Saturday November 27th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Halkan Ka Daawo:Amaro cusub oo lagu soo rogay magaalada Laascaanood

0
Sunday October 17, 2021 - 08:07:52 in Wararka by Hargeisa Head OFFICE
  • Visits: 491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan Ka Daawo:Amaro cusub oo lagu soo rogay magaalada Laascaanood

    Golaha Deegaanka ee Degmada Laascaanood ayaa bulshada ugu baaqay in ay muddo 7 cisho gudaheed ah ku xidhaan dhamaan luuqyada magaalada ee guryaha u dhexeeya, si nabadgalyada loo sugo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Deegaanka ee Degmada Laascaanood ayaa bulshada ugu baaqay in ay muddo 7 cisho gudaheed ah ku xidhaan dhamaan luuqyada magaalada ee guryaha u dhexeeya, si nabadgalyada loo sugo.
"Luuqyada guryaha u dhexeeya ee ka jira magaalada Laascaanood in dhamaantood la xidho muddo 7 cisho gudahood ah, cidi xidhi wayda talaabo ayaa laga qaadayaa" sida waxa yidhi maayar ku xigeenka Laascaanood, Axmed Maxamed Cumar.

Maayarka degmada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil (Qase), ayaa sheegay in ay magaalada u qaybiyeen, degmooyin iyo xaafado kasii fircamaya, oo xaafad walba loo xilsaari doono guddi laga keenay shacabka oo maamulka degmada kala shaqayn doona sugida amniga.


Waxaanu magaalada u qaybinay 5 degmo waxaanu kasoo saarnay 27 xaafadood, waxaana aanu kasoo xulnay 55 qof oo ka shaqayn doona, dhinaca amniga, horumarinta magaalada, dhawaan ayaanuna howl galin doonaa" ayu yidhi maayar Qase.

Xukuumada Somaliland ayaa howlgalo lagu sugayo amniga ka wada magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, kadib, dilal isdaba joog ah dad aan haybtooda la garanaynin kula kaceen haldoor ka gobolka.
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO