Thursday July 29th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Guusha Maxamuud Xaashi Ka Gaadhay Sool iyo Sanaag Sidee ayay Shaxdaasi u Hirgashay.

0
Monday June 21, 2021 - 13:03:16 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 1178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guusha Maxamuud Xaashi Ka Gaadhay Sool iyo Sanaag Sidee ayay Shaxdaasi u Hirgashay.

    Guusha Maxamuud Xaashi Ka Gaadhay Sool iyo Sanaag Sidee ayay Shaxdaasi u Hirgashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guusha Maxamuud Xaashi Ka Gaadhay Sool iyo Sanaag Sidee ayay Shaxdaasi u Hirgashay.
Maxamuud xaashi Cabdi mudo dheer oo bilo ah ayuu ku sugnaa goboladda Bari ilaa Xulistii musharxiinta Golaha wakiiladda.

Wuxuu u kala dab-qaaddayay Gobolada Togdheer, Sanaag iyo Sool, wuxuuna culays gaar ah saaray Sool iyo Sanaag.

Maalmo ka hor doorashadda wuxu u baxay gobolka Sanaag wuxuuna maray degmooyinka Gar'adag, Ceel-afwayn iyo Ceerigaabo.


Ujeedada safarkiisu waxay ahayd xalinta khilafaad yar oo jiray , iyo isku duba-ridka sidii ay usoo bixi lahayeen xildhibaanada ka sharaxan gobolka Sanaag , maxamuud wuxuu intuu ceerigaabo ku sugnaa, wuxu dhameeyay khilaaaf adag oo u dhexeeyay qaar kamid musharaxinta , wuxuu gucle iyo guur ugu jiray in xildhibaanada loo wada codeeyo si siman cidna aannu baaqan.

Maxamuud musharaxnintii u dhisnayay way soo wada baxeen, sidoo kale waxaa burco uga soo baxay labo musharax oo u si wayn u dhistay mid waa kii u xinif ka qaylinayay ee u lahaa nin ayaa Hotel noo jiifa oo na burburinaaya, ninkii maxamuud watay wuu soo baxay waana ninka Ucid kasoo baxay ee jamaal, ninkii u watay Xinif waa ninka dhacay ee kulmiye magaciisuna waa Caga-Cadde.

Waxa kale oo dhisayay burco, musharax Cabdilaahi yusuf axmed oo isna kasoo baxay Xisbiga Waddani ee golaha wakiilada Togdheer, maxamuud wuxuu rabay inuu dhiso xildhibaanada gobolka Togdheer si ay usoo wada baxaan , wuxu wakhti galiyay in ragaas lakala reebo lkn xukuumada ayaa waday burburin , oo Cabdilaahi Yusuf oo deggaankisa u sharaxan la iskuna raacay ,xataa goor danbe waxa laga dabo keenay musharax Gees oo ka sharaxnaa xisbiga kulmiye oo dhacay.

Maxamuud waxa uu culayska saaray in lakala reebo labada musharax ee ka sharaxnaa Gobolka Sool ee Cabdilaahi Dhagawaraabe iyo Axmed Cali Ubaxle wuxuu ku bixiyay wakhti dheer ilaa u damcay in Cabdilaahi laga joojiyo xisbiga Ucid, waana tii faysal ka sheegay Wadamagoo maalintii uu Cabdilaahi xafaladda halkaa ku qabsaday ee u lahaa maxamuud ayaa mar igu yidhi jooji dhagawaraabe, wuxu aad u danaynaayay in nimankaas lakala reebo , ilaa u gaadhay in uu odayaasha isugu yeedho oo ay is fahmi waayeen in mid la reebo labadaas musharax.

Habeenkii doorashada ayaan maxamuud ugu tagnay Hoteelka isha Caynba, habeenkaas Maxamuud waxa ka muuqday Culays iyo Werwer badan, Wuxuu dhagta ku hayay mobile hadii Call-ka hore ka go' midkale ayaa ku xigay sidaas oo ay tahay hadana dad ayay sugayay odayaal ah, si ay arimo gaar uga wada hadlaan , culayska habeenkaas ninkaa haystay waxaa dareemi kara qofkii ku arkay Isha Caynba.

Maxamuud wuxuu rabay in hadii reeruhu xataa qaybsamaan oo la kala tanaasuli kari waaayo in farsamo iyo shax la abuuro xulufaysi ah.

Waxa jirtay in ay jireen in beesha idarays muuse ay rabtay in ay u codayso xildhibaan Caga-yare balse Maxamuud Xaashi ku yidhi:- xoojiya xildhibaan Xayir .

Wuxuu kaloo sameeyay in uu isku xoojiyo Beesha bare- adarxmaan si aan kursigooda Sool aannu shaki u galin khidadaha nocaas ah ayuu maxamuud samaynayay Sanaag iyo Sool .

Facebook. Mustafe Ahmed Geedi

(WQ.). Mustafe Axmed Maxamed Geeddi
 

Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO