Wednesday September 22nd, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

War-saxaafadeed Geel Jire Geela Wuu Wada Jiraa, Waanuu Kala Jiraa

0
Sunday August 08, 2021 - 21:57:24 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-saxaafadeed Geel Jire Geela Wuu Wada Jiraa, Waanuu Kala Jiraa

    War-saxaafadeed Geel Jire Geela Wuu Wada Jiraa, Waanuu Kala Jiraa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-saxaafadeed Geel Jire Geela Wuu Wada Jiraa, Waanuu Kala Jiraa
Jawaabtii Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Soomaaliland Cumar C/laahi Aadan (Cumar Sayid) uu kaga jawaabay Cabshadii shaqo la’aneed ee dhalinyarada Reer
Berbera, waxa ay ahayd cabudhin iyo cadaadin uu ku duraayayey dayarta Magaaladaasi oo duruufo nonololeed oo ay kaga soocan yihiin goboladda kale u gaar tahay, haday tahay laydh laan iyo Shaqo la’aan iyo sidoo kale baahiyo badan oo dhanka nolasha ahi.

Maareeyuhu waxa si badheedh ah u dedafeeyay 18 bishan dhamaatay ee july cabashada da’yartaa reer Saaxil, waxaanu sheegay in Dadka reer Soomaaliland u siman yihiin Khayrraadka Gobol kasta balse Reer Berbera ay xaq u leeyihiin saami boqolkiiba tobon ah
10% wixii shaqo ah ee ka soo baxda Madaarka Berbera.
1-da August 1, 2021 waxa uu magcaabay 7 Agaasime Waaxeed, iyo laba Madax Qaybeed oo ka hawlgalaaya Xarunta Hay’addda Duulista iyo Madaaradda ee Soomaaliland iyo
Maamule iyo Hal Maamule ku xigeen iyo 19 Madaxqaybeed oo ka hawlgalaaya Madaarka Magaaladda Hargaysa ee Caasimadda Soomaaliland, ma jirto cid reer Saaxil ah oo uu ku daray magcaabistiisaa hal qofna ha ahaate, taasi waxa ay cadayn u tahay cadaadis iyo
cabudhin lagu duraayo cabashada shaqo la’aaned ee haysta bulshada ka soo jeeda gobolka saaxil.


Wasiirda ka soo jeeda Gobolka Saaxil maaha iyana qaar ka turjuma ama u adeega bulshada Gobolka saaxil waxa ay xilaalka Wasaaradahooda ku naasnuujiyaan dhalinta ka sooo jeeda beesha Hargaysa, iyaga oo ku raaligalinaaya Madaxweynaha Qaranka JSL.
Cumar Sayid waxaanu leenahay, way jireen qaar Saaxil ka soo jeeda oo halkaa kula jooga hadaad qabto in wax la qaybsado, balse arintani waa mid kuu dhaqan ah 7dii sano ee aad Agaasimaha Guud ahayd iyo Maanta oo aad Maareeyaha Hay’adda Madaarada tahayba
inaad Reer Saaxil la dagaalanto, Ugu Danbayntii Mudane Madaxwweyne waxaanu arintaa u aragnaa Dagaalka ay Madaxda Dawladda dhexe kula jiraan bulshada Gobolka Saaxil mid adiga lagaaga fogaynaayo oo

nacayb laguu galinaayo, waxaanu kaa codsanaynaa inaad dib u eegto hab-dhaqanka madaxdaas aanu kor ku soo sheegnay oo ay manta taagaan tahay Talaabadaas Maareeye Cumar Sayid ku Magacaabay 50ka qof ee aanu reer saaxil cid kaga dariin, iyagana laa
hortaagan yahay saami qaybsi ayaa jira isga oo adiga iska kaa dhisaaya.

Allaa Mahaad Leh
Da’yarta Gobolka Saaxil
Liibaan Jamac Hilif
0634040288
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO