Monday June 21st, 2021
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

Gabooyenimadu Waa sharaf.

0
Thursday June 10, 2021 - 19:25:42 in Maqaallo
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabooyenimadu Waa sharaf.

    Gabooyenimadu Waa sharaf.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabooyenimadu Waa sharaf.

Gabooyuhu waa xirfad waqtigeedii ahayd aqoon iyo darajo sare waa farsamayaqaanimo tacab iyo
waqti lagu bixiyay, waxay ahayd aalada lagu qaato oo lagu kaysdado falaadha iyo leebka markii
dagaal ama ugaadhsi loo baxayo, carabtu waxay tidhaahdaa:
” قبل الرماية تملأ الكنائن”
"Intaanad wax ganin buuxi gabooyaha”
ceeb maaha waa sifo lagu sifaynayo farsamayaqaanadii qalbkaas abyi jiray.
Waxaan kale oo xusid mudan samaynta hubka, dagaalyahanimo iyo xirfadda liishaamidda ee shiishka
waxay u lahaayeen hoodo.


Markaa Magaca Gabooye waa guul horseede waa *gobeeye* oo ciidanka ama reerka ay la xulafo
yihiin waxay ahaayeen casrigii kaynta kuwo goobaha dagaalada guusha ku naalooda.

Markaa qofku ma sheegan karo xirfad iyo aqoon aanu lahayn waa bililiqaysi cusub.

Waxaa iyana muhiima in la xuso magaca "*Tumaal*” (goldsmith) waa bir yaqaan si fiican u tumi kara
birta oo ka sameeya waxyaalaha ummaddu ku intifaacdo sidoo kalena u adeegsato hubka ay ku
dagaal galaan.

Yurub (Europe)markii kacaankii warshaduhu ka bilaabmay Talyaanigu isagaa ugu warshado badnaa
oo birta iyo laylinteeda ku horeeyay waxaa lagu naanaysi jiray " Tumaalka Yurub”

Markaa waa shay muhiima in lala dagaalamo cunsiriyada, qabiil takoorka oo laga wacyi geliyo
bulshada waan arin aan marnaba cudur daar yeelan karin in qofku uu ku kaco cunsuriyad iyo qabiil
takoor. diinteena Islaamkuna aad bay uga digtay.

Sidoo kale dawladu waa in ay sharci adag ka soo saartaa oo uu qofku ku mutaa ciqaab adag.
Waxaa intaa dheer in la dhiirigeliyo oo loo abuuro fursado waxbarsho, adeeg caafimaad, guryayn iyo
in xirfadaha(skills) ay hoodada u leeyihiin la tayeeyo dhaqaale loo qoondeeyo si loo gaadho kacaan
warshadeed oo soo saara qalab tayo leh oo looga faaiideeyo dalka iyo dadkaba aqoontaas.

Gabagabadii arinkani xamaasad uma baahna qudha oo maalmo ku eg, wuxuu u baahanyahay in uu
ka mid noqdo oo lagu daro qorshayaasha iyo guulaha la hiigsanayo iyadoo loo agaasimayo kuwo
dhow iyo kuwo fogba waana in la helaa iskaashi loo dhanyahay dawlad iyo shacabba.

Allah xaqa iyo walaaltinimada haynagu ilhaamiyo��

✍️ Ahmed Abdulkadir Ahmed ( kayse)
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO