Thursday July 29th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Yaa arkay Golahii Degaanka ee Burco u kacay?

0
Monday July 12, 2021 - 18:16:06 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 313
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Yaa arkay Golahii Degaanka ee Burco u kacay?

    Yaa arkay Golahii Degaanka ee Burco u kacay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaa arkay Golahii Degaanka ee Burco u kacay? Inkasta oo aqoon iyo ilbaxnimo ku filan la bidayey, Inamada golaha deegaanka Burco, si bay u qurux badnaayeen, una malayn maayo in ay weli ku daadageen togga Burco dhex mara, waxaa labada daan ee togga tuuran xashiish, marka dusha laga eegana waxaad moodaysaa in daad xoori labada daan keentay.

Marka xashiishkaa la gubo waxaa xaafadaha inta u dhowdhow qabsada qiiq, kaas oo sababa caafimaad darro iyo nolol xumo, hadaba golaha cusub waxaannu uga fadhinaa hal abuurkii lagu joojin lahaa caruur xashiishka ku madadaalata.


Malaha waa dhalinyarada kursiga gaabsata ee muraayadaha madoobaysta, marka ay gaadhiyada wataan, haddii kale waxay arki lahaayeen waddooyinka ay dhiseen Golihii ka horreeyey, haddana aanu sharcigu kala xadayn, sida loo kala leeyahay. Tolow marna ma ka fekereen halka ay farraarada ka yeelato waddada waqooyi uga baxda Siirooga ( roundabout ) Muj Madaxweyne C/raxmaan Axmed Cali. Tolow marna ma is weydiiyeen khatarta ka dhalata waddada Baar siigo Howd iyo Hodan uga baxda Siirooga Muj Waysacadde ee saddexda madax yeelata, ma arkeen wareerka haysta dadka lugaynaya iyo darawalada?.

Weliba taliyaha qaybta Bilayska gobolku waa sarkaal sare oo ku soo shaqeeyey ciidanka nabad gelyada waddooyinka, kaaga darane gaadiidka magaalada khaatiga laga joogo ( tigta ) goor ay mid ka mid ahi dembi gashay, wuxuu u kala calaamadiyey kuwa Galbeedka iyo kuwa bariga Burco.

Golahayaga aannu soo dooranay ma ku dhiirran karaa isku bedelka sawirada labada Mujaahid? Ma garan karaan mugdiga in aan Dayaxa uun la sugin, Xidiguna xikmad u joogaan?.

Boqolaalkii taariikh bandhiga u ahaydee, Bashiir lagu barbaarshee Oomaar ka baaqaay, birma gaydadaa kacay nafta waxay u bixiyeen, badbaadada dalkoodiyo bilawgii xoriyadaay. Bidhaan aragtidaaday naftu baadi doontaa, Burcadii bilaydeey kuu busaylay awgaa. Hal abuur Cabdi Midhaaf.

Bashiir Tarabbi Oogle,
Burco, Soomaalilaan.
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO