Wednesday September 22nd, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Talo-bixin Soojeedin ah oo Ku Saabsan Isku Shaandhaynta La-filaayo In Madaxweyne Muuse Biixi Golahiisa Xukuumada Ku Sameeyo. W/Q:- Ibraahim Aadan Aw Qoobey (Ibraahim dheere)

0
Sunday August 08, 2021 - 22:04:36 in Maqaallo
  • Visits: 804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talo-bixin Soojeedin ah oo Ku Saabsan Isku Shaandhaynta La-filaayo In Madaxweyne Muuse Biixi Golahiisa Xukuumada Ku Sameeyo. W/Q:- Ibraahim Aadan Aw Qoobey (Ibraahim dheere)

    Talo-bixin Soojeedin ah oo Ku Saabsan Isku Shaandhaynta La-filaayo In Madaxweyne Muuse Biixi Golahiisa Xukuumada Ku Sameeyo. W/Q:- Ibraahim Aadan Aw Qoobey (Ibraahim dheere)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talo-bixin Soojeedin ah oo Ku Saabsan Isku Shaandhaynta La-filaayo In Madaxweyne Muuse Biixi Golahiisa Xukuumada Ku Sameeyo. W/Q:- Ibraahim Aadan Aw Qoobey (Ibraahim dheere)

Waxaan maanta halkan idinkula wadaagayaa dhawr qodob oo ku saabsan, Isku shaandhaynta dhawaanta la filaayo in Madaxwayne Muuse Biixi ku sameeyo golihiisa Xukuumada, taasi oo aan kula talin lahaa Madaxwaynaha sidan.

1. Madaxwayne qof kasta oo aad magacaabaysid waa inaad la kulantaa marka hore oo aad waydiisa xilka aad u magacaabaysid fahanka uu ka haysto iyo waxa uu ku soo kordhinaayo.


2. Madaxwayne waa inaad waydiisa qorshayaasha iyo barnaamijada wasaarada aad u magacaabaysid ee uu la hor tagaayo golaha wakiilada marka la ansixinaayo oo uu noqdaa wasiir aan kugu kalifin inaad u raadisid 42 xildhibaan codkood.

3. Madaxwayne waxaad maanka ku haysaa in dadkeenu ka daaleen nin xil loo magacaabo oo aan waxba ku soo kordhin balse ka mushahar qaata.

4. Madaxwayne isku shaandhaynta lagaa sugayo iyo Masuuliyiinta cusub ee aad xilka qaranka u dhibi doontaa waa in noqdaan ku awood iyo karti ba u leh xilka dalkana hore u wadi kara.

5. Sanadkaa kuu hadhay waxaa loo baahan yahay inuu noqdo sanad ka wax-qabad iyo hore-umar badan afartii sanadood ee hore.

6. Madaxwayne dalka iyo dadku ba waxay ka daaleen hebelo ku soo noqnoqda oo boqol jeer oo hore inta xilal loo dhiibay aan waxba ku soo kordhin waana siyaasiga markuu mudo bilaa xil noqdo halhays ka dhigta dalka sidan lagu sii eegan kari maayo si Madaxwaynuhu ugu yeedho oo xil ugu magacaabo waana siyaasiyiinta dalka iyo dadka kala qaybiyay dibu-dhaca na uugu wacan qarankeena.

6. Madaxwayne shacabka Jamhuuriyada Somaliland uma baahna mucaarid iyo muxaafid midna, uma baahna qolo, ma jiro qabiil dawladnimada wadi kara kalidii, mana jiro qabiil baahi gaara qaba, lkn waxay u baahan yihiin dawladnimo u adeegta muwaadiniin daacad ah oo xilkooda gudan kara garanaaya oo fahmaaya baahidooda iyo sida wax loogu qaban karo.

7. Madaxwayne dadka Somaliland waxay u baahan yihiin dawladnimo ka dhamaystirta qaran-nimadooda, dawladnimo ku dhisan sharci lagu dhaqo muwaadinka isla markaana lagu hago leh siyaasad fulineed, mid lagu kor-joogteeyo iyo mid lagu la xisaabtamo.

8. Madaxwayne dadku wuxuu kaa sugayaa dawladnimo la jaan-qaada ama wax la qabsata caalamka, qaarada Africa, gobolka geeska Africa iyo isbadalada ka socda.

Ugu danbayn Madaxwayne isku shaandhaynta maanta waa inay noqotaa mid qaranku mahadiyo oo ujeedkeedu yahay sidii qarankan hore ugu socon lahaa.



Allaa Mahad leh


Ibraahim Aadan Aw Qoobey (Ibraahim dheere)

Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO