Wednesday September 22nd, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Baroortu Orgiga Ka Wayn

0
Sunday July 25, 2021 - 15:58:01 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baroortu Orgiga Ka Wayn

    Baroortu Orgiga Ka Wayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baroortu Orgiga Ka Wayn
Soomaalida oo ku dhamaysata xikmadeeda suugaan nooca ay doonto ba ha ahaate,
khaasatan reer Somaliland oo Eebe hibo u siiyay suugaanta noocyadeeda kala
duwan ayaa berri laga soo wariyay in ay inani gaadhay da’dii guurka. Ka dibna nin
ayay la soo heshiisay in ay caawa u baxdo oo ay ooda jebiso, isna waa la qaatay oo
markii xoolihii soo hoydeen ee cagta loo dhigay ayay inantii baroor bilowday iyadoo
iska dhigaysa inay ka tiiraanyaysan tahay orgi ay lahaayeen oo dacawo cuntay
maalinimaddii. Qoyskeeddii ayaa ay muddo ku qaadatay inay ku qanciyaan in Eebbe
lahaa, waase ay aamusi wayday oo sii waday oohintii, ka dib aabbaheed oo waayo
arag ahaa ayaa gartay in meesha belaayo kale ku jirto oo aan arrinku ahayn kaliya
orgi ay dacawo cuntay maalinmaddii, halkaana waxa uu ku reebay odhaahda
caanka noqotay ee "baroortu orgiga ka wayn” taasi oo ilaa maanta aynu adeegsano.
Wasiir Saajin ayaa soo saaray waraaq uu amerkeedda leeyahay ma fiirsadde Muuse
Biixi Cabdi, kaasi oo ku amray inuu qoro waraaq bishan July 15-keeddii taasi oo
sumadeeddu tahay wg&d/x/w03/00061/2021 uu kuna sheegayo ama uu ku xusayo
waqraaqada "waxaanu kala noqonay ruqusaddii laga bilaabo bishan July 15keeddii
shirkadda Ethiopian Shipping And Logistics Service Enterprise, oo uu leeyahay
ganacsadaha da’da yare e hal-abuurka ku talax tagay ee Axmed Cismaan Geelle.
Axmed cisman Geelle oo aan maqaalo hore oo dhawra ka qoray, waa muwaadin la
mahadiyay oo la yimi hal abuur-ganacsi iyo shaqo abuurba dadlka Somaliland,
galiyayna malaayiin doolar shirkadda SBI iyo kuwo kale oo uu dalka keenay sida
addeegga DHL ka kaasi oo inagu xidhay adduunka inay u gudbaan documents ama
waxyaabaha mihiimka ah ee dadku ka soo dirayaan ama iyaga loo soo dirayo.Taas
oo aynu ka helay gacan wayn hindiseheeddana uu lahaa isagu waa Axmed Cismaan
Geelle’e, kaasi oo sida aynu wada xusuusanahayna aabbihii Cismaan Geelle ahaa
ganacsade la wada yaqaano oo ka ganacsan jiray xilliggii ay xukuumaddii Siyaad
Barre dalka ka talin jirtay oo xaaladduhu iska adkaayeen maalkooduna uu ahaa mid
hoosta ka soo dhismay oo aan ku iman tuuggo iyo wax isdaba marin sida kuwan
gacan ku rimiska ah ee kaligii taliye Ismaaciil Cumar iyo kan Muuse Biixi Cabdi (Wax
Ma Yaqaan) ee "ku qabso ku qadi mayside”.
Haddaba aan u soo gonad-dago maqaalka iyo halka uu diiradda saaray maanta oo
ah in waraaqdan loo soo dhiibay wasiir Saajin oo ah ka taajka reer Awdal saaran
yahay ee uu Muuse u garbiyay Saylici sanadkii hore ugana riixay jagada
guddoomiyaha labaad ee xisbigga kulmiye, ahna mid u dhago nugul. Halka reer Sool
na uu kaalintaa ugu jiro Faratoon oo uu faray Muuse isna inuu is casilo Wasiirkii
Arrimaha Dibadda shan bilood ka hor iminka uu u raadinaya kursigga guddoomiyaha
Wakiiladda ee somaliland oo iib ah. Inkastoo aanu wali Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma
Yaqaan) ku helin iibkaas neefafka jiddaawigga ah ee wakiiladda oo marka uu dhowr
isku geeyaba ay dhowr kale ka boodayaan xeradda, iyadoo wararkii ugu danbeeyay
ay sheegayeen in Kulmiyihiii reer Awdal ay ku doodayaan in la siiyo guddoomiye ku
xiggeen isna waa Muuse (Wax Ma Yaqaane) uu ku gacan saydhay taa. Dhanka
kalena uu faray xildhibaanaddii ka soo baxay Kulmiye ee barigga Burco in ay u
coddeeyaan Faratoon, iyagoo si cad ugu sheegay inay u codayn doonaan
Cabdirisaaq Khaliif iyo wixii danta deegaankooddu ku jirto. Taasi oo ku xusuusinaysa
heestii Xasan Xaaji Cabdillaahi (Ganey) ee (Faalkii Caashaqa) taasi oo ay ka mid
ahaayeen tuducyadeeddii :


"farsamee dantaan idhi
fooq waliba iga dumay”
Walo faalkii caashaqu
Ma igu soo fadhi xun yahay”
Alleylehe Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) ayaa fooq waliba ku dunsan yahay
dhan kasta oo aad eegto Faalkii siyaasadduna ku soo fadhi xun yahay.kaasi ayaa
madaxwayne Cigaal kolba go’ u soo hagoogan jiray. Ooka raadin jiray fursad
siyaasadeed meel aanay kuba jirin. Allow magantaa ayaanu nahay.
Qalinkii ayaa haddana ila taraaray oo waan ka baxay mawduucii oo ahaa bal inaan
meel ku hubsado halka ay abaarteeddu tahay waraaqdan loo soo dhiibay wasiir
Saajinkan iska guddaya gudcurka, kaasi oo aan garanayn halka shaxdu taalo iyo
cidda ciyaaraysa. Haddii Saajin uu faray inuu qoro waraaqdaa iska waraabe taagga
ah Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) Muusena laftiisana waxaa soo faray inuu
shaxdan faashilka ah ciyaaro kaliggii taliye Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo ay ku
aroorayso shaxddani ka soo horjeedka Somaliland oo noqonaysa mid isku filan
dhaqaale ahaan, ka dibna u gudbi doonta dal madaxbanaan. Arrintan nacaybka
Somaliland oo aanay qarsan amrnaba kaliggii taliye ismaaciil iyo adeerkii Xasan
Guuleed Abtidoon, kaasi oo ahaa dhisihii ururka IGAD oo aakhirkiina uu isku soo
horfadhiisiyay Mingiste iyo Siyaad Barre oo midna ka tanaasulay dhulkii soomali
galbeed ee lagu hoobtay sanadaddihii 1964 iyo 1977, 78kii, ka kalena waa Minigiste
uu dibad yaal ka dhigay jabhaddihii SNM iyo SSDF.
Haddiiba ay kula tahay inay ka tanaasuleen labadan isku adeerka ahaa ee kaligii
taliye Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xasan Guuleed Abtidoon damacooddii ahaa in
Somaliland dal la yidhaa oo Madax banaani garabkoodda ka dhismo waad khaldan
tahay tanina waa tii oo mar kale soo noolatay. Waxaanu isha ku hayaa kaligii taliye
Ismaaciil Cumar Geelle Somaliland Iyo Berbera oo iftiintay iyo jabuuti oo goraygu ka
hadaafay, xamuulkii Ethiopia u mari jiray jabuuti oo u leexday intiisii badnayd
berbera. Haddaba haddii shaxdda ismaaciil taa tahay oo ay ahayd mid ay daba
socdeen jabhaddii SNM oo ay ku xidhanyd inay dhasho Somaliland madax banaan.
Miyay kula tahay Jabuuti inay raali ka noqonayso Berbera oo ay is dhaafaan
Baabuurta xamuulka ee u laba dhigaya Ethiopia? taasi waa calaacal timo ka soo
baxeen ee ha ku riyoon.
Haddaba adeer waa cidiyo ku dagaalan kaliggii taliye Ismaaciil Cumar Geelle oo ma
ogola in ay laanbadu ka bakhtido magaaladda yaree jabuuti, mana ogolaanayo DP
World oo ay fiintu dhex miranayso iyo Berbera oo maraakiibtu isdhaafayaan oo
Ethiopia aynu habayno. Taasna waxa uu ka xiggaa dagaal dhan kasta ah, waana
taa ta uu ula dagaalamayo Ethiopian Shipping and Logistics Service Enterprise,
haddii ay akhriste adiga kaa daahan tahay oo aanad weli dhaadin sababata ka
danbaysa jarta la dagayo.
Dhanka Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) waa ganbooyin xaalkiisu, waa "lax
dhukani col iyo abaarba moog” barri hore ayuu sumeeyay kaligii taliye Ismaaciil
Cumar Geelle oo ma hadli karo xaalkiisuna waa car juuq dheh. Sakado idil oo
uu ka jeexday Jabuuti iyo khasnadda xatooyadda ee Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma
Yaqaan) iyo qoyskiisa caydha ah ee reer Cabdi Dameere waxa ay dhex qotontaa
Jabuuti ayaa lagaa yidhi, inkastoo ay isaga falaadh laba dhinac ah ku tahay arrinku
oo midi yahay kaa aan ka soo sheekeeyay ee xatooyaddii uu somaliland ka

maroorsaday jabuuti dhex ceegaagta iyo dhanka kale passport jabuuti oo isaga
laftiisa ay siisay xukuumadda jabuuti, ha ku dhasho ama yuu ku dhalane. Waa
dhabar jab kale oo Muuse soo waajahaya haddii aanu yeelin sida kaliggii taliye
Ismaaciil doonayo, haddaba arrinku waa wasiir Saajin oo iska ah gole ka fuul oo
aan wax badan shaxdda ka ogayn iyo Muuse iyo Ismaaciil oo dhinac ah oo leh labo
ujeeddo oo kala duwan iyo ganacsadaha la mahadiyay ee Axmed Cismaan Geelle
shirkaddiisa Ethiopian Shipping & Logistics Service, DP World iyo Ethiopia oo dhinac
ah ku ladh dadka reer somaliland oo garabka saari doono dhinaca Axmed Cismaan
Geelle, kaasi oo milaayiin doolar ganacsi iyo maalgashi u huray dalka yaree aan la
aqoonsanayn ee somaliland laakiin uu u dhashay oo uu ka soo jeeddo.
Maqaalka iyo soo af-meerkiisa, Allow maxay xabaali nin haysaa madaxwayne
Ciggaal ayaan maanta noolayn oo aanay ahayn maalintii uu sigaarka kaga gubay
Cabdiraxmaan Boorre xuduudda Somaliland iyo Jabuuti u dhaxaysa. Arrintaa kadib
kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle ku hanjabay inuu xuduudda xidhi doono muddo
saddex bilood ah, halka madaxwayne Cigaal na uu sii kordhiyay oo uu ka dhigay lix
billood. Ninkaas ayaa ahaa madaxwayne haybadiisa leh, kan Muuse Biixi
Cabdi(Wax Ma Yaqaan ) ah waxaan ku sifayn karaa waa uun maahmaahdii
odhanaysay "Meel aar ka kacay, atoor fadhfadhiisay” waxaanan ku leeyahay
Muusow haddii aad ka baqatay shir jaraai’d yar oo Cabdikariim Axmed Moogge uu
candhuuftaaddii dib kuu liq siiyay arrinka shirkadda Ethiopian Shipping And Logistics
Service Enterprise na waa ka gundheer yahay. waxaana durba bilowday dagaal lagu
badbaadinayo shirkadda iyo ganacsadde Axmed Cismaan Geelle oo u ah
Somaliland (icon) ama ife kumana dhacdaan adiga iyo kaliggii taliye Geelle inay si
dhib yar uga takhalustaan Axmed Cismaan Geellahan la mahadiyay ee maalgashi
iyo shaqo abuurba u huray dalkiisa Somaliland.

Qore: Cabdi Jaamac
Cabdimuhumed60@gmail.com
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO