Wednesday September 22nd, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Dalacsiinta Bedelida iyo Awood Dhimista Lagu Sameeyay Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Burco intii uu xilka hayay maayirka cusub cabdirisaaq heero Iyo Reeraha ay ka soo Jedaan.

0
Sunday August 08, 2021 - 07:23:33 in Wararka by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 2366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Dalacsiinta Bedelida iyo Awood Dhimista Lagu Sameeyay Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Burco intii uu xilka hayay maayirka cusub cabdirisaaq heero Iyo Reeraha ay ka soo Jedaan.

    Dalacsiinta Bedelida iyo Awood Dhimista Lagu Sameeyay Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Burco intii uu xilka hayay maayirka cusub cabdirisaaq heero Iyo Reeraha ay ka soo Jedaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalacsiinta Bedelida iyo Awood Dhimista Lagu Sameeyay Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Burco intii uu xilka hayay maayirka cusub cabdirisaaq heero Iyo Reeraha ay ka soo Jedaan.
Wararka ka soo baxaaya xaruunta Dawlada Hoose ee Degmada Burco Ayaa tilmaamaysa talaabo fajac gelisay bulshada oo ah in maayirka cusub ee burco u kala abtiriyo shaqaalaha islamarkaana xilal uu ku taxo shaqaalaha beeshiisa .
Talaabadan oo dhiig bax ku ah qaranka hankii iyo rajadii hogaaminta Bulshadu u qabtay golaha degaanka oo noqday hal bacaad lagu lisay.
Wararka irmannews ka helayso ilo xogagaal ah ayaa sheegaya Shaqaalaha Beesha Bariga ee D/Hoose ka shaqeeya oo boosaskii laga riixay ama awoodoodi la wiiqay Waxaana ay kala yihiin
1.Cabdi Cawil x Aadan oo ahaa madaxa xafiiska dhulka iyo kaydka dawlada hoose haddana shaqadiisi loo qaybiyay
Xasan Cali Xume "REER WEYD"Maamulka mulkiyadaha Dhulka Laga dhigay iyo maxamed aadan xaashi "muuse carre" oo loo dhiibay store iyo kaydka
Cabdi cawil Xaaji aadan Hadda mahayo wax shaqo ah marka laga tago inuu xafiiska furo ama xidho
2.Maxamuud cabdilaahhi oo ah Agaasimaha Cashuuraha waxaa la dul geeyay cabdilaahi cabdi faarax "Muuse ismacaiil" ah
3.Axmed Cabdi Dhiidhi oo ahaa kormeerka dhulka ayaa gabi ahaanba shaqadiisi lagu wareejiyay cabdikariin yuusuf maxamed "reer waraabe" Waxaa xusid mudan in ninkan la magacabay hadda uu kamid ahaa shaqaalihii shaqada ka tegay wakhtigii maayir maxamed muraad haddana laysugu daray magacow iyo dalacsiin grade A wadda socda.


Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland ayaa hore amar qoraal ah ka soo saaray inaan muddo lix bilood ah la qori karin shaqaale balse talaabadan maayirka cusub qaaday ayaa noqonaysa in loogu jawaabay ninkii hadlayaaba ha iska hadlo.

4.Xisaabiyaha Degmada Burco Cabdilaahi Muuse Faqash oo aan waxba loo dirin shaqadiisina uu gebi ahaanba haysto agaasimaha maaliyada cabdi salaan suldaan aadan " Reer Xuseen"

Waxaa Warku intaa ku darayaan inuu miiska qaliinka saaran yahay madaxa jaangooyada iyo Farsamada Dawlada Hoose Diiriye Sugaale

Maayir kuxigeenka Degmada Burco oo u madax banaana arimaha dhulka ayaa la hareero dhigay hadda labo nin oo kala ah ismaciil cabdi dacar "reer caynaashe" lana qaabilsiiyay Dhulka Iyo Sharciyayntiisa Iyo Eng Maxamuud Ducaale " Muuse Ismaciil Ah" isna ku magacaaban Hubinta dhulka uu maayir ku xigeenku soo eego la'aantiina aanu maayirku saxeexin Mulkiyadaha.

Waxaa kale oo wararka irmannews helaysaa intaa ku darayaan shaqaalaha la siiyay awoodaha dheraadka ah iyo la shirista joogatada ah ee uu maayirku maalintii oo dhan xafiiskiisa hoosta uga xidho.

Wararka kale ee soo ifbaxay intii maayirka cusub xilka hayay waxaa kamid ah odayaasha beesha maayirka oo ilaa habeenki saqbadhka xafiiska maayirka ku shira.

Qaar kamid ah maamulkii iyo xildhibaanadi degaanka maayirka ka soo jeeda oo meesha ka noqday Heegada Burco Waxaana kamid ah maayirki hore maxamuud dhegalaab iyo maayir kuxigeenki Hore muxumed xoday

Lama garanayo talaabada beesha bariga burco arinkaa kaga tashan doonto iyagoo ah majooratiga degmada burco qiyaas dhan 75% ahna cashuur bixiyayaasha ugu badan gobolka
No description available.
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO