in Suugaan by Burco Office 2
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Xaashi Oo Safar Deg-deg Ah Ku Tegayo Pakistan + Ujeedka

    Cabdi Xaashi Oo Safar Deg-deg Ah Ku Tegayo Pakistan + Ujeedka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Xaashi Oo Safar Deg-deg Ah Ku Tegayo Pakistan + Ujeedka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi ayaa wada-hadal saacado badan qaatay oo dhinaca Taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa dalka Pakistan, Sadiq Sanjrani.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo quseeyo labada dal, gaar ahaan is-kaashiga dhinacyada baarlamaanka, si ay u yeeshaan wada shaqeyn toos ah.

Sidoo kale labada dhinac ayaa kulankooda kusoo hadal qaaday sidii kor loogu sii qaadi lahaa xoojinta xirirrka ay haatan leeyihiin wadamada Soomaaliya iyo Pakistan.

Intii uu socday wada-hadalka ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Pakistan, Sadiq wuxuu casuumaad rasmi ah fudiyey dhiggiisa Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi, si ay labada baarlamaanka isku dhaafsadaan wufuud, iyaga ka wada-hadlaya xiriirkooda.



Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa dhankiisa aqbalay casuumada loo fidiyey, wuxuuna dhowaan booqasho rasmi ah ku tegi doono gudaha dalka Pakistan, isaga oo intaasi ku daray in ay muhiim tahay xoojinta xiriirka labada baarlamaan, iyada oo laga duulaayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Pakistan.

Arrintan ayaa timid, kadib kulan Jimcihii ku dhex-maray magaalada Islaamabaad ee caasimada dalka Pakistan Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalkaasi, Marwo Khadiija Maxamed Al-maqzuumi iyo gudoomiyaha Aqalka Sare ee Pakistan, Mr Sadiq Sanjrani.

Soomaaliya iyo Pakistan ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer, iyada oo labada dal ay horey u yeesheen kulamo gooni gooni ah oo lagu xoojinayo iskaashiga ay leeyihiin.

Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO