Wednesday September 22nd, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Saddex sabab oo Shiinaha uu ku taageeri karo Taliban

0
Tuesday September 14, 2021 - 07:03:29 in Wararka by Hargeisa Head OFFICE
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex sabab oo Shiinaha uu ku taageeri karo Taliban

    Dalka ugu dhow inuu xiriir dhinac walba ah la yeesho Taliban waa Shiinaha, balse maxay yihiin faa'iidooyinka uu ka heli karo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka ugu dhow inuu xiriir dhinac walba ah la yeesho Taliban waa Shiinaha, balse maxay yihiin faa'iidooyinka uu ka heli karo?

Beijing wax ceeb ah kuma dareemeyso inay gacan saar la sameysato kooxda islaamiga ah ee la wareegtay awoodda dalka Afghanistan, sida uu maqaalkan ku sheegay tifaftiraha BBC-da ee arrimaha dibadda, John Simpson.

Xilli ay dad badan oo u dhashay Afghanistan isku dayayaan inay ka cararaan dalkooda, dhaqaalaha waddanka ayaa qarka u saaran in uu gebi ahaanba burburo.

Arrintaas waxay horay u dhacday markii ay Taliban xukunka haysteen intii u dhaxeysay 1996-kii ilaa 2001-dii.

Sidaas awgeed Shiinaha ayaa tallaabo u qaadi kara inuu badbaadiyo mustaqbalka dhaqaale ee Afghanistan, garabkiisana waxaa u baahan Taliban oo aan meel kale ku ogeyn taageero soo dhow.

Shiinaha waxa uu markaas saameyn aad u ballaaran ku yeelanayaa maamulka iyo siyaasadda Taliban, saddex arrimood ayuuna eegi karaa si uu uga badbaadiyo burburka dhaqaale.

1- Faa''iido dhaqaale

Tobannaankii sano ee lasoo dhaafay Shiinaha waxa uu kordhinayay xulafadiisa dhinaca dhaqaalaha si uu ugu guuleysto tartanka uu kula jiro dalalka reer galbeedka ee uu ugu horreeyo Mareykanka.

Afghanistan ayaa qarka u saaran inay u burburto dhaqaale ahaan
Qoraalka sawirka,

Afghanistan ayaa qarka u saaran inay u burburto dhaqaale ahaan

Meelaha uu guusha gaaray waxaa ka mid ah qaaradda Afrika oo uu dalal badan ku sameystay maalgelin dhaqaale, taasoo uu ka faa'iidayo dhankiisana.

Waxaa loo arkaa in Afghanistan uu ku xulan karo sabab la mid ah middaas, si uu uga darsado liiska dalalka saaxiibka kula ah dhinaca ganacsiga.

2- Muslimiinta Uighur

Waddamo uu ka mid yahay Turkiga iyo ururro badan oo islaamiyiin ah waxay Shiinaha marar badan isku qabteen sida uu ula dhaqmo bulshada muslimiinta ah ee ku nool dalkaas ee lagu magacaabo Uighur.

Waxaa Beijing lagu eedeeyaa in ay gacan bir ah ku wajahdo qowmiyaddaas, ayna u sameysay xerooyin xabsi ahaan looga dhigo dadka laga qabqabto.

.

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Haddii Shiinaha uu gacan u fidiyo Afghanistan waxaa suuragal ah in Taliban uusan kala kulmin ceeb, wax su'aal ahna aysan ka keenin arrinta muslimiinta Uighur ee mar walba looga hadlo dalalka muslimiinta.

3- Ku lug lahaanshaha maamulka Afghanistan

Guushii ay Taliban ka gaareen Afghanistan iyo maamulka kusoo noqday gacantooda waxa uu musiibo ku yahay Mareykanka, Britain, Jarmalka, Faransiiska iyo dalal kale oo Afghanistan dhinaca amniga ka caawinayay 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Arrintan waxa ay sidoo kale meesha ka saartay galaangalkii ay Mareykanka iyo reer galbeedka ku lahaayeen maamulka Afghanistan, oo ah waddan ay dhowr jeer kasoo ifbaxeen ururro xagjir ah.

Balse Shiinaha ayaa si toos ah u heli kara fursaddaas haddii uu heshiis la galo Taliban, waxaana u suuragali karta inuu saameyn ku yeesho siyaasaddooda maxalliga ah.

Sidoo kale Shiinaha ayaa ka faa'iideysanaya boos ay banneysay Hindiya oo la og yahay inay cadaawad kala dhaxeyso Beijing.

Ilaalada Taliban iyo Pakistan way isula shaqeyn karaan si dhow balse saaxiibbo ma aha
Qoraalka sawirka,

Ilaalada Taliban iyo Pakistan way isula shaqeyn karaan si dhow balse saaxiibbo ma aha

Delhi ayaa lacago badan ku bixineysay dhaqaalaha Afghanistan, iyadoo sidoo kalena ku taageereysay khibrad dhinac kasta ah, inkastoo hadda ay waxaasoo dhan meesha ka baxeen.

Markii uu ururka Taliban dib u qabsaday xukunka Afghanistan, hoos u dhaca dhaqaale ee waddanka waxa uu noqday mid kasii daray, ilaa heer uu ka gaaray sidii uu ahaa 2001-dii. Xilligaas waxaa jirtay in la waayo lacag lagu iibsado shidaal, taasoo sababtay in gawaarida badankood ay shaqada ka fariistaan.

Waddooyinka ayaa mugdi ahaa xilliga habeenkii, maadaama aysan jirin nalal iftiiminaya, inta badan shacabkuna waxay ku nagaanayeen guryahooda, iyagoo ka cabsi qabay in ay dhibaato kala kulmaan maleyshiyaadka.

Ma soo noqon kartaa xaaladdaasoo kale?

Marxaladdii hore iyo tan maanta waxa kaliya ee kala bixin kara waa doorka Shiinaha.

Haddii Shiinaha uu hubsado inuu heli doono faa'iidooyinka uu doonayo ee dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxa uu xukunka Taliban ka badbaadin karaa inuu burburo.

Haddii ay Shiinaha go'aankaas qaadan waayaan, Taliban waxay ku keli noqon doonaan mustaqbalka waddankooda.


Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO