Thursday July 29th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Maxaa laga baran karaa doorashadii ka dhacday Soomaalilaan 31 kii May 2021? Waxa qoray: Maxamed Ibraahim Dhimbiil

0
Monday June 21, 2021 - 13:19:36 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa laga baran karaa doorashadii ka dhacday Soomaalilaan 31 kii May 2021? Waxa qoray: Maxamed Ibraahim Dhimbiil

    Maxaa laga baran karaa doorashadii ka dhacday Soomaalilaan 31 kii May 2021? Waxa qoray: Maxamed Ibraahim Dhimbiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa laga baran karaa doorashadii ka dhacday Soomaalilaan 31 kii May 2021? Waxa qoray: Maxamed Ibraahim Dhimbiil
Doorashadii inna dhaaftay ee ku dhawaad ka hal ka malyuun ee cod-bixiye ay ku
go’aamiyeen; wakiillada ku metelaya golaha sharci dejinta iyo dawladaha hoose 31 kii bishii 5aad ee sannadkani, waxa ay noqotay doorasho is-qab-qabsi iyo ceebo ka
madhan . waxa lagu tilmaami karaa; mid si hufan u hir-gashay, xor u badan, oo dadka ku dhaqan Soomaalilaan ay ugu awood sheegteen ummadaha kale ee gobolka hana-
qaadka dimuqraadiyadda, hannaanka wax-wada-lahaansheed, qaan-gaadhnimada iyo bisaylka isu-tanaasul iyo dulqaad ee ay bulshooyinka gobolka dheeryihiin.
In kasta oo ay dadka Soomaalida gaar ahaan kuwa Soomaalilaan ku dhaqani yihiin
ummad siyaabo badan ugu tiirsan nidaamka beelaha, waxna ku qaybsada saamiga reeraha meelo badan oo xilalka dawladda iyo goleyaasha ahna diiradda lagu saaro ka- dhex-muuqashda iyo ku salaynta qabaa’il ka Soomaalilaan wada deggan, haddana
waxa si gaar ah doorashadan uga dhex iftiimay yididiilo iyo rabitaan bulshada qaybo ka
mid ahi ku muujiyeen in ay diyaar u yihiin in marka la doono wax laga beddeli karo qaabkaan beelaysan oo la isku dooran karo hab kaas ka madax bannaan oo rabitaanka iyo baahiyaha cod-biyeyaasha ah.
Codadka tirada badan ee ay dadka gobolka Maroodi-jeex ku doorteen musharraxii


golaha wakiillada Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo ka soo jeeda beelaha la hayb-sooco ayaa ka mid ah tusaaleyaasha nool ee muujinaya in codadka sida xorta ah ay bulshadu
u dhiiibataa abuuri karaan rejo laga qabo in ay suurtogal tahay in bulshada reer Soomaalilaan ka hoos baxdo xukunka beelaha oo ay dareemeen in ay awood u
leeyihiin saarista kursiga hadba cidda ay rabaan iyo rididda cidda ay iska diidaan. Waa fursad dahabi ah oo ay bulshadu ku ogaan karto in ay iyagu go’aamin karaan
mustaqbalkooda siyaasadeed, maadaama oo ay awoodda koowaad u leeyihiin in ay xushaan ashkhaas aan loo soo xulin iyo cidda ku fadhiisanaysa kuraasta go’aammada
masiiriga ah leh ee wakiillada iyo dawladaha hoose ee magaalooyinka iyo degmooyinka
dalka. Dad badan ayaa fursaddan ka dhigay tijaabadii koowaad ee ay meesha ku keenayeen
musharrixiin aan ku ololayn nidaam reereed balse sameeyay ballan-qaadyo lana yimi
barnaamij wax qabad oo ay cod-bixiyeyaasha kaga iibsanayaan kursiga golaha. Dadweynihii tirada badnaa ee musharrax Cabdikariim Axmed Mooge (Wiilka uu dhalay
fannaankii caanka ahaa ee Axmed Mooge Liibaan) ku soo saaray codadkii ugu badnaa ee uu abid musharrax ku soo baxo ayaa tusaale kale u ahaa bulshada dirtay farriin xujo
ah oo ku wajahan ballan-qaadyadiisii faraha badnaa.

Waxa weli bulshada qaybo ka mid ah ka dhex jira dhaqanno ka hor imanaya rabitaanka shacabka, waxaana ay qodxo badani ku daadsanyihiin dariiqa uu qofka daacadda ah
ee raba in uu wax qabtaa u mari lahaa qaar badan oo ka mid ah kuraasta dalka looga arrimiyo. Caqabadahaas oo musharrixiin badan oo wax qabad dhab ah ku taamayay
hankooda dib u dhigay ayaa waxa ka mid ah, nidaamka xulista musharrixiinta oo ay qabaailku saamayn weyn ku leeyihiin, in yar oo faro-ku-tiris ah mooyaane musharrixiinta
badankooda na waxa go’aanka in ay kursiga isu soo taagaan lahaa; madax- dhaqameedka, wax-garadka iyo siyaasiyiin qaarkood xilal ay ka hayaan xukuumadda
kuwo kalena ay maamulka dibad-joog ka yihiin oo haga go’aammada iyo danaha
beelaha musharrixiintani ka soo jeedaan, waxaana tusaale u ah musharrixiin badan oo rag iyo dumar bal leh lagana reebay kuwo kale, oo laga yaabo in kuwa la reebay ay ka
wanaagsanaayeen, ka aqoon badnaayeen kana barnaamijyo macquulsanaayeen kuwa la sharraxay, waxaana badi saamayn ku yeeshay nidaamka reeruhu dhexdooda isku
indho-buuxiyaan iyo sidoo kale rabitaanka iyo danaha siyaasiyiinta iyo odayaasha majaraha u haya reeraha. Dhaqankaas iyo caaddifadaha kale ee qabyaaladda la
xidhiidhaa oo ay bulshadani qabatintay iyo kala sheegashada deegaannada iyo
magaalooyinka ayaa ka mid ah caqabado kale oo hortaagan qof raba in uu si
daacadnimo ah wax u beddelo, waana ta inta badan kellifta in qofku in uu doorto wakiil amma mudane wax u qabta uu ka jecelyahay in uu mudaneyaasha goleyaasha kala
duwan ka arko liis ashkhaas ay isku beel yihiin iyo in uu dareemo in magaalo heblaayo
amma gole hebel qof reerkooda ahi hor-jooge ka yahay. Waxyar oo ka mid ah
caqabadahaas ayaa ifafaalo horumar dhinaca xornimada ah laga dareemay doorashadan kaddib markii shakhsiyaas kooban oo musharrixiinta ah ay bulshadu ku
tijaabiyeen codkooda, waxaana suurtogal ah in taa lafteeda ay cod-bixiyeyaasha u saamaxday doorashadan isa-saarnayd ee uu qofku fursadda u haystay in uu hal mar u
wada codayn karo laba musharrax oo midna wakiillada yahay, midina dawladaha hoose yahay gobolka uu joogo, sidaas darteed dad badan ayaa kuu sheegaya in ay hal cod na shakhsi ay tijaabinayeen siiyeen halka cod ee kelana ay musharrax reerkooda ah
siiyeen.

Musharrixiinta laftooda ayaa dhawr jaad ahaa; Musharrax xarakada uga dan leh oo aan barnaamij na diyaarsan, rejo badanna ka
qabin in uu soo baxo hasayeeshee in uu beri tartamay u yaqaanna in ay tahay wax
waayo-aragnimadiisa siyaasadeed u gala. Musharrax reerkooda ku tiirsan, isku tubboriday, kana samaystay kalsooni badan oo ay
cod ku siin karaan, oo laga yaabo in si weyn ay markii hore ba reerka isugu xidhnaayeen amma hore xilal usoo qabtay, kaas oo ay awood u siiyaan beeshiisu in aanay cid kale gerbin ee keligii uu deegaanka ka tartamo.

Musharrax adduun isku hallaynaya, lagana yaabo in uu waxgaradka iyo cidda reerka gacanta ku haysaba ku kasbaday dhaqaale, mararka qaarna lagaba yaabo in uu
iibsado hanka qof kale oo ka wanaagsan, kaas oo inta lacag la siiyo lagu qanciyo in uu
ka hadho.
Musharrax xisbiga uu ka tartamayaa wato oo uu awood u siiyo in uu doorashada isu taago, balse laga yaaabo in uu cod ku waayo caqabado kaga yimaadda deegaanka uu
ka soo jeedo oo iyagu musharrixiin kale cumaamaday. Musharrax ku kale oo ay isku deegaan ka soo jeedaan la garab eryayay, oo ku xumayn
mooyaane han kale oo uu u tartamayaa jirin, lagana yaabo in uu nasiib ku soo baxo
amma kan kale la dego.
Waa meel nidaamka qabaa’ilka ah, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka la isku dhex wado, bulshadu nabadgelyada iyo ganacsiga wada ilaashato, xisbiyada badanina
mabda’ siyaasiya iyo beelo ay isugu jiraan. Shaqo kasta oo la qabto waxa aan laga waayin dhaliilo farsamo iyo gol-daloollo soo
baxa oo aan hore loogu talogelin, doorashadii Soomaalilaaan ka dhacday 31ka May
2021, waxa ceebo laga sheegi karaa haddii laga tegi waayo; habsan ku yimi furista goobo cod-bixineed meelo ka mid ah deegaannada kala duwan, xirfad yaraan
shaqaalihii ka hawl gelayay doorashada, kaadhadh dad kale lahaayeen oo meelo
badan ay kaga codeeyeen dad kale iyo meelaha qaar oo carruur aan da’da cod-bixinta gaadhin loo oggolaaday in ay codkooda dhiibtaan kaddib markii ay soo qaateen kaadh
codbixineed oo aanay lahayn.
Si kasta oo ay tahay; waxa aan la dafiri karin kaalintii xukuumadda iyo guddida doorashooyinku ay ka qaateen doorasho xor ah oo ay muwaadiniintu si nabadgelyo ah
u codeeyaan. Waxa kale oo xusid mudan in ay Soomaalilaan iska bixisay dhaqaalihii ku baxayay labadaas doorasho ee isku mar ka la qabtay iyo guddida doorashooyinka oo
muujiyey dhexdhexaadnimo buuxda, hufnaan shaqo iyo masuuliyad dheeraad ah.

Maxamed Ibrahim Dhimbiil
Email: Midhinbiil411170@gmail.com
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO