DOORASHADA JAMHURIYADA FEDERALKA
SOMALIA IYO KHATARTA KAGA SOO FOOL LEH
JAMHURIYADA SOMALILAND
Dalka Jamhuuriyada federalka Somalia ayaa hadda waxa lagu heshiiyey gudiyadii doorashooyinka qaban lahaa oo mudo badan
la isku maan dhaafsanaa , waxaana la soo xulay gudiyo cusub ,
gudiyada la soo xulay waxa ku jirta gudi loogu magac daray gudiga doorashooyinka Somaliland oo la rabo in ay soo xulaan
dad la leeyahay waxa ay metelayaan Somaliland.
Hore waxa u jirta in dhamaan hay’adaha caalamiga ah iyo safaaradaha dalalka aduunka ee ay Somaliland xidhiidhka la
lahayd ay muqdisho ku xidheen in laga doonto waxii ay
jamhuuriyada Somaliland u baahan tahay , waxaana ka shaqeysay dawlada Somalia oo ku jirta in ay soo ceshato
dhamaan awoodihii dawladii jamhuriyada Somalia ( Somali
Republic ) oo kala noqotay jamhuuriyada Somaliland iyo jamhuuriyada federalka somalia.
Waxa aan qarsoonayn in mashaariicda Somaliland ka socda iyo hay’adaha la shaqeeya wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada in muqdisho laga soo saxeexo oo ay dhamaan hoos tagaan
wasaaradaha Somalia , mashaariicdana ay qorsheyso wasaarada
qorsheynta Somalia. Waxani waxa ay ku dhaceen siyaasad xumadii iyo deg-degii
wadahadalada Somalia lagu furay oo inagu keenay in mar kale Somaliland god madaw lagu rido , waayo wadahadalada Somalia
dan kale kamay lahayn ee ujeedada ugu weyn waxa uu ahaa in
ay soo ceshato awoodii sharciyeed ee caalamiga ahayd ee
jamhuuriyadii Somalia lahayd.
Iyaga oo waxan oo dhan hadimooyin ahi jiraan ayaa haddana waxa Somalia laga qabanayaa doorashooyinkii golayaasha
shacabka iyo madaxweynaha oo lagu daray dad si cad loo
leeyahay waxa ay metelaan Somaliland , wallow ay barigii horeba dad ku jiri jireen haddana 1991 kii shirkii Djibouti ilaa shirkii 2004
Kenya ee Embagati waxa caalamku si cad u ogaa in aanay
Somaliland qayb ka aheyn.
Waxa war murtiyeedyada lagu soo saari jirey war bixin ah in aanay Somaliland qayb ka aheyn ee la rabo in koonfur Somalia
dawlad loo dhiso oo la xasiliyo , markaa ay dhameys tiranto in ay Somaliland markaa wadahadalo u furmaan oo haddana la galo
qorshihii lagu mideyn lahaa ama lagu kala go’i lahaa .
DOORASHADA LA FILAYO IYO QORSHEYAASHA QARSOON
EE KU JIRA
Doorashada la filayo maadaama caalamka loo sheegay in Somaliland ka mid tahay waxa la isku dayay qaabka Somaliland
uga mid noqon karto Somalia oo hadii halkaasi muqdisho hore u hagaagi waydo dalka dhinaca Somaliland laga wado oo halkani la
xoojiyo laakiin ay midnimadu horeyso.
Waxa la isla soo qaaday in hadii madaxwayne Somaliland ahi yimaado gaar ahaan (ISAAQ) ay somaliland Somalia ka mid
noqonayso , waxaa markiiba laga fekeray in madaxda somaliland ee hadda xilka haysa loo soo jeediyo qorshahaasi , waxaana
cadeyntii koowaad ahaa kulankii uu rabay raisal wasaare Abiy Ahmed in Farmaajo hargeisa yimaado.
Markii la arkay suurtagal in aanay ahayn waxa loo badinayey in madaxwayne ka soo jeeda ISAAQ muqdisho lagu caleemo saaro
oo reerkiisuna awood ku leeyihiin somaliland si marka ay ugu yar tahay somaliland fawdo uga dhacdo , amaba somaliland
gudaheega u kala shakido oo sidii 1960 kii muqdisho la iska wada
dhiibo.
6 oct 2020 qoraal aan idin la wadaagay ayey ku jirtay laakiin waxa wax badan badelay xaqiiqada siyaasada Somalia maanta taalla
oo mid reero ku saleysan ah , iyo beesha Hawiye oo
kacdoonkoogii uu saameyntii iyo qorshihii dawlada Somalia wadatay wax badan ka badelay.
Hadda waxa la sheegayaa in la rabo in madaxwayne ku xigeen
madaxwaynaha lala doorto oo ISAAQ ah la keenayo si loo tuso caalamka in la miisaamayo siyaasad wax wada lahaansho oo la
rabo in somaliland lagu soo xero galiyo , sidoo kale mansabyada
xukuumada loo badiyo beesha Isaaq si ay dadkoogii u keenaan . Waa xeelad iyo xirfad siyaasadeed oo ay dawlada Somalia
ciyaarayso iyaga oo aan dalkii Somalia wada maamulin oo
muqdisho laga yaabo in aanay dawlada Somalia wada gaadhin , xukuumada somaliland ayaan mar qudha ka hadal in ay shirka
Somalia ee muqdisho aanay somaliland ka mid ahayn taasi oo
loo fahmayo aamusnaantooda in ay raali ka yihiin. Xisbiyada siyaasada ayaan marqudha ka hadal waxaana ay u
eeg tahay in dano siyaasadeed la wada eeganayo oo masiirkii iyo halgankii qaranimo ee umadani ku soo jirtay mudada dheer la
ilaaway , ama aan cid ilaashanaysaa muuqan , iyada oo lagu jiro
xili aad u xasaasi ah oo siyaasadaha gobolka geeska Africa marayaan meel adag iyo is xulafaysiyo khatar ku noqon kara
qadiyada iyo gooni isu taaga jamhuuriyada somaliland.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed dhimbiil
DOORASHADA JAMHURIYADA FEDERALKA SOMALIA IYO KHATARTA KAGA SOO FOOL LEH JAMHURIYADA SOMALILAND
DOORASHADA JAMHURIYADA FEDERALKA SOMALIA IYO KHATARTA KAGA SOO FOOL LEH JAMHURIYADA SOMALILAND