Monday June 21st, 2021
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

Xaal Aan Siiyay Safiya Tusmo

0
Thursday June 10, 2021 - 19:23:32 in Maqaallo
  • Visits: 644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaal Aan Siiyay Safiya Tusmo

    Xaal Aan Siiyay Safiya Tusmo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaal Aan Siiyay Safiya Tusmo
Dhaqanka soomaalidda guud ahaan iyo kan gaar ahaaneedba ee Somaliland ayaa ku qotoma
mid hablaha la ciseeyo lana huwiyo sharaf waxaana sida uu dhaqankaasi ina farayay goob
kasta iyo goor kasta oo la joogo, intan dibbad yaalka la noqday ee la wadhan yahay min New-
Zealand ilaa Canada inta ka dhex leh ama ha ahaato kuwa dalkii Somaliland, Somaliya ,
Killilka Shanaad, Waqooyi Barri Kenya amase Jibuuti u dhashaye. Xishoodkaa cidda meel
kaga dhacda dhaqankaasi waxa uu ahaa in lagu jafo geed Qudhaanjo leh oo aan loo jixinjixin
waase goorma goortaasi? waa goor la dhawri jiray diin iyo dhaqanba, mase ahayn mar la
xalaashaday sida iminka wixii la doono in gabdhaha lagu falo oo aan ciddiba xaalayn waxa
dhacaya oo sharci iyo dhaqanba uu ku tuntay waxan loogu yeedho Social Media.
Haddaba taasi waxa ay sida caddceedda u soo caddaatay in aan dan laga galin hablihii iyo
haweenkii Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Somaliland ka dib sheekadda foosha xun ee
uu faafiyay Cabdi Ciise Cajuun oo aan la odhan Karin waa mid leh damiir dadnimo iyo mid
Soomaalinimo ama Somalilandimo, isagoo ka talaabsaday si badheedha inuu asturo wax
kasta oo ka dhexeeyay isaga iyo Safiyo Tusmo aanay ahayd mid ka caagan dareenka dadnimo
iyo mid dad wax soo wadaagay. Waxa uu ka talaabsaday xayndaab kasta oo dabar u noqon
karayay inaanu sinaba u faafin ama u faafin karin siro ka dhexeeyay isaga iyo Safiyo Tusmo,
oo waliba ahayd hooyo ku dhaqan wadamadda qalaad mid ka mid ah, taasi oo halis ku ahayd
iyada iyo caruurteedaba oo waliba aanay sinaba u banaanayn in la faafiyo Documents ay
leeyihiin carruurteedda oo aan ahayn kuwii uu sidaa ku fali lahaa, kuwaasi oo ah kuwo aan
danbi lahayn. Cabdi Ciise Cajuun iyo iyaga wax ba kama ay dhaxayn wixii uu ku
raadsadayna waxay ahayd Faduul, taasi oo sharci gaal iyo mid Islaam toona aanu u
banaynayn in uu faafiyo ilamaa iyo uu ogolaanshiiyo ka haysto ciddii lahayd ama haddii
aaanay qaangaadh ahayn cidda Masuulka ka ah oo sidaa ogolaato mooyee. Taasi waaba meel
soke’e xataa Documents dawladdii lahayd uma fasixi karayn Cabdi Ciise Cujuun waalidka
carruurtaa oo aan fasax u siin. Markaa yarkan Cabdi Ciise Cujuun ee gudcurka gudayaa
arrinkaa meel fog ayuu ka dooni lahaa, haddii uu ku noolaan lahaa waddamadan Galbeedka
oo sharciggaa lala tiigsan lahaa isagoo lagu qaadi lahaa sharcigga Data Protection oo halis ku
ah qofka faafiya Documents aanu fasax u haysan oo cid kale leedahay.
Waraysi been abuur ahaa oo uu bixiyay ayuu ku sheegay inaanu isaga ahayn cidda faafisay
sirihii qarsoonaa iyo aaminiddii ay aamintay Safiyo Tusmo haddii aanu isaga ahayn yuu
dhabarka u saarayaa? Ma sheegin cidda ay ahayd haddii aanay isaga ahayn, taasi aad ayay
iigu adkaatay inaan rumaysto mana rumaysan waxaase ka sii yaab badnayd markii mar kale
ay soo muuqatay nin lagu magaacabo Mawliid oo ahaa shakhsiggii uu u igmaday inuu
faafinta sameeyo, kaasi oo waliba ku hanjabaya inuu sii dayn doono in ka badan 1000 sawir
oo ah Cabdi Ciise Cajuun iyo Safiyo Tusmo kaasi oo leh waxaan ka gaadhsiin doonaa
Ramadaan inta ka horaysa oo waliba iskula saxsan inuu sidaa ugu tagri falo Safiya Tusmo iyo
xaalkeedda oo isa siinaya awood aanu caddayn cidda siisay ee isaguna sidaa ku fali karo waa
yaab iyo yaabka yaabkii!
Mar kale ayay ii sii xaqiiqowday inuu ahaa cidda sawradda faafisay Cabdi Ciise Cajuun ka
dib markii uu soo bandhigay hadalo ay isku dhaafsanayaan isaga waa Cabdi Ciise Cajuun iyo
Safiya tusmo oo uu si qarsoodi ah hadalka u duubay, taasi oo ay ka codsanaysay Safiyo
waxyaabo ku saabsan inuu Samayn lahaa, kuwaasi oo badbaado u noqon lahaa iyada, waase
uu ka diidayaa waliba si aad u qalafsan oo bilaa ixtiraam ahayd. Haddii sidii Safiya Tusmo
tidhi uu yeeli lahaa, heerka arrinku gaadhay ayay hoos u dhigi lahayd wax badana ka asturi
lahayd siddii markii danbe sheekadda uu uga fashilayay dhan kasta.


Sida lagu waydiiyay waraysiggaa in sababta uu u burburay xidhiidhkii ka dhexeeyay isaga
waa Cabdi Ciise Cajuun iyo Safiya Tusmo inuu ahaa lacag uu waydiistay inay siiso oo
dhan $20,000 waa uu dafiray, laakiin anigu shakhsiyan waan rumaystay inay halkaasi noqon
karaysay inay ahayd halkii ama xudunta u noqotay inay kala irdhoobaan Safiya Tusmo iyo
Cabdi Ciise Cajuun, taasina waxay dibadda soo dhigtay iimaan daradda Cabdi Ciise Cajuun.
Haddii taasi noqoto halka uu ka kala furmay xidhiidhka Safiya Tusmo iyo Cabdi Ciise
Cajuun waxa uu mar kale dhabarka u saaraysa dhaqan xumo cusub oo ah in (Ransom) ama
madax furasho loo haysto Sawiro gabadhi leedahay. Waa mid kale oo ku cusub dhaqanka
Soomaalidda iyo Somaliland labadaba taasi oo aan odhan karo waa mid laf jab ku ah isaga
waana mid uu ku xanbaaranayo "wax badso wax beel bay leedahay” isagoo ka dhabeeyay
maahmaahdaasi oo ay dushiisa tahay isagoo aan sinaba uga gilgilan karin ficilkaa xun ee uu
sameeyay.
Video cusub oo ay soo duubtay Safiya Tusmo Ramadaan dabadeed oo ku beegan dhamaadkii
Ramadaan ayaa kor u qaaday in lacag madax furasho ahi jirtya halkii Waraysigaa hore ee
Sagal Mustafe Xasan oo ay ku shegtay inuu waydiistay Safiya lacag dhan 20,000 aadna
moodaysay lacagtaasi inay badnayd oo ay aad u adkayd in la rumaysto 20,000, haddana
Safiya ayaa Video danbe ku caddaysay inuu waydiistay lacag dhan $5000. Qadarka lacagta
ahi macno ma samaynayso haddii ay ahaan lahayd 20,000 iyo haddii ay ahaan lahayd $5,000
ee waxa sida caddeedda u soo cadaatay inuu lacag madax furasho ahi ay jirtay taasina waa
mid dibadda soo dhigaysa iimaan xumadda mar kale ka soo muuqatay ninka u haysta sawiro
iyo video qof ku aamintay nafteedda inkastoo aanu ahayn kii sidaa loo yeeli lahaa oo aanu u
qalmin sida uu badka u soo dhigay qofka uu yahay Cabdi Ciise Cajuun.
Waxaan haddaba ku soo afmeerayaa maqaalkan kooban in Safiya Tusmo ahayd gob iskuna
dayday wax kasta oo badbaaddo u noqon karayay cid kasta haddii ay noqon lahayd
carruurteedda, kuwa la yidhi waa uu leeyahay Cabdi Ciise Cujuun iyo xaaskiisa, haddii ay
jiraan iyo ummadda Somaliland iyo kuwa Soomaaliyeed haddii ay ku dhaqan yihiin Ethiopia,
Waqooyo Barri Kenya, Jibuuti, Somaliya oo ay ahayd in uu dhawro intaas oo isku dhan iyo
sharafta Safiya Tusmo iyo tiisaba. Mase yeelin waxa kaliya uu taransaday waa inuu is baray
cid kasta oo aan hore u maqal magaciisa una aqoon qofnimadiisa iskuna baray inuu yahay ma
xishoode aan la aamini karin, oo aan sirna ka dhaxayn karin isaga iyo gabadh Soomaaliyeed
ama Somaliland u dhalatay inta noloshiisa ka hadhay. Cabdi Ciise Cajuun oo six un loogu
hadal hayay Warbaahinta Somaliland iyo ta Soomaaliyeed bilihii u danbeeyay Allow Ceeb
ma taransaday?
Qore: Cabdi Muxumed
Cabdimuhumed60@gmail.com
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO