Thursday July 29th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

UGAASKA IYO INANKA BOORAMA KA HADLAYOOW SALEEBAAN CALI KOORE WAA ASTAAN QARAN

0
Wednesday July 07, 2021 - 22:04:39 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UGAASKA IYO INANKA BOORAMA KA HADLAYOOW SALEEBAAN CALI KOORE WAA ASTAAN QARAN

    Saleebaan Cali Koore, Waa Mid Ka Mida Astaamaha lagu Garto Ee uu ku dhaato Qaranka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saleebaan Cali Koore, Waa Mid Ka Mida Astaamaha lagu Garto Ee uu ku dhaato Qaranka Somaliland.
Saleebaan cali koore waa shakhsi ay ka go' an tahay In Dadka Ku Abtirsada Somaliland Ay Noqdaan Ummad Isku Kalsoon Oo Garawsata Kuna Wada Qanacsan Waxa Ka Dhexeeya Ee Ah Qaranimada Jamhuriyadda Somaliland Ee 91-kii, Dib Uga Laabatay Midowgii Ay Somalia La Wadaagtay 60kii.

Mudane Saleebaan Cali Koore Waa Nin Aaminsan Oo Ku Adag In Cid Kasta Oo Qaranka Somaliland Ku Abtirsataa ay Hesho Xuquuqda Ay Qarankeeda Ku Leedahay,Si Taasi La Mid Ahna uu Qof Kastaaba Garto Waajibaadka Qarankiisu Ku Leeyahay Lana Wada Difaacdo.


Waa Nin Aan Ka Gabban Ciddii Qalooc Wadda Ee Doonaysa Inay Ka Leexiso Bulshada Somaliland Higsiga Ay Leeyihiin Iyo

Halka Ay Ku Socdaan, Haddii ay Noqoto Siyaasiyiin Dano Gaar Ah Wadata, oo gudaha somaliland Ama Ha Noqdaan Cid Qaran-nimadeeda Ka Dhan Ah Oo Doonaya Inay Wiiqaan Jiritaanka Ummadnimo Iyo Madax Bannaanideeda Dhuleed Intaba.

Saleebaan Yusuf Cali Koore Waa Nin Mar Kastaba Dhibaatooyinka Iyo Caqabadaha Ka Hor iman jiray Waqtiyo badan oo ùu ku Guda jiray Hawlaha la xidhiidha nabadaynta iyo fidinta maamulka somaliland Aanay Debec Ku Abuuri jirin Naftiisa, halggan adagna usoo galay. Waana nin ay wax kasta kala Miisaan Weyn Yihiin, Ka Midha Dhalinta Hadafkiisa Ku Aadan danaha guud ee ummaddu wada leedahay. Iyo cidda ay sida rasmiga ah dantu uga dhaxayso òo ah beelaha somaliland wada leh kuna qanacsan in dadkiisa iyo deegaankiisuba somalilander yihiin.

Waa nin 30kii sano ee somaliland jirtay ka shaqaynayay sidii Dadkiisu Nabad-Gelyo Iyo Horumar Ku Gaadhi Lahaa, Maskax Maal,Muruq,Waqti Iyo Naf-Hur-Nimo, Intaba Ku Bixiyay sidii bulshada uu kasoo jeedaa wax ula qaybsan lahayd beelaha kale ee ay dhulka somaliland wada leeyihiin, isla markaana aan diyaar u ahayn8 inuu rag dhiggiisa ah uga cararo xuquuqda dadkiisu leeyahay.

Waxa Xusid Mudan Tusaale Dhowna Loo soo Qaadan Karaa, Weerarkii150-Ka Askari Ee Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Tiknikadoodii Wataa Ay Jidgooyada Ugu Galeen,Jiidaha Degmada Taleex, Taasi Oo Ay Ku Doonayeen Inay Ku Khaarajiyaan2014-Kii.

Xilligaasi Oo Isaga Oo Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Uu Madaxweynihii Hore Axmed Siilaanyo Isaga Iyo Guddi Uu Ku Jiro U Igmaday, Fidinta Maamulka, Xoojinta Nabad Gelyada Iyo Qiimaynta Baahiyaha Nolosha Bulshada Ku Dhaqan Deegaanada Degmada Taleex Oo Haatan Loo Yaqaanno Gobolka Xaysimo.

Mudane Koore Iyo Xubnihii Weftiga Oo Uu Wehelinayo Weriye Ka Tirsanaa Telefiishanka Qaranka Oo La Dhaho Mustafe Dheereye Waxa Ay Falkaasi Kaga Badbaadeen Si Dirqi Ah, Halka Madax Kala Duwan Oo Kalena Lagu Dilay,Qaarkoodna Lagu Qafaashay.....


Saleebaan Cali Koore Iyo Raggii La Midka Ahaa Marxaladahii Adkaa Ee Ay Dalka U soo Mareen Marka Xaqiiqada Laga Hadlayo Waxa Qiimayn Kara oo keliya Dadka Jecel, Ee Ay Ku Weyn Tahay, Waddaniyaddu, Ee Sida Tallaabo Tallaabada Ah Ula Socday Duruufaha Ay Somaliland Ku Soo Gaadhay Heerka Ay Maanta Taagan Tahay.

Marka Laga Yimaaddo Kaalinta Uu Kaga Aadayo Goob Kasta,Gobol Kasta Iyo Hawl Kasta Oo Soo Waajahda Qaranka Somaliland,Waxaa Jiray,Dadka Reer Somaliland-Na, In Koobani Uun Xog Ogaal U Yihiin, Duruufihii Adkaa, Ee Ay Isla Soo Mareen Mujtamaca Ku Dhaqan Deegaanada Uu Kasoo Jeedo,Maadaama Ay Aad U Adkayd Sida Loogu Qancin Karo Inay Wax La Qaybsadaan Bulshada kale ee Walaalahooda Ah Ee Danta, Dawladnimada Iyo Dalku Ka Dhexeeyo Ee Jamhuriyadda Somaliland.

Duruufahaas Iyo Culayskaasi Gaarka Ah,Oo Ku Qaatay Waqti Ka Badan 20 Sanno, Waxa U Suurto Gashay Inuu Ka Hir Geliyo Isagoo Garab Ka Helaya Wax-Garadka Bulshada.

* Nabadayn,
* Maamul Fidin,
* iyo Inay Horumar la taaban karo ku tallaabsadaan,Adeegyadii Noloshana ay Helaan dadweynaha ku dhaqan jiidihii aanay hore u gaadhi jirin. isla markaana gobolada bari Soo gaadhaan gobolada kale ee dhiggooda ah.


Halka Aakhirkiina Lagu Guulaystay In Diiwaan Gelinta Iyo Tartanka Axsaabta Qaranka, iyo doorashooyinka Si Habsami Ah Looga Codeeyo Deegaano badan oo aanay suurto gal noqon jirin inay horey doorashooyinkaasi ka qabsoomaan..

Hawlgalada noocani ah ee aynu ka hadlaynaa Waxay Runtii Ahayd Xaalad Ay Kaga Duwan Yihiin Saleebaan Koore Iyo Dhiggiisu, Dadka Xilalka Kasoo Qabtay Somaliland Ee Kasoo Jeedda Gobolada Kale Ee Dalka somaliland...
Waxaanay Noqon Doontaa sida aan qabo Qiime Iyo Mudnaan Si Gaar Ah Taariikhda Ugu Gashay,Xusuusteeduna Ku Xardhanaan Doonto Qalbiyadda Dadka Reer Somaliland..Iyo Gaar Ahaan Bulshada Gobolada Bari Oo Uu Si Hagar La’aan Ah Wax Ula Qabtay,

Maadaama Saleebaan Koore Ahaa Nin Xallinta Khilaafaadka,Isu Soo Jiidka Bulshada Iyo Hawlaha Siyaasadda Ku soo Jiray Tan Iyo Lasoo Noqoshadii Madaxbanaanida Somaliland 91-Kii, Isla Markaana Nasiib U Helay In Isagoo oo
Dhalinyaro Ah Uu Hawlo Badan Kala soo Shaqeeyay ilaa bilowgii sagaashamaadkii
Odayaal Ka Fac Weyn Oo Guurtinimo Iyo Siyaasadaba Ku Gaamuray,
Waxa Uu Marka Laga Yimaaddo Xilalka Uu Qaranka Ka Hayay Ee Gaarka Ahaa, Waayo Aragnimadii Iyo Aqoontii Uu Ka Dhaxlay Raggaas Isagoo Ka Shidaal Qaadanaya,Hawlo badan oo Nabadayn Ah Ka Qabtay, Meel Kasta Oo Khilaafaad Ka Jiro Ama Shaqaaqooyin Colaadeed Ka Curtaan...

Saddexdii Sano Ee Ugu Danbeeyay Ee Uu Xilalka Ka Hayay Hay’adaha Kala Duwan Ee Dawladda Wasiir Koore Waxa Uu Hawlo Nabadayn Ah Oo Waqti Qaatay U Tegey, Qaar Ka Mid Ah Gobolada Dalka,In Ka Badan Toban Goor.
Shaqaaqooyinkaasi Oo Dhammaantoodba La Odhan Karo Waxay Noqdeen Kuwo Kusoo Dhamaada,Guul.

Si Kastaba Ha Ahaatee Saleebaan Koore Waa Shakhsi Lagu Tilmaami Karo Mid Ka Mid Ah Astaamaha Ama Calaamadaha Lagu Garto Ee Uu Qaranka somaliland Leeyahay.

Waa Shakhsi Aan Siyaasadda Daaqada Kaga Soo Boodin Ee Salka Hoose Kasoo Bilaabay, kuna soo jiray noloshiisa intii badnayd, isla markaana Hadafkiisa guud ku abbaaran yahay In Uu Socdo Ilaa Baarka Sare.

Geesta Kalena saleebaan koore waa shakhsi Siyaasiyiinta loo saadaalinayo inay jamhuuriyadda somaliland mayalka u qabtaan Mustaqbalka Dhow Haddii allah yidhaa.....
Nin wuxuu Dhitaystuu Dhaxalkeeda Helaa....

Abuukar axmed faarax.hargeisaSomaliland
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO