Thursday July 29th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

MAXAA ISAGA EEG FIKRADAHII JIHAAD EE SAYID MAXAMED C XASAN (Saalixiya) IYO AMIIR AXMED CABDI GODANE (Shabaab) W/Q .Kadar Ibrahim Aar

0
Thursday July 01, 2021 - 18:22:47 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAA ISAGA EEG FIKRADAHII JIHAAD EE SAYID MAXAMED C XASAN (Saalixiya) IYO AMIIR AXMED CABDI GODANE (Shabaab) W/Q .Kadar Ibrahim Aar

    MAXAA ISAGA EEG FIKRADAHII JIHAAD EE SAYID MAXAMED C XASAN (Saalixiya) IYO AMIIR AXMED CABDI GODANE (Shabaab) W/Q .Kadar Ibrahim Aar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAXAA ISAGA EEG FIKRADAHII JIHAAD EE SAYID MAXAMED C XASAN (Saalixiya) IYO AMIIR AXMED CABDI GODANE (Shabaab) W/Q .Kadar Ibrahim Aar
Mahad oo dhami Ilaahay ayay u sugnaatay , Ilaaha abuuray samooyinka, dhulalka iyo waxa ku gadaaman oo dhan wax nool iyo waxaan noolayn,waana Ilaha ka nasahan Ceeb dhamaanteed sharaf iyo wanaagna ay agtiisa ahaatay.
Fikirka maskaxdu waxa uu dhalayaa isla markaana uu curiyaa isla doonashada wax isaga eeg laba qof oo aan isku wakhti ahayn isla markaana aan isku deegaan aan ahayn ,balse ay ka dhaxayso oo kaliya isu eekaan dhinaca afkaarta ah iyo mabaa’diidu.
Qof idinka idinka mid ahi marnaba ma halmaami karo halyaygii waynee ee Sayid Maxamed Cabdulla Xasan ,sidoo kale waxa iyana maqal iyo Muuqaalba aynu ku haynaa Amiirkii Xarakada Al-shabaab ee Somaliya Axmed Cabdi Godan (Ina godane)
Garaad iyo garasho inta aan leeyahay waxa aan diirada mudaba ku saarayay in aan wax ka qoro isu ekaanta iiga muuqatay fikir,dhaqan,dhaqaale,ujeedo iyo ciidanba ee ay wadagaan labadaasi Sheekh.
Wakhti aad u badan ayaa Qalin iyo Warqad midba dacal iga yaalay ,hadana iyada oo ay sidaasi tahay waxa aan dib maskaxdayda ula kaashaday ka fiirsiga qoraalka aan rabo in aan daabaco iyo in ay dhici karto in uu xaasaasiyad iyo muran dadka qaarkii ay ka keenaan, iyada oo darafka aan ka eegay mooyaane ka eegaaya waji kale oo ay ula muuqatay arintasi .
Sidiisaba Aadamahu maaha kuwi isku aragti iyo faham isku mida nolosha ku wajaha.
Waxa aan soo bandhigayaa aniga aragtidayda iyo sida ay ila muuqatay *Hadda maaha adiga aragtidaada,taadu waa kuu goono,balse fikirka ay aragtidaydu ka qabto iyada oo aan dhinacyo badan ka eegay isu-eekaanshaha aadka u wayn ee ka dhaxeeya labadaasi Sheekh.
Si aad u fahmtaan isu eekaanshaha aan rabo in aan idiinsoo bandhigo ,waxa aan marba sadaro kooban ka qori doonaa labadooda midkood,hadana waxa aan si dhaw qoraalkale iidinku soo gudbin doonaa kii aan wax ka qoray mooyaane kan kale si aad usu garab dhigtaan idinkoo adeeg sanaaya caqliga saliimka ah balse aan adeeg sanayd caadifada iyo kutidhi-kuteenta iyo ilmaadeernimada.
Waxyabaha aan u arkay in ay iska shabahaan ama ay iskaga mid yihiin waxaa ka mid ah:-
ISU EKAANTA SAALIXIYADA IYO AL-SHABAAB
Xarakada ama waxa loo yaqaano baryahan danbe Baraaruga Islaamku ,waxa uu ahaa mid markastaba xilli gooniya iyo wakhti gaar ah dhalanaayay.Xarako ama koox kastaana waxa ay la jaan qaadaysay isla markaana ay gudbinaysa oo marag madoona fikir iyo mabadii ay asal ahaanteedu ku qotonto afkaar wakhti xiliyada ka mida abuurmay feedhana ku haya Sheekh ama shariif isagu maskaxdiisa ku cabiray Quraan iyo Axadiis Rasuul SCW kadibna sidii ay la noqotay ku abaabulay koox iyo urur Dineed la fahansan hawshaasi.
Waxaa dhacday madamaa wakhtiyadan danbe aynu maqalnay aragnayna Xarakooyin iyo kooxo islaami ah oo midiba tankale ay raddinayso (durayso),ay dhacdana in lays Gaalaysiiyo mararka qaar Diinta iyo Miladana dibada laysaga saaro,kadibna dilka iyo boobkana laysu xalaashado.Hadana waxa aan ka madhnayn waayadii horana in ay jireen uun sidan aynu maanta aragno si iyaduna la mid ah ama kaba sii hooraysa una cuntanta wakhtigaasi.
DARWIISHKII SAYIDKA IYO SAALIXIYA SAFARKEEDII
Asal ahaan magaca Darwiish waxa si kooban loogu mecneeyaa eray ama kalmad koob sanaysay Wadaad ama sheekh ku xeel dheer khalawada , xerawnimada iyo u gooni noqoshada Diinta.Waxa la tilmaamaa iyaga iyo Allahooda in magacaasi laga dhex maqli jiray xarakada Saalixiyada goobaha ay ku sugnayeen colaadi Sayidka ka hore gaar ahaan wadamadii Carabta..
Inta badan dadka Somalida ah waxaa caado inoo ahayd wakhtiyadaasi in ninku marka uu waynaado uu ka fikiro in uu Xajka Soo guto, waajibkana uu iska soo rido ,baydka Ilahayna uu soo dawaafo si loogu danbe dhaafo.
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxa uu ka mid ahaa dadkii u cibaadada doontay wadanka Sucutiga (Xijaas) waxaase uu la kulmay dhaq dhaqaaqyadii islaamiga ahaa ee ka socday dalka Sudaan xiligaasi ee uu hogaaminaayey Maxamad Al-Mahdi kuwaasi oo ay Xajka ku kulmeen .
Hore iyo iminkaba Baydka Ilahay ee barakaysani waxa uu salka ku hayay, lakulanka dadka iyagu raba in ay is arkaan balse kala jooga wadamo aad u kala fog.Kulanku kuma ee ka oo kaliya Wadaadada iyo culimada balse waxaa iyagu xajka ku kulma iskuna arka si qarsoodiya xiliga Cimrada Siyaasiyiinta Muslimka ah oo dhan,kuwaasi oo halkaasi ku kala warqaata.Sayid Maxamedna safarkiisu taasi kamuu fogayn.
Hadaba wakhtigaasi Sayidku waxa uu la rafiiqay dhalintii iyo culimadii markaasi raadka wayn ku lahayd Jihaadka ka socda dalka Suudaan .Waxa uu bartay oo saxiib dhawa la noqday culimo aad u farabadan oo ka tirsan xarakooyinkii markaasi sida wayn loo hadal hayn jiray wakhtigaasi , oo ay ka mid ahayd kooxdii Saalixiyada ee uu aasaasay Sheekh Sayid Maxamad Saalax oo ahaa wadaad u dhashay dalka Sudan .
Sheekhul dariiqahii Saalixiyada Sayid Maxamad Saalax waxa uu si kal iyo laableh ugu khushuucay aragtida iyo fahamka dheeraadka ah ee uu leeyahay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo sida Imaaniga ah ee uu Darwiishku ugu kalsoonyahay in ay waajib Diiniya tahay in Dunida oo dhan lagu soo dabaalo xukunka Diinta Islaamka.
Hadaba waxa uu sheekhal dariiqahii Saalixiyada maskaxdiisa kusoo dhacday in uu Ina Cabdulle Xassan u doorto in uu noqdo Sheekhal dariiqada uga wakiilka ah Saalixiyada dhankaa iyo bilaadul Soomaal .Waxaanay sheegaan iyaga iyo Allahoode in amar iyo burhaan karaamo weheliso iyo Ijjaaso khaas ah Dhabarka loo saaray lana faray in cidkasta oo amarkiisa qaadan wayda amma Xujowda in talabada uu doono uu ka qaado karo *Dilba ha gaadhee.Taaso sayidka oo aan aqoon badan u lahayn Diinta Muxamadiya loo tusay in ay sidaas qabto.
AMIIR GODANE IYO AL-SHABAAB
Amiir Axmed Cabdi Godane dhalasho ahaan waxa uu kasoo jeedaa magaalada Hargeysa ,dhamaan waxa uu Hargaysa ku qaatay waxbarashadisii aas aasiga ahayd sida Iskuulkii hoose,dhexe iyo kii saraba.
Axmed Cabdi Godane waxa uu ka mid ahaa dhalintii xiliyadii Sagashanaadkii ku guuleystay deeq waxbarasho oo uu fidiyay Caalimkii waynaa ee Sucuudiga Shiikh C/Casiis C/laahi Ibnubaaz, waxaanu waxbarashada u doontay dalka Baakistaan,isaga oo ka qaatay shahaadada Jaamacada International Islamic University ee ku taalla caasimada Islamabad.Waxaanay waxbarashadiisu ahay dhinaca dhaqaalaha .
Amiir Axmed markii uu tegay wadanka Baakistaa waxaa markiiba kusoo dhaweeyay wadaadii Itixaadka ee joogay magaalada Karachi ,waxaana si gaar ah uu ula noolaa Shiikh Bashiir Salaad oo wakhtigan xaadir ka ah loo magacaabay Guddoomiyaha Culimada Soomaaliyeed fadhigiisuna uu yahay magalada Muqdisho.
Muddo yar ka bacdi Axmed waxa uu si kal iyo laableh ula dhacay fikirka Jihadiga ah gaar ahaan Inqaadul Islaam ee Aljeeriya (GLA) waxaanu bilaabay in uu soo saaro joornaal layidhaahdo Al Basiiradii jihaadiga ahayd.
Amiir Axmed intii uu waxbarashada ku guda jiray waxa uu fasax kasta tegi jirey xarumaha tababarka jihaadka ee Afghanistan isaga oo soo qaadan jiray dhamaan wixii tababaro halkaasi ka jiray ,waana mida keentay in wakhtiyar uun ka bacdi uu isu badalo nin ay ka dhabtahay qaadashada afkaarta Jihaadigaa.Dadka qaarkoodna waxa ay sheegaan in Amiir Axmed uu Beeco iyo balan lasoo galay Hogaamiyahii waynaa ee Ruuxiga ahaa Usama Binlaadin IHN.
Fiiro gaar ah :
Akhriste qoraalkaasi yar ee Koobani waxa uu ina tusinayaa sida ay aragtida Jihaadigaa labada ninba uga soo qateen dhulkii ay waxbarashada u tageen ,isla markaana midkastaaba uu balan iyo wacad uu lasoo galay sheekhii iyo xarakadii uu afkaarteeda la dhacay una arkay in ay aakhiradiisa danbe ay wax ka tarayso.
Amiir Axmed iyo Darwiish Ina-Cabdalle Xassan waxa ay wadanka kusoo noqdeeniyada oo uu midkastaaba aamin san yahay afkaar iyo fikrado xarakiya oo iyaga markaasi ula muuqatay in Diinta loogu adeegaayo.
ISU EKAANSHAHA FURSADAHA AY HELEEN
Midkasta oo ka mida labada Wadaad waxa uu helay fursad jaanis iyo Dhul uu ku fulin karo afkaartii Jihaadiga ahayd ee uu aamin sanaa :
Sayid Maxamed : Waxa ka faa’idaystay joogitaankii Dawladii ingiriista ee Somaliland, waana mida u sahashay waxbadan in uu dadka ka dhaadhicin karo in gumaysiga layska kiciyo,madamaa ay yihiin dad gaalo ah Somaliduna ay tahay dad lagu tilmaamo ama ahba 100% Muslimiin.
Amiir Axmed Cabdi Godane :Waxa uu isna fursad qaaliya ka helay burburkii Soomaliya, intii aanu Muqdisho tagin waxa ay isaga iyo saxiibkisii uu Birta ka aslay IHN Ibrahim Xaaji Jamac (Ibraahim Afgaani) ay isku dayeen in dagaalkooda Jihaadigaa ay ka bilabaan dhinaca Somaliland,kana samaystaan xarumo iyo qalcado ay hawshooda ku fushadaan ,balse taasi waa ay uga suura gali wayday Somaliland.
Amiir Axmed waxa fursada iyo jaaniska labaad uu ka helay Muqdisho oo markaasi aanay jirin cid si buuxda gacanta ugu haysaa,balse ay ku gorgortamayaan iskuna haystaan maamulkeeda wixii loo yaqaanay Hogaamiyayaal kooxeedyada ama Asjahaado la dirirka kuwaasoo Amiin Axmed ula muuqatay in uu kuwan la dagalankooda Janada uu ku galaayo.
ISU EEKAANSHAHA DAGAALKA XARAKOOYINKA
Darwiish Maxamad iyo Amiir Axmed : labaduba waxa ay si mugleh ula dagalameen nacayb iyo cadaawad xoog badana u qaadeen dhamaan xarakooyinkii kale ee Muslimiinta gaar ahaan kuwii Soomalida.
Sayidku muu jeclayn Culimadii ama xarakadii ay kala afkaarta duwanayeen sida Qadiriyada oo la sheego in uu dagaal afka iyo adinkaba uu ku qaadi jiray una arkaayay in ay yihiin kuwo gumaystayaasha u adeega.
Amiir Axmed waxa uu sidoo kale caan ku ahaa ladagalanka iyo fogaynta cidkasta oo Xarakadiisa ama ururkiisa kasoo horjeeda,waana mida keentay in ay dhamaan la colobaan ururadii diiniga ahaa ee uu qaardood kasooo aflaxay sida ururwaynahii Diiniga ahaa ee Al-Itixaad oo markii danbe u qaybsamay garabyada Citisaam iyo Al-shabaab.
Waxa kaluu dagaal kula jiray dawladahii taagta daraa ee soomaliya iyo ciidankii afrikaanka ahaa ee gargaarka u fidinaayay.
Sayid Maxamd iyo Amiir Axmed Godane waxa ay iskaga mid ahayeen ad-adayga,fahmada badan,ka midho dhalinta fikirka ay rumays-nayeen oo aanay cidna uga habran jirin,qofkii ka horyimadaana abaalkiisu uu ahaa in la dilo lana khaarajiyo.
Waxa ay ahayeen laba nin oo iyagu rayi ahaan dadka badankiisa aan dhagaysan jirin,midkasta qumanahiisa ayaa qoorta u sudhnaa,labadubana waxa ay libin iyo teegeero kala gadisan ay ka haysteen amiiradii iyo Xarakoouinkii ay manhaj ahaan ay ku abtirsanayeen.
XUKUN JACAYLKA IYO GAALNIMO KU SHEEGA SOMALIDA
Amiir axmed iyo Sayid Maxamed waxa ay ahayeen laba nin oo jacayl iyo niyad samaan u haya in ay madax ka noqdaan dalkii Somaliya,iyaga oo markaasi u marayaa madaxdnimadaa jidkasta oo ay isleeyihiin waa aad ku gaadhaysaan khaasatan Islaamka iyo isklu xukunkiisa.
IHN midkasta oo ka mida labadaasi sheekh waxa uu dadka kasoo horjeeda ee aan fikirkooda la dhacsanayn ugu yeedhi jireen kalmada "Murtad iyo wuu xujoobay” taasi oo macnaheedu uu yahay in uu gaal yahay cid kasta oo markaasi kasoo horjeeda fikirkoodaasi.
Waxa ay banaysan jireen labaduba boobka iyo Dilka dadka Somalida iyaga oo ugu dhuumanaaya Islaanimada iyo Jihaadka waxa ay ugu yeedheen,waana mida keentay in ay dadkii ay la deganayaan isla markaana cududa iyo ciidankaba ay ka sugayeen in ay isku dhacaan.
Waxa ay gacmahooda iyo talooyinka ay bixiyeenba ku nafwaayay dad badan oo Somaliyeed,waxaa maalkooda iyo hantidooda lagu dhacay sidoo kale umad Muslimiin ah iyada oo loo daliishanaaya fikirka iyo afkaarta Xarakigaa ee ay aamin sanayeen.
GABAYADA
In kastoo Sayid Maxamed lagu tiriyo dadka Soomalida ugu gabayga badan,mararka qaarna ku suntan nin leh gabayo iyo halku dhigyo tariikhda soomalida galay ,hadana sidaasi oo ay tahay Amiir Axmed inkastoo aanu ahayn nin Gabya waxa uu isku dayi jiray in Gabay kasta oo xoojinaaya afkaartiisa Jihaadiga in uu soo qaato oo tiriyo.
DIIDMADA QABAA’ILKA
Amiirka iyo Darwiishu waxa ay caan ku ahayeen qabiil nacaybka iyo in midkaastaaba xarurta iyo goobta uu ka dagalamaayey aanay ahayn halkii uu u dhashay. Waxaana la odhan karaa waa mida u sahashay in afkaartoodii Diiniga ahayd ay tamar iyo itaal yeelato.
Hadii ay dhici lahayd in midkasta oo ka mida labadaasi sheekh uu deegaan ahaan ka hawl gali lahaa dhulkuu u dhashay ,waxa aan aamin sanahay in aanu yeesheen awoodaa iyo caanimadii u sahashay in ay maanta Dunida magac ku yeeshaan.
Waxyabaha kalee u dheeraa waxaa ka mida in ay labaduba la dagaalami jireen qabaa’ilka ay kasoo jeedaan ama ay u dhasheen.Axmed Cabdi waxa uu weerar qaraxyo oo lagu hoobtay uu ku qaaday magaladii uu kasoo jeeday ee Hargaysa 2008 ,sidoo kale Sayid Maxamaed waxa uu aad ula dagalansanaa qabiilka Ogadeen,Majeerteen ee uu nasab ahaan ku abtirsado isaga oo dhici jiray maalkooda iyo naftoodaba.
GAALO NACAYBKA
Inkastoo marka aad u dhabo gasho Tariikhda Sayidka Dawladii Kacaanku ay minguurisay,fikiradahii iyo mabadiidii uu u dagalamaayeyna ay u eekeysiisay wax layidhaahdo Somalinimo ama Wadaniyad,hadana ujeedada Sayidka intaasi waa ay ka gundheereyd,balse Amiir axmed isagu fursad umuu helin cid markaasi koolkoolisa fikradihisii iyo ujeedooyinkuu lahaa.
RIDADA IYO DIIN KA BAXA
IHN Amiir axmed iyo Darwiish Maxamed waxa ay isaga mid ahayeen radinta iyo gaalaysiinta ninka ka falagooba ama ka baxa xarakada iyo kooxda ay madaxda ka yihiin.Waxa ay u arki jireen in ay yihiin niman diinta ka baxay,waana mida keentay in ay xalaalshan jireen maalkooda iyo naftoodaba.
Amiir Axmed waxaa si dhaw loogu xasuustaa dilkii saxiibkiisii qaaliga ahaa ee Ibrahim Xaaji Jamac Meecaad (Ibrahim Afgaani) in uu birta ka aslay,waxa uu ku tilmaamay Ibraahim in uu yahay nin kala qaybinaaya xalakada Al-shabaab una kala saaraayo kooxo iyo ururo,waana mida keentay in Ibraahim lagu dilo magalada Baraawe sidoo kalana qaar kale ay ka firdhadeen xarumahii ay ka haw gali jireen.
Sayid Maxamaed ma uusan ahayn nin marnaba u diirnaxa isla markaana may jirin sabab ka horjoogsanaysaa qofkasta oo markaasi ka horyimaada taladiisa.Waxa uu caan ku ahaa ninka uu gacanta la gaadhiwaayo in uu gabay cay iyo aflagaado ah hawada u marin jiray .
Sayid Maxamed dhinaca dhaca iyo boobka uu dadka isaga kasoo horjeeda uu ku hayay waxa ay ahayeen kuwo xadka dhaafay,waxa kaloo intaasi dheeraa in uu dadka isaga la jaalaha ah uu ku guubaabin jiray in ay dhacaan,boobaan xaalufiyaana cidkasta oo ay arkaan oo aan la fikir ahayn Sayidka iyo xarakadiisa Saalixiya.
DHISMAHA CIIDANKA
Dhismaha ciidanku waxa uu ahaa mid waxbadan u sahlay,waxa ay dhisteen labaduba ciidan iyo askar si toosa uga amar qaata.Cidanka ay dhiseen waxa ay ku ababiyeen Jihaad iyo in ay la dagalamaan dilaana cidkasta oo aan fikirkooda qaadan.
In aan ciidan dhistaa waa wax fudud , balse in aad ciidan talada si toosa kaaga amar qaata aad habaysaa waa wax aad u adag.Taasi waa ay ka gudbeen labada Ilahay u naxariisay waxay dhidibada u taageen ciidan u dagaal gala sida Milatariga iyo qaab Jabhadeedkaba.
Darwiishkii waxa uu ahaa nin iska leh ciidan uu ku faani karo,waxa kaloo uu dhisay dhaqalaha iyo qaab nololeedka ciidan kiisa,waxa taasi kasii daraa in uu ciidankiisa ku ababiyay u dagalanta Diinta ilahay iyo fikirka Saalixiyada.
QOYSASKA IYO CARUURTA
Midkasta oo ka mida labadaa Marxuum waxyabaha ay aadka isaaga shabahi jireen waxaa ka mid ah in caruurta iyo qoysas koodu ay kula noolayeen xarumahii iyo magalayinkii ay halganka ay kaga jireen.
Ma jirta lamana helaayi mid ka mida labadaasi Marxuum oo qoys iyo caruur ay lahayeen ay ku noolyihiin meel ka baxsan xarumahoosa .Taasna waxa la odhan karaa waxaa sabab u ah dhinaca amaankooda oo ay dhici karto in aanay nabad galin hadii ay ku noolaadaan meel ka baxsan dhulkaasi.
Inkastoo Sayid Maxamed in uu dumar badan guursaday si fiican loo cadeeyo hadana Axmed Cabdi Godane waxa lagu sheegaa Iyaga iyo Allahoode in uu dumar badnaa , waana dhaqan iyo caado Xarakada Al-shabaab iyo Saalixiyiba sideedaba ay caan ku tahay.
ISU EEKAANSHAHA DILKA
Marxuumiintaasi IHN waxyaabaha aadka u layaabka badan waxaa ka mida ee ay isaga eekanayaan qaabkii dagalada ay u wajaheen.Labadaba waxaa la dagalamay Somali iyo Gaalaba,Labadaba waxaa weeraro kusoo qaaday dawlado shisheeye,waxaanu duqaymo u gaystay labadaba Diyarado iyo Maraakiib.
Waxyabaha kale ee mucjisadaa waxa ka mida in labadaba loo diyariyay dad soomaliya oo soo basaasa isla markaana lagu siiyo lacago iyo gunooyin,waana mida keentay in dilkoodii uu sahlanaado wax ay dagalamaanba.
Waxa kaloo aynu xusi karnaa isu eekaantii geeridooda,inkastoo layidhaa Sayid Maxamed waxa uu u dhintay Xanuunka Kaneecada dhulka Itoopiya ,hadana dadka badankiisu waxa ay aamin sanyihiin in dagaladii u danbeeyay ee uu Ingiriiska lagalay dhawaac kasoo gaadhay.
MAGACA ARGAGAXISO
Gaaladu markasta waxa ay dadka Muslimkaa ay ku shegaan Argagaxiso,inkastoo magacaasi yahay mid iska caam ah oo Muslimka oo dhan loo adeegsado hadana waxa ay labadaasi Marxuum gaar u ahaa in wadamada Gaalada looga yaqaanay magacaasi Argagaxiso.
Sababta keentay in magacaasi loo bixiyaana ay tahay xidhiidhka ay la leeyihiin dhinaca Diinta iyo markii la ogaaday in ay ku hawalan yihiin dhisid dawlad Islaami ah sida ay iyaga ula muuqatay taasi oo xataa Soomalida lafteedu u cuntami wayday.
Waxaa kaloo marag madoona in dad badan oo Somaliyii ay labadaasi marxuum uyaqanaan in ay yihiin Mujaahidiin dhab ah,iyaga oo ku sababeeya u dagalanka shareecada islaamka iyo dib usoo celintii xukunka Islaamka.Balse dadkaasi inta badan waxa ay iska indhatiraan dhacdooyinka iyo gafafka inta badan soo gaadha shacabka aan waxba galabsan ee ay gaysanyeen shareecaduna ay xaraan tinimaysay.
Hadaba waxaa jira in tariikhda qoran ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan loo tiriyaa badan keedu ay kasoo baxday dawladii Kacaanka. taasi oo qaab xeeladaysan tariikhdaasi Sayidka u daabacday kuna tilmaantay in uu sayidku ahaa muwaadin Soomalinimo dhab ah u dagalamaayay iyaga oo iska indha tiraaya dhacii ,boobkii iyo aflagadooyinkii qawanaa ee uu kula kacaayay dadkii Somaliyeed ee isaga kasoo horjeeday.Waxaa kaloo dhamaan laga saaray Tariikhsa Sayidka u dagalankii nidaamka Xarakada Saalixiyada iyo afkaarteedii kadibna waxaabu mutaystay in Taallo wayn looga dhiso Magalada Muqdisho iyo Jigjiga.
Waxaa isaguna Sayidka tariikh Qoraala ka sameeyay Qoraagi Aw-Jaamac Cumar Ciisi oo Jabuuto ku daabacay Buug la magac baxay "Taariikhdii Sayidka” buugaasi oo dad yaw badan oo afka Somaliga wax ku qoraa in badan oo ka mida qoraalka Buuga ay u arkeen in uu yahay mid la marin habaabiyay,lagana leexiyay sidii saxa ahayd.
Amiir Axmed Cabdi Godane isagu nasiib umuu helin in tariikhdiisa iyo fikirkii uu aminsanaa ay cidi wax ka qorta,taasna waxaa sabab u ahaa xaaladaha Amiirka ku gadanaa iyo isaga oo noqday dadka loogu raadinta badan yahay Aduunka "(Top Wanted list” balse hadana waxa aan aamin sanahay in uu yahay nin xaq u leh in wax lagu qori karo.
KALA DUWANAASHAHA SIYASADA FOG
Sayid Maxamed: Waxa la odhan karaa beenna aan ahayn dhacdayna in ciidankiisii Jihaadiga ahaa ee Saalixiya in markii la jabiyay isagana lagana saaray deegaankii uu ka hawlgalijiray ama uu geeriyoodayba in isla Kooxdiisiina ay la Geeriyootay.Lamana arag dabadii cid hadalhaysa iyo cid ka danbaysa oo hawshiisii halkii kasii anba qaaday, waana nidaamka lagu yaqaano inta badan kaligii taliska aan marka hore sii xulan dad isaga hawsha uga danbeeya.
Sayid Maxamed: Dhibadada labaad ee ku dhacday waxa ay ahayd iyada oo aanay jirin cid uu si gaar ah uu taakulo la taaban karo uu uga heli jiray. Haday tahay dawlad iyo haddii ah tahay dadwaygii muxsiniinta ahaa gaar ahaan Carabta oo inta badan lagu yaqaanay in ay tageero dhaqaale siyaan culimada waxa ay u yaqanaan Jihaadiga, Sayidku taasina waa uu ka faramadhnaa.Balse awooda ciidan ee uu lahaa waxa inta badan dhaqaale u ahaa laba arimood oo kala ah,xoolaha laga helo dadkii isaga taabacsanaa iyo xoolo iyo maal uu si toosa dadkii lahaa uga dhici jiray.
Axmed Godane: Axmed Godane waxa uu kaga duwanaa Sayidka ,marka hore ujeedada iyo hadafka uu u dagalamaayo waxa si toosa gacanta ugu hayay cido shisheeye, sida dawlado,ururo iyo dad muxsiniina oo la odhan karo waxa ay u arkayeen hawsha Godane ama Shabaab ay wadaan in ay tahay Jihaad xaq ah,waana mida keentay in ay ilaa maanta dagaalkoodu aanu joogsan.
Axmed Cabdi Godane waxa kaloo uu kaga duwanaa Sayidka,waxa uu ahaa nin Xarakada iyo ururka uu gudoomiyaha u yahay ay u dhisan tahay nidaam iyo kala danbayn,taasi oo u sahashay in geeridii Godane ka bacdi aanu ururkii baabi’in walina uu sidii u shaqaynaayo.
GEERIDII SAYIDKA
Inkastoo dawlada Ingiriisku ay wakhti badan ku baaqday in ay dhaqaale badan siin doonto cida soo sheegta ama soo qabata Sayid Maxamed Cabdille Xassan,hadana taasi waa ay suura gali wayday sababta oo ah Sayidka oo aha nin aad u feejigan .
Iyaga iyo Allahoode waxa ay sheegaan Sayid Maxamed iyo boqollaal ka mida ciidankiisii oo goor Barqo Cadceedsanaaya toga Midhashi ayaa Bamkii ugu horreeyey ku riday diyaaradii kadibna halkaa waxaa ka dhacay khasaare aad u wayn,wararka qaar ayaa markaas tibaaxa in Sayidku uu dhawaacmay balse lama hubo.
Daraawiishtu waxa ay sheegaan inuu Sayidku geeriyooday 23/11/1921 isla markaanay geeridiisa sabab u noqotay xanuunka Duumada uu ku dhacay xiliyadii uu halganka ku jiray.Balse ilewareedyo kale ayaa sheega iyaga iyo Allahoode in sayidku ku waxyeeloobay dagaalkii aadka kululaa ee 22 – 23 bisha Jenawari 1920-kii in uu Sayidku ku waxyeeloobay .Dagaalkaasi oo Diyarado iyo Maraakiiba loo adeegsaday.
GEERIDII AMIIR GODANE
Sirdoonka Maraykanka ayaa in badan sheegi jiray in dhaqaale aad u badan ay siindoonaan cida soo qabata ama Disha ama soo sheegta halka uu nolol ahaan ku sugan yahay Amiir Godane,taas waxaa dheeraa dawladahii tamarta daraa ayaa iyaga laftoodu balan qaadyo dhaqaale ku baaqi jiray si Axmed Godane loo wax yeeleeyo.
Balanqaadkii u danbeeyay waxa uu ahaa kii Sirdoonka Maraykanku ku balan qaaday lacagta dhan 20 Milyan ee Doolar in uu siin doono cidkasta soo sheegta hogaamiyaha shabaab Amiir Godane,waxaana loo malaynayaa in balan qaadkaasi uu fulay isla markaana lagu dilay hoogaamiye Amiir Godane,iyada oo Ilahayna uu wakhtigiisii uu ka dhigay.Waxaana amiirka lagu dilay Diyaradaha Drones-ka ee meesha fog iyo Maraakiibta laga hago.
GUN IYO GABA-GABO
Qoraalkani waa aragtida iyo fikirka aan ka aamin sanaa labadaasi marxuum IHN ,wixii gaf ah waa wax aniga iga dhacay wixii aan garasho iyo aqooni igu toosisayna waa wax Ilahay lagu mahadiyo.
SHABAAB IYO SAALIXIYA BAL ADUU KALA DOORO
W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO