Monday June 21st, 2021
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

Eritrea oo Mareykanka ku eedaysay inuu 'hurinayo' colaadda gobolka Tigray ee Itoobiya.

0
Wednesday June 09, 2021 - 10:13:08 in Wararka by Hargeisa Head OFFICE
  • Visits: 136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eritrea oo Mareykanka ku eedaysay inuu 'hurinayo' colaadda gobolka Tigray ee Itoobiya.

    Eritrea oo Mareykanka ku eedaysay inuu 'hurinayo' colaadda gobolka Tigray ee Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eritrea oo Mareykanka ku eedaysay inuu 'hurinayo' colaadda gobolka Tigray ee Itoobiya

Dowladda Eritrea ayaa waxa ay dhiggeeda Mareykanka ku eedaysay colaadda haatan ka taagan gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya.


Warqad uu wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Eritrea, Cismaan Saalax, u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxa uu ku eedeeyay Mareykanka "inuu sii hurinayo colaadda iyo deganaanshiyo la'aanta" uuna qorshaynayo "inuu badbaadiyo haraadiga" maamulka Ururka Xoraynta Dadka Tigray (TPLF), kaas oo maamuli jiray gobolkaasi waqooyiga Itoobiya ku yaal.

Mareykanka ayaa waxa uu ku baaqayay in ciidammada Eritrea ay isaga baxaan gobolka Tigray kaddib markii lagu eedeeyay inay halkaas ka gaysteen tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Warqadda Mr Cismaan ayaanan looga hadlin ciidammada Eritrea ee ku sugan gudaha gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya.

Cismaan Saalax kama uusan hadlin ciidammada Eritrea ee ku sugan gobolka Tigray

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Cismaan Saalax, wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea, kama uusan hadlin ciidammada dalkiisa ee ku sugan gobolka Tigray

Dowladda Itoobiya ayaa hore u diidday in ciidammada Eritrea ay joogaan gudaha gobolka Eritrea hasayeeshee markii dambe ayaa waxa ay qirtay arrintaasi iyadoo ballanqaadday inay halkaas isaga bixi doonaan.

Dowladda ayaa todobaadkii tagay waxa ay shaacisay farriin noocaas oo kale ah.

Hay'adaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa waxa ay ka digeen in dhibaato bini'aadamnimo ay gobolkaasi ka soo food leedahay, iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres uu sheegay in Tigray "ay qarka u saaran tahay macaluul".

Dhanka kale boolis ku sugan degmo ku taalla Gobolka colaadda ay ka taagan tahay ee Tigaray ayaa BBC-da u sheegay inay halkaasi cunno la'aan ka jirto sidaas darteedna qofkasta oo deegaankaasi ku nool wuxuu qarka u saran yahay macalluul.

Cuntadii iyo xoolihiiba waxaa naga dhacay rag hubeysan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Cuntadii iyo xoolihiiba waxaa naga dhacay rag hubeysan

Dadka degmada Qafta Humera oo ku taalla miyga fog ayaa sheegay in rag hubaysan ay cuntadoodii iyo xoolahoodiiba ka dheceen.

Waxay sheegeen in xitaa ay arkeen gawaari ay saaran yihiin raashin mucaawino ah balse aanay dhag jalaq u siinayayn inay istaagaan oo caawiyaan dadkan tabbaalaysan.

Dadka qaar ayaa waxay isku dayeen inay gaaraan magaalada ugu dhaw ee Shire, haseyeeshee waa ay u suurogeli weysay sababo la xiriira baraha kaantarool ee ay sameeysteen kooxaha iska soo horjeeda, waa ciidamada Itoobiya iyo xoogagga daacada u ah maamulkii hore ee gobolka Tigray.

Waxay ay dowladda iyo hay'adaha gargaarka ka codsanayaan inay si deg-deg ah u caawiyaan.



Xigasho/BBC Somali
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO