Wednesday September 22nd, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

FALANQAYNTA SIYAASADA FURISTA URURADA SIYAASADA SOOMAALILAND

0
Saturday July 31, 2021 - 20:49:46 in Maqaallo
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FALANQAYNTA SIYAASADA FURISTA URURADA SIYAASADA SOOMAALILAND

    FALANQAYNTA SIYAASADA FURISTA URURADA SIYAASADA SOOMAALILAND

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FALANQAYNTA SIYAASADA FURISTA URURADA SIYAASADA SOOMAALILAND Waxaan shalay arkaayey iyadoo wararku sheegayaan in uu madaxweyne muuse biixi saxeexay xeer no.14 oo ahaa xeerka furista ururada soomaaliland ee dhowaan guurtida dalku ansixiyeen . Hadaba waxaa imanaaya isbedel ku yimaada habdhismeedka xisbiyada soomaaliland oo ay keeni doonto furista ururadu waana wakhtigii ugu haboonayd inla furo ururada siyaasada maadaama siyaasada soomaaliland u muuqato mid aan cago fiican ku taagnayn isla markaana ay u dhabar qabar qabteen wadamada waaweyn qaarkood oo u diidan aqoonsigeeda maantana aad arkayso in ay sibuuxda u muuqdaan raadadka togan ee kusoo darsamay soomaaliland doorashadii golayaasha ee degaanka iyo barlamaanka.


Hadaba si siyaasada dalka loo badbaadiyo waa wakhasab in madaxweyne muuse biixi saxeexo xeerkaas ururadana dib loo furo si soomaaliland looga dhexsaaro khalkhalka siyaasadeed ee lagusoo dhex tuuray. Hadaba is weydiin ta ugu horaysa ee meesha taal waxay tahay yaaku faaiidaya xisbiyada hadda jooga yaase ku khasaaraya?. Hadaynu dib ugu yara noqono furistii ururada soomaaliland markii koowaad waxaa dalka joogey laba nin oo siyaasiyiin ah oo aanay jirin Cid awood uleh inay siyaasada dalka kula loolanto oo Kala ahaa AHN madaxweyne cigaal oo markaas madaxweyne ahaa iyo madaxweyne siilaanyo oo Kala furtay labadii xisbi ee kulmiye iyo udub oo Kala haystey labatiir qabiil oo aad u ad adag oo ay kasoo Kala jeedeen, iyagoo taas ka duulaya inaanu kursiga sadexaad Iman tiirkale oo sadexaad oo siyaasada baalanis (dheelitir) ku sameeyaa waxay KOR usoo qaadeen xisbiga ucid oo ku jirey martabada 5aad si ay boos celin ugu samaystaan waxay kaloo ku ilaashanayeen inuusan soo bixin siyaasi kale oo beelahooda kasoo baxa oo cidhiidhi geliya iyaga sida saleebaan maxamuud aadan oo siilaanyo kula tarami lahaa beeshiisa iyo ina carte oo Isna kula tarami lahaa cigaal beeshiisa.
Hadaba markii uu ina cigaal dhintay waxaa Xisbigii la wareegey riyaale oo ay kusoo dabadhuunteen siyaasiyiintii la ridey iyo beelihii kuraasta waayey sidaasna waxay doorashadii ku sameeyeen boob cadaan ah waxaana lagu Kala helay wax aan aduunka hore uga dhicin oo ah 81cod taasoo usii daayey madaxweyne siilaanyo maadaama uu arkaayey cawaaqib xumada ka dhalanaysa haddii uu ka qaado ama ula dhaqmo sida ay ula dhaqmayaan ama inuusan kaaadhkiisu kaga guban sida ay iyadu doonayaan .

Furtaankii labaad madaxweyne siilaanyo wuxuu ugu talagalay Dhawr qodob oo kala ah (1) inuu siyaasi kasta oo hanlihi isaga u ololeeya si uu u hungureeyo inuu urur furto (2)inuu beelihii hore u waayey xisbiyadu furtaan ururo isagana codka siiyaan si uu kursiga u gaadho (3) inuu meesha ka saaro Xisbigii udub oo ah mid ku dhex jirey beelihii siyaasad ahaan isgarabsigu ka dhaxayn jirey. (4) iyo inuu labada xisbi mucaarad isugu geeyo halbeel si aanay codad u kala helin xisbigiisana inta kale ugu dhex ciyaaro taasina way najaxdey.

Hadaba maanta oo uu muuse biixi Xisbigii haysto waxaa kusoo faruurmay daadad siyaasadeed oo wax uu isagu isu keenay iyo wax ay Cadowga soomaaliland kusoo qaadeenba uusan sinaba isaga maarayn karayn isagoo ururada fura oo weliba ay khasab ku tahay inuu maaliyad aad u farabadan u isticmaalo sidii uu labada xisbi mucaarad ee ucid iyo wadani meesha uga saari lahaa oo wadanina uu usoo saari lahaa wadani kale oo uu ka barbar sharaxayo ucidna ugu bedeli lahaa xisbi kale oo isaga hoosyimaada oo aan wax saamayn ah lahayn isagoo si buuxda uga ilaalinaya siyaasiyiinta saamaynta leh ee xisbigiisa khatarta gelin karta ee aan iyaga laftoodu lahayn aqoonta siyaasadeed ee soomaaliland ku shaqayso arimaha debeda. Hadaba maanta ayay haboonaatay inay tahay maalintii aan siyaasada soomaaliland ka qayb geli lahaa si aan u badbaadiyo dalkayga iyo dadkayga una keeno wax aan kasoo shaqaynayey intii aan siyaasada bededa ka dawanayey oo cidkasta oo soomaaliland ah u cuntamaysa kana duwan 100% sida ururada loo sameeyo oo aad ku taqaaniin mid qof leeyahay mid kooxi leedahay ama mid si buuxda u qabiilaysan

Maxamed Aadan axmed
Siyaasi madax banaan
 

Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO