Thursday July 29th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Somaliland: Duruus la siinayo qalinduureyaasha garaaca albaabada qarannimada

0
Monday July 12, 2021 - 18:19:51 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Duruus la siinayo qalinduureyaasha garaaca albaabada qarannimada

    Somaliland: Duruus la siinayo qalinduureyaasha garaaca albaabada qarannimada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Duruus la siinayo qalinduureyaasha garaaca albaabada qarannimada
Akhriste ilaa halgankii daraawiish waxaa somaliland ka socday legdan u dhexeeya xaqa iyo baadilka, legdankaasi maalinba heer ayuu joogay. Maalintii Soomaaliyi xorowday oo la asaasay
jamhuuriyadii burburtay waxa la isla gartay in guushii gobanimada nin kastaa ha u halgamee ay tahay hanti somaliyeed oo loo siman yahay, somali ayaa guulaysatay isticmaarna wuu jabay.
Dawladii la dhisay waxa qaadatay siyaasad lagu sharfayo halgameyaahii guusha, waana sida ay
yeeli jireen dalalkii xoroobay oo dhami, waxaa arintaa markhaati u ah suugaantaa iyo qoraaladii la sameeyey intii u dhexaysay 1960-1969. iyadoo ummadu sidaa tahay oo dadkii isku waafaqeen amaanta halgameyaashii daraawiish, kuwii Syl, kuwii SNL, NUF iyo USP ayaa waxa dalka
qabsaday saraakiil askar ah oo afgembiyey nidaamkii jamhuuriyadii Somaliya. askartaasi taariikhdii halganka somalida dhib umay geysan in muddo ah. Suugaantii somalida ee midaysnayd saldhigna u ahayd taariikhda qaranku way sii xoogaystay waxaana hormood u noqday abwaanada reer
Somaliland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen xidigihii fanka ee tobanlihii 70naadkii, oo ay ka mid ahaayeen, Muuse Galaal, Hadraawi, Cabdiqays, Qaasim, Xasanganay, Muuse Cali faruur,


Adancarab, Xasan sheikh mumin, Dheeg Yasin, Cabdilaahi qarshe, Cali Sugule iyo qaar kale oo badan. Akhriste waagaa waxaanu haysanay suugaan leh aragti midaysan marka laga hadlayo halgankii iyo taariikhda jamhuuriyadii Soomaliyeed oo uu ka mid yahay Seyid Maxamed Cabdille
Xasan.
Waxaase arini murugtay markii uu taliskii askartu isu bedelay talis uu nin keliyihi ka arimiyo, oo taliskiiba u ekaysiisay sidii meel uu boqor xukumo, taas oo la dilo ninkii boqorka wax ka sheega.
Boqortooyo u egtu waxay bilowday bal inay yeelato taariikh iyada u gaar ah oo aan somalida kale la lahayn, taas waxay kaga dayanayeen dalalka boqoradu xukummaan. Waxa la shaqaalaysiiyey dad
sameeya taariikh cusub oo ku fadhida ina Cabdulle Xasan iyo horjoogihii askartii inqilaabka, dadka
waxa hormood u noqday Axmed faarax Cali (idaajaa) iyo Aw jaamac cumar ciise. Iyagoo ku shaqaynaya adeegsanayaa wax kastoo qaranku lahaa waxay isku dayeen inay sameeyaan taariikh
iyo buugaag aad uga fog xaqiiqooyin ka jiray somaliland waqtigii maxmiyada, adiguba akhriso
buugaagta ay ay raggasi qoreen ee ay dadka ugu kala saareen gaal iyo gaalo raac, dabodhilif iwm. Markiiba waxa bilaabantay falcelin abwaanadii dalku arintaa kaga falceliyeen silsilada maansada
Deelley, waa markhaati cad sidii loo falceliyey, waa weerer iyo weerer celis. Markiiba laba iyo laba ayaa la isugu jawaabay iyadoo arin daaran tahay, maxaa qaranka aynu wado leenahay sidaa ugu
gelaysaan iyo maxaad dawladayada ugu hadlaysaan. Dabeed arintiiba dagaal gacanta laysula tegey ayay ku dambaysay, qarankii la wado lahaana wuu burburay. Iyadoo sidii loo kala
maqanyahay ayaa qaar ka mid ah qalinduuriyaasha Hargaysa ay ku soo dhoweeyeen Hargaysa Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ay u abaabuleen gole uu ka hadlo. Qalinduureyaashaasi kuma ay
cibri qaadan wixii ku dhacay raggii ay Idaajaa soo wado shaqayn jireen, isla markaana uu weli  taaganyahay khilaaf suugaaneedkii waagaasi, kamay xishoon in Hargaysa ugu yeedhaan Idaajaa oo ay weliba u ammaan u xambaariyaan.


Qalinduureyaashii mid ka mid ah oo la yidhaahdo Yusuf Shaacir ayaa todobaadkan isla soo hortaagay dadka reer somaliland inuu aqbalay guddi xeeldheereyaal ah oo idaajaa ka mid yahay oo
Xamar looga taliyo. Haddii loo caqli celiyeyna wuxuu weli la taagan yahay "waan caawinayaa siyaasadni kuma jirto". Qalinduureyaashu waxay u eg yihiin dad indho la,aan ku jiidhaya khadad cascas oo aan loo dulqaadan karin in laga gudbo. Waxaa hubaal ah haddii arintaa wax laga waydiin
lahaa Baabe yusuf, Dheeg, Hadraawi, Cabdiqays, Adan Tarabi inay muujin lahaayen siday uga
xunyihiin dhaqanka qalinduureyaasha, taas oo lagu koobi karo”rag dil wuu geyaa qadafse waa lagu duloobaa” Gebogebadii waxaan odhan laha qalinduure "hore hawgu dhicin waa intaad hanaqa waydaa"
Mohamed Abokor/Gothenburg, Sweden
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO