Wednesday September 22nd, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Halkan Ka Daawo:Qaali Maxamuud Guhaad oo waxba kama jiraan ku tilmaamtay guddi uu Farmaajo u magacaabay Kiiska Gabadheeda.

0
Tuesday September 14, 2021 - 08:45:13 in Wararka by Hargeisa Head OFFICE
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan Ka Daawo:Qaali Maxamuud Guhaad oo waxba kama jiraan ku tilmaamtay guddi uu Farmaajo u magacaabay Kiiska Gabadheeda.

    Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa ku gacan seyrtay guddi baaritaan oo uu xalay u magacaabay madaxweyne Farmaajo kiiska Marxuumad Ikraan Tahliil ee horay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa ku gacan seyrtay guddi baaritaan oo uu xalay u magacaabay madaxweyne Farmaajo kiiska Marxuumad Ikraan Tahliil ee horay  khilaafka culus uga dhex abuuray Farmaajo iyo Rooble.

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan ayaa sheegtay in guddiga uu Farmaajo magacaabay uu yahay mid aan waxba ka jirin oo aysan wax rajo ah ka sugeynin dadkii dhibaateeyay gabadheeda sida ay hadalka u dhigtay hooyo Qaali.

"Waxaan uga digayaa Farmaajo inuu faraha kala baxo kiiska gabadheyda ee Maxkamada Ciidamada horyaala, haddii uu ka hari waayo kiiskaan waxaan ka dacweyneynaa maxkamadaha dalka iyo dibadiisaba, kumana qanacsani guddiga uu magacaabay ee waxaan ku qanacsanahay ee waxan ku qanacsanahay dacwada ay maxkamada ciidamada qalabka sida u gudbistay” ayay tiri Hooyo Qaali Maxamuud.


Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa xalay markale kasoo dhex muuqatay Warbaahinta iyada oo la ilmeyneysa xanuunka qalbigeeda ku saaqsan ee ah cadaalad u helida kiiska gabadheeda oo ay sheegtay inuu hortaagan yahay madaxweyne Farmaajo.

Gabagabadii Hooyo Qaali Maxamuud ayaa sidoo kale uga digtay Xildhibaan Cabdishakuur Mire iyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere inay faraha kala baxaan Kiiska gabadheeda Ikraan Tahliil Faarax.

Tan iyo markii hay'adda NISA ay shaacisay bilowgii bishaan geerida Ikraan Tahliil oo ay sheegeen iney Shabaab u gacan gashay oo ay dileen, Al-shabaabna iska fogeeyeen dilka gabadhaasi, waxaa uu kiiska Ikraan noqday mid jahwareer culus ka dhex abuurtay Farmaajo iyo Rooble.
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO