Monday June 21st, 2021
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

Siyaasiga Xuseen Cige Deyr oo Tilmaamay in Kulmiye lagaga Guulaystay Goboladda Togdheer iyo M/Jeex, Maxaa kaaga Baxay Maqaalka u Qorey. (WQ.).Mustafe Axmed Maxamed Geeddi

0
Thursday June 10, 2021 - 19:28:22 in Maqaallo
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Siyaasiga Xuseen Cige Deyr oo Tilmaamay in Kulmiye lagaga Guulaystay Goboladda Togdheer iyo M/Jeex, Maxaa kaaga Baxay Maqaalka u Qorey. (WQ.).Mustafe Axmed Maxamed Geeddi

    Miyaad arragtay Qoraalka Xuseen Aaden Cige Deyr.?.!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Miyaad arragtay Qoraalka Xuseen Aaden Cige Deyr.?.!

Siyaasiga Hussein Deyr , waa wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Af-hayeenkii Xukuumaddii Madaxwayne Siilaanyo, Xuseen in badan ayaan ka arki jiray warbaahinta wuxu u muuqday nin deggan oo aftahinimo u dhashay inta badana si xarago leh uga warbixiya shaqada madaxwaynuhu u hayo qaranka xiligaas u ahaa afhayeenka, wuxuu ahaa turjubaanka dhabta ah ee u dhexeeya Shacabka iyo Madaxwayne Siilaanyo, wuxuu ahaa nin ay shaqdiisa shacabku si wayn ugu qanacsanaayeen , waxaana si wayn loo tabay muddadii uu Madaxwayne Biixi talada dalka hayey , in kasta oo uu Xuseen xukuumaddan la shaqeeyay, si wayn ayaa loo tabay , malaha Xukuumaddii Madaxwayne Siilaanyo ayaa isaga badnay Geed-lab e, oo waa la wada tabay qoodhii iyo qamaamuurtii kaaliyayaasha u ahaa Madaxwayne Siilaanyo ' e.


Xuseen muddooyinkii danbena wuxuu la jaal ahaa Xukuumadda Madaxwayne Biixi, wuxuuna qoray qorraal ama maqaal cajiib oo ay addagtahay in uu ku dhiirado masuul lasoo shaqeeyey Xukuumadda Madaxwayne Biixi isla iminkana ka ag dhow, Xukuumaddan oo ah mid lagu handadday oo lagu Curdin-dhadhiyey arragtidii iyo dooddihii furnaa ee ka dhex jiri jiray xukuumadihii hore ayaan maanta qof ku jiraa la iman karin dood ama arragti waaqaca taabannaysa, Deyr ayaa si cad ugu tilmaamay in fashil wayni ka raacay doorashaddan Xisbiga kulmiye iyo xukuumad-ba isla markaana ay lumisay tageeraddii shacabka.

Xuseen qoraalkiisa waa mid xaqiiqada ku sar-go'an oo ku dhisan waaqaca dhabta ah, si waafi ahna uga turjamaaya xaqiiqada maanta ku dhacday Xisbigii taladda dalka hayay ee kulmiye, wuxuuna tilmaamay in uu si wayn ugu sinbiriirixday tartankii iyo doorshaddii isku sidkannayd ee qabsoontay 31-may loogana adkaadday.

Xuseen waxaa qoraalkiisa uu ku muujiyay kuna xaqiijiyey guuladarrada Xisbiga iyo Xukuumada kulmiye kala caroowday Goboladii u isku Hallayn jiray ee Togdheer iyo M ./ jeex, wuxu si farshaxnimo leh macno iyo dhadhan ugu sameeyey sababaha keennay in guuldaradani ku dhacdo xisbiga kulmiye.

Arragtidda noocan ahi waa mid muujinaysa bisaylka,fahamka iyo garashadda sare ee Siyaasi Xuseen Dayr , waase lagu colaaddin donaa oo loogama baran qof xukuumada iyo xisbiga la jaal ahi in uu runta u sheego , xaqiiqaddana in la isu sheego ceeb ayaa looga yaqanaa Xukumadan dhexdeeda, sidaa darteed waa in gorrada-loo laaladiyaa oo sacabka loo tumaa si ay ku caashaqaan kuwa mida daabkeeda hayaa, waa sida ay jecelyihiin

Waan ku boggaadinayaa Siyaasi Deyr in u yahay nin xaqiiqada dul-istaagay oo aan ka gaban runta, Xuseen waxaan qabaa arragtid ahaan inuu yahay siyaasi hal-adag oo badheedhihiisa dhayda ka caddeeya, wuxuu u muuqadaa siyaasi hillaadin leh oo hiraarka iyo mawjadaha Siyaasadda aad ugu xeel-dheer.

WQ. Mustafe Axmed Maxamed Geeddi
Facebook. Mustafe Ahmed Geedi

 
 
 
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO