Thursday July 29th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Dal Walba Waxaa Quruxda Iyo Qiimaha U Yeela Waa Dadkiisa " Siyaasi Ex Wasiir Xoghaye Xuseen Deyr "

0
Monday June 21, 2021 - 20:32:15 in Wararka by Sanaag Office
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dal Walba Waxaa Quruxda Iyo Qiimaha U Yeela Waa Dadkiisa " Siyaasi Ex Wasiir Xoghaye Xuseen Deyr "

    Dal Walba Waxaa Quruxda Iyo Qiimaha U Yeela Waa Dadkiisa " Siyaasi Ex Wasiir Xoghaye Xuseen Deyr "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dal Walba Waxaa Quruxda Iyo Qiimaha U Yeela Waa Dadkiisa " Siyaasi Ex Wasiir Xoghaye Xuseen Deyr " QARAN WALBA DADKIISAA U YEELA QIIMAHA IYO QURUXDA UU LEEYAHAY . Waxa inoo dhisan Qaran aynu ku faani karno, Qaran aynu inagu dhisanay oo aan cid kale inoogu mana-sheeganayn. Waxa inoo dhisan QARAN GUULAYSTAY oo ku guulaystay inuu dadkiisa ka bedbaadiyo halaag iyo colaado sokeeye oo kala kaxayn lahaa shacab walaalo ah. Waxa inoo dhisan Qaran leh dhammaanba kaabayaashii lagama-maarmaanka u ahaa hannaanka dawladnimada, sugidda amniga, nabadda iyo xasiloonida dadka iyo dalka. Jam. Somaliland waa QARAN HANAQAADAY oo ku guulaystay in uu ummadiisa u horseedo nabad, degenaansho, wada noolaansho, horumar iyo dimuqraadiyad dhab ah, sidaana ku soo caano-maalay sodonkii sano ee ugu dambeeyey. Dawladda iyo shacabka Jam. Somaliland waa ummad iyagu isku tashaday oo ka tashaday fara gelin shisheeye iyo in ay danahooda cid kale u daba fadhiistaan! Shacabka Somaliland waa ummad ka midaysan quluubta iyo dareenka wadaninnimo oo ay si dhab ah uga go'an tahay ku adkaanshaha iyo ilaalinta qarannimadooda. Ummadda Somaliland waxay si qoto dheer u og yihiin in iyagu ay yihiin kuwa keliya ee go'aamin kara XAQA AAYA-KA-TASHIGA iyo arrimaha MASIIRIGA AH ee ay leeyihiin. Ugu dambayntii, QARAN WALBA DADKIISAA U YEELA QIIMAHA IYO QURUXDA UU LEEYAHAY. Haddaba, haddii aynu nahay Ummadda Somaliland waxa inagu waajib ah in aynu quluubta u sii dayno Quruxda iyo qiimaha uu leeyahay Qarankeenu. SOMALILAND HA NOOLAATO. W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr)
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO