Wednesday September 22nd, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Dan Iyo Jacayl Kala durugsanaa:

0
Saturday July 31, 2021 - 20:47:25 in Maqaallo
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dan Iyo Jacayl Kala durugsanaa:

    Dan Iyo Jacayl Kala durugsanaa:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dan Iyo Jacayl Kala durugsanaa: Suugaantu Waxay ku timaadaa Ama Soo tebisaa dareen Qof haysta, Amakaag, Ciil, Jacayl, Farxad, Murugo I.w.m.

Marar badan Ayaa laba Jacayl Wada dhadhansaday, Oo u wadaagay sida caano geel, kuwo jacaylkoodu gaadhay inay dhuuxa isku shubaan, Waxa kala fogaysa danta iyo Duruufta hadba ay ku jiraan sida ay heestani xusayso.


Bal suureyso marku Waqtigu kaa fogeeyo dawadii nafta, iyo dareenkii kalkacalka Ee sida ubax dooga leh aad u daawanaysay Kolkastoo ay damaymo kuu qabato.

-Dawadii Naftaydiyoo
-Dareenkii kalkacalkee
-Sida ubaxa dooga leh
-Aan Daawanaayaa
-Waan dibadgaloo bee.

Marka  ay duruuftu kaa fogeyso kobtii Iyo degeladii ay darintu idiin tiil ee Caweyskii Ku laydhsan jirteen, Caruurtana Ku cadalooli jireen.

-Adaa dagaladeeniyo
-Dalkii hooyo joogee.

Inkastoo Ay badan yihiin Aaladaha lagu wada xidhiidhaa hadana Waxa jira marar lays waayo Markaas oo kale ayaad is odheysaa Dabaylaha fariin ma ugu dirtaa  si ay fariintaada u qaado una gaadhsiiso Quruxdaad Jeclayd.

-Dabaylaha Fariin
-Ma layskugu diraa.

Marka aad aragto Barkulankii aad ku xidhiidhi jirteen Oo qumantaad jeclayd ka maqan tahay markaana Waa kuu Naxdin.

-Dunidiyo Naxdin
-Mays daba socdaan.

Intaa kadib ayaad Nafta ku qancinaysaa in Danta iyo Jacaylkuna Ay kala durugsan yihiin.

-Afku Hadal ma daayee
-Danta iyo Jacaylkuna
-Kala durugsanaa ' ee

Markale ayaad arkeysaa Jacaylo badan oo inay kob Wada degaan Mararka Qaar dantu u Saamixi weydo markaas ayaad Nafta ku samirsiinaysaa in dadba kula Qabo oo aanad Keligaa Ahayn.

-Afku Hadal ma daayee
-Danta iyo Jacaylkuna
-Diiftu Maaha Keligaa.


Heestan Waa Ereyadii Maxamed Aadan Dacar Waxa kuwa Luuqeeyey Saalax Qaasim Iyo Khadar Daahir.

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal 
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO