Saturday November 27th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Boon Xirsi Xuseen Xirsi Caddib

0
Saturday July 31, 2021 - 20:56:26 in Maqaallo
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boon Xirsi Xuseen Xirsi Caddib

    Boon Xirsi Xuseen Xirsi Caddib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boon Xirsi Xuseen Xirsi Caddib
 oo loo garan og yahay (Boon Xirsi) waxaan hubaa in uu ahaa nin waddani ah, malaha adigu waxaad u taqaanaa uun inuu ahaa jillaa, ka qosliye, hal-abuur
laakiin intaba wax ka badan ayuu ahaa oo ay ugu mudan tahay waddanimo, bal ila dhuux
sheekadan soo socota  waa Carta iyo abaabulkii kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle shirkii loogu cumaamaday nimanka reer Somalia oo Kenya Ethiopia iyo Jabuuti u ahaayeen Naas
irmaan Qaahira iyo meelo kaleba Eebbena waxba kama tarin oo ilaa 1991 kii, markii ay dumiyeen caasimadooddii oo iyada oo laydh iyo biyaba leh uu Siyaad Barre uga baxay ilaa
maanta way noqon kari la'yihiin dawlad cagaheeda ku taagan oo Ugandese iyo Kenyan ayaa
kala hor jooga.Haddaba xilligaa ku beegnaa 2000 kii ee abaabulkaa Carta waday kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle kaasi oo xitaa fikrada qabashada shir dib loogu heshiinayo uu
madaxwayne Cigaal lahaa horena uu ugala tagay Ismaaciil Cumar Geelle oo Cigaal ka codsaday Ismaaciil Cumar Geelle inuu Gacan ka siiyo  shir Hargaysa lagu qabto oo dib loogu heshiisiyo taageero kuu joogtee waxaabu xaday fikraddii waa kaligii taliye Geelle
isagiibaana ku maxaabsaday ilaa maantadan aan joogno'ee 2021 wali ku maala carab iyo
cajab Somali ayaan heshiisiiniyaa.


Haddaba xilligaa ku beegnayd 2000 ayaa socdaal ku soo mareen Alle ha u naxariiste fanaan Bussi, Kinsi Xaaji Aadan iyo dabcan Boon Xirsi magaalada Jabouti socdaalkaas oo ay kaga
yimaadeen dhinacaa iyo Dooxa caasimada  Qatar oo ay bandhig faneed ku soo bandhigeen,
ka dib markii halkaa la marayo oo ay la kulmeen bullaankii Carta ka dibna waxaa la waydiistay in ay ka qayb galaan iyagoo dabcan waxoogay faro guudkood ahna gacanta loo
saari doono hase ahaate Boon waa uu ku gacan saydhay oo waxaa uu ku tiraabay inaanu shirkaas iyo abaabulkiisa ka qayb gali doonin. Bal u fiirso qof aan wax badani gacantiisa ku
jirin oo iskaga baahan adduun hase- ahaate ka doortay dalkiisa hooyo oo ah Somaliland oo
aanu isaga laftiisu wax badan ku qabin waa gobonimo dheeraada oo aan la heli karin  waxaanu Boon ku tiraabay weedha ah lacagtaasi waa ay "godobaysan tahay”, taasi oo uu uga
jeeday in ay godob u galinayso dadka reer Somaliland oo tiro ahaan lagu qiyaaso 6 Million oo qof kuna kala nool dalka dibadiisa iyo guddoba taasi oo uu aakhirkii helay  nabsi bixii ka
dib markii uu yimi dalka UK oo ay Jaaliyaddii Reer Somaliland ee halkaa ku dhaqnayd si la yaab leh u sooryaysay oo oo isna ka abaal celiyay isagoo sheegay inay yihiin gob gobi
dhashay oo aan la heli karin iyaga oo kale, taasi oo xaddigga lacagta ay ku fooladeeyeen uu u
qaadan waayay ayna kala bateen filanwaaggiisii iyo dhabtii hortiisa timi, taasi oo uu ku kaftamay xaddigga lacagta ah bal inuu Dahabshiil kula shuraakoobo iyo inuu
company(shirkad) ku aas aasaasto isagoo farxad kala batay, taasi oo aan isleeyahay haddii uu
u il duufi lahaa Ismaaciil Cumar Geelle 2000 inaan sidaa iyo si la mida toona aan loo soo dhaweeyeen loona sooryeeyeen taasina ay ku timi waddaniyaddiisii iyo dal jacaylkiisa
walowba wax yar uu ku qabay Somaliland oo aan hayntiisu badnayn haddan ugu samray uguna dhabar adaygay waxaanan maqli jiray odhaahda ah  "nabsigu ma soo dhaxo”.

Qaar ilmadda Yaxaaska quba ayaa inoo sheega inay ahaayeen SNM oo ay dalka iyo dadka naftoodda u hureen iyadoo qaar badan ay fashilmeen sida Zumaha (madaxwaynihii hore) ee
South Africa oo xabsigga loo taxaabay ka dib markii uu lacag iyo hanti dalku leeyahay uu
urursaday, taasi oo maxkamaddi ku cadaysay ka dib markii uu ka dhaga adaygay inuu isa soo xidho la soo taxaabay loona gudbiyay jeelka iyadoo waliba sida maxaabiista kale uu xidhan
doono dharka liinta u eeg ee ay xidhaan maxaabiista kale ee Jeelka ku xidhan walibana uu
karantiin ku ahaan doono meel uu kaliggii ku xidhnaan doono mudo laba wiig oo karatiinka
iyo sharcigga ka yaala uu sii mari doono, eesh calaa waxaasaa caddaalad ah wax walba caddaalad laguma sheegee ma u malaynaysaa in caddaaladdaas oo kale Somaliland ka dhici
doonto waligaa? jawaabta xagga danbe ayaan ku sheegi haddiibase aynu aragno caddaalad taas oo kale ah u malayn mayo inta aan noolahay inaan arki doono jeel loo taxaabay Muuse
Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) oo lunsaday hanti badan oo ay ka mid tahay beertii dawladda ee Geed Deeble iyo dhulalkii buurta kala Jeexan iyo dhulkii ina Xasan Dalab iyo qoysaskii
tiradda badnaa laga faro maroojiyay ee la inoogu sheegay in laga dhisi doono Madaxtooyo,
ku sii dar qandaraasyadda lagu taxay inay xuurtadda ku haystaan xataa xatooyo gacmaha loo galiyay carruurtii ay dhaleen kuwii ku dhintay soo celintii xorriyaddii luntay sida Ina gacma dheere oo inan ka qaba Muusahan boqortooyada ka dhigtay Somaliland iyo taladeeddii, taasi
oo maalin la iskaga iman doono ha dhawaato ama ha dheeraato iyadoo Booli Qarankaasi aanu meel gayn doonin Muuse iyo qoyskiisa ku mamay xoolihii ummadda.

Haddaba Boon xirsi iyo kumanaan dal jirayaal ah ayaa jira oo aan ciddina u abaal gudin cidna
aanay ogayn xitaaa haddii ay ku bakhtiyayeen dalkoodda hooyo kuwaasi oo aan ka soo jeedin
gobol kaliaya balse u dhashay goboladda Somaliland oo dhan, yaase wax waydiiya intaas uun
kuma koobna dal jirayaasha aan cidina ogayn ee diran iyaguna is diray oo Boon Xirsi ka mid
ahaa Alle ha u naxariisto isaga iyo kuwo kale ee maanta adduunka ka hoyday ee cidina u
abaal celin cidna u abaal gudin. waxaase in la xuso u baahan haddii kuwii dawladda ahaa laga
jooggo quus inay dadwaynaha reer somaliland u og yihiin cid kasta oo u abaal gashay,
waxaana taa caddayn u ah sidaa ay u sooryeeyeen Boon Xirsi oo farxad daraadeed ku
hamiyay fara badnaanta sooryaddii dadka reer Somaliland ee uu ku sharfeen inuu kula
shuraakoobo Dahabshiil ama uu is sharaxo oo uu noqdo mid siyaasadda ku gala isagoo
kaftamayay, laakiin eebbe kuma galiyo siyaasadda ma dhalayska ee Somaliland waxaanad
ifka ka hoyatay adiga oo ah muwaadin Somalilander ah oo dalkiisa jecel kana qayb qaatay
soo dhicintii mar labaad ee loo galay xorriyaddii la lumiyay ee daleesha la dhigay ee 26 June
ee 1960 kii adiga oo ka mid ahaa kuwii gaylamay kuna dagaalamay suugaan iyo aftahanimo
Eebbe kuu dhaliyay waxaananu ku leenahay ka mid noqo kuwa "dagay janadda udug
durduurtay malab mise waad dul joogtaan” waa halkii Daljir iyo heestii Xasan Xaaji
Cabdillaahi "Geneye.

Qore: Cabdi Muxumed
Cabdimuhumed60@gmail.com
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO