Thursday July 29th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

maayirka cusub ee degmada Burco Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi (Hero).

0
Thursday June 24, 2021 - 21:54:11 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    maayirka cusub ee degmada Burco Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi (Hero).

    Asagoon lahayn awoood kasta oo bulshada arimaha haysta wax lagaga qaban karo, ayuu u istaagey in uu naftiisa ka xoreeyo dabarrada badan ee deegaankiisa ka jira,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asagoon lahayn awoood kasta oo bulshada arimaha haysta wax lagaga qaban karo, ayuu u istaagey in uu naftiisa ka xoreeyo dabarrada badan ee deegaankiisa ka jira,
 wuxuuna cod dheer bulshada qeybaheeda kala duwan si mutadawacnima ugu tilmaami jirey qabyadeeda tiro beelka ah halka marar fara badana uu gacmiisa ula tagi jirey si uu wax uga qabto.

Wuxuu ka mid yahay jiilka sadexaad ee Soomaalilaan asagoo wax barashadiisi dugsiga Hoose,Dhexe,Sare iyo Jaamacadiiba kaga baxay dalka gudihiisa, wuxuu xogogaal u yahay nooc kasta oo mushkilad ah oo deegaankiisa ka jirta, asagoo waliba mashkiladaha qaar daraasado ka sameeyey.
Waligii nin ay niyad jabiyeen maaha mushkiladaha tiro beelka ah ee deegaankiisa ka jira, bal ee waxaan odhan kara wuxuu kasii qaadayey dhiiranaan dheraad ah.
Mar kasta ood kulantaan waa shaqsi kaala sheekeysanaaya danta guud iyo sidii loo xalin lahaa, wuxuuna aaminsan yahay in awood maamul dhibaatooyinka jira badankooda wax loogaga qaban karo.

Waa aqoonyahan indheer-garad, qunyar soocod ah isla markaasna xidhiidh dhaw la leh qeybaha kala duwane bulshada, waa nin leh sifooyinka dhaqanka Soomaalidu ku sifeeyo ina rag ka ugu mudan. Naaneystiisuna waxay caan ka dhex noqotey deegaankiisa, imikana waa maayirka cusub ee degmada Burco Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi (Hero).

Bulshada degmada Burco ku dhaqan oo mudo dheer ilahay ka baryaayay inuu hogaan khayr qaba oo dhibaatooyinkooda tirada badan wax ka qabta u soo saaro; yaan odhan kara ilahay ducadii waa ka aqbaley.

Ugu danbeyntii waxaan bulsho weynta burco ugu baaqaya qeybaheeda kala duwan iney garab istaag iyo la shaqeyn u muujiyan golaha cusub ee degmada si ay u rumeeyaan riyooyinkeena, Burcana uga dhigaan degmo lasoo noqota kaalinteedi waayo-waayo

Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO