Thursday July 29th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Talaagada Maydka Lagu Kaydiyo iyo Dhakhtarka Wayn ee Burco oo Mudo 30Sano ah Ka Aradan!!!

0
Thursday July 01, 2021 - 18:10:35 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talaagada Maydka Lagu Kaydiyo iyo Dhakhtarka Wayn ee Burco oo Mudo 30Sano ah Ka Aradan!!!

    Talaagada Maydka Lagu Kaydiyo iyo Dhakhtarka Wayn ee Burco oo Mudo 30Sano ah Ka Aradan!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaagada Maydka Lagu Kaydiyo iyo Dhakhtarka Wayn ee Burco oo Mudo 30Sano ah Ka Aradan!!!
Kani wa muqaalka Qolka Maydka la dhigo ee dhakhtarka wayn ee magaalada burco
Waxa taala hal talaagad oo ah kuwa maydka lagu rido kana kooban 3khanadood, qaadana 3 mayd qudha .
Maalmo ka hor ayaan tegay dhakhtarka wayn ee burco si aan uga so saarno maydka wiil aanu ila adeer nahay oo mido 2cisho ah ku jiray talaagada maydka
Markii nalo fasaxay in aanu maydka la baxno ayan u gudbay qolka maydka oo ay dhex taalo talaagadan keliya ee 3 mayd qudha qadaysa.
Si deg deg ah ayaan fura hayihii qolka u waydiiyey su,aal ahayd ma qolkan ayuunba maydka la dhigaa mise qolal kale oo ay talaagada maydku yaalaan ayaa jira?
Waxana uu igu jawaabay maya ee wa qolkan iyo talaagadan oo keliya?
aad ayaan u naxay ugana xumaaday
Waxa aan mar kale ku celiyey su,aal kale oo ahayd
Hadii gobolka togdheer ama degmada burco ay shilal badan ka dhacaan amba dilal oo kale oo la idiin keeno maydad tira badan. Maxaad yeshaan?
Cabdi qaadir wa fura-hayaha qolka maydka,e waxa uu si fudud ii sheegay in marka ay sidaasi dhacdo ay maydadka isku bad bad-badalaan o qaarna ka so saraan qaarna geliyaan .
Sadexda khanadood ee talaagada wa ay buxeen waxana ku jira 3 nin maydkood oo ka ugu mudo yari uu 4 caano maal ku barey,kan 2aadna tobaneeyo maalmood uu yaalay welina ku jiro ila hada halka kan sadexaad isaguna ilaa rabadaantii uu ku jiray Sida uu ii xaqiijiyey fure hayaha qolka maydku
Hadaba talaqgadan sadexda mayd oo qudha qadaysa oo ila 20 sano ku dhowaad ahayd tan keliya ee cisbtaalka wayn ee burco leyahay iyo guud ahaanba gobolka togdheer ayaa waxa bulshada burco iyo reer togdheerba ugu deeqay Sharikada Dahabshiil. Mana jirto cid kale oo so labaysa
Waxana dhamaan maqan doorkii xukuumada dhexe, tii dawlada hoose. Iyo ganasada gobolka iyo qurbo joogta reer togdheer.
Ka hadal la,aanteeda iyo soo bandhigid la,aanta gudbinteedaba waxa aan dusha u saarayaa Guud, ahaan masuuliyiinta gobolka ee kala duwan, gaar ahaan kuwa caafimaadka oo isu dawaha cafimaadka ee gobolku u horeeyo , sida oo kale maamulka dhakhtarka wayn iyo saxaafada gobolkuba dhamaantood waa kuwo si wayn uga gaabiyey ayaa la odhan karaa mudadaasi 30ka sanadood ah ee ay somaliland jirtay.
GabaGabo
Cidkasta oo ay khusayso waxa ka qabshada baahidan wayn ee uu cisbitaalka wayn ee burco uu u qabo helitaanka talaagadaha maydka lagu kaydiyo oo leh tiro iyo tayaba. Waa mid muhiim ah ka hawl galkeeduna ay waajib ku tahay cid kasta oo damiirkeedu noolyahay una damqanaysa dadkiisa iyo dadkiisa:


W/Q: Saciid Xuseen Riraash (Saciid Cawke)
 

Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO