Saturday November 27th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

FAALO, KULMIYE XAGUU USOCDAA ? WQ/C_Sataar Sabri

0
Monday November 01, 2021 - 18:17:02 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALO, KULMIYE XAGUU USOCDAA ? WQ/C_Sataar Sabri

    FAALO, KULMIYE XAGUU USOCDAA ? WQ/C_Sataar Sabri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FAALO, KULMIYE XAGUU USOCDAA ? WQ/C_Sataar Sabri
Nuux Maxamed Xuseen waa masuulka keliya ee Xafiis magac ahaan ujira loo magacaay balse u bedelay ee maanta Ka tegeya Hay'ad Dawladeed oo dhan kasta ka dhisan,

Waa masuulka keliya ee Madaxweyne Muuse Biixi Kusoo Xusay Magacagiisa iyo wax qabad kiisa Dhamaan khudbadihii Distooriga ahaa ee uu ka hor jeediyay Labada gole hortooda,

Nuur Maxamed Xuseen Shaqo ka fadhiisintiisa hadeer na waxaan ku tilmaami karaa Siyaasad Laakiinse maaha shaqo xumo, oo maba jiro nin ka shaqo fiicana oo afartii sano ee Ina dhaafay Dawlada Somaliland usoo shaqeeyay, 


Dhanka siyaasada Nuux  Maxamed waa siyaasi buuxa wuxuu ka tirsan yahay Golaha dhexe iyo gudida fulinta Xisbiga Kulmiye, waa siyaaasiga ugu darajada sareeya ee Beesha reer Qoryaale  ee Xisbiga Kulmiye ku metela.   

Maxaa usabab ah in xilka laga qaado Nuux ? 

Dadka qaar ayaa ku doodaya in sababta lagu bedelay ay tahay laba arimood oo Siyaasiya kuwaasoo kala ah,

1) in Nuux iyo Xirsi isu dheri yihiin, oo aanu Beeshiisa cod ka keeni karin Mustaqbalka dhaw
2) in aan haddeer Madaxtooyada laga jeclayn,  siyaasiyiinta kujirta kuliyada siyaasada ee uu dhiinka kayahay Mujaahid Maxamed kaahin oo uu kamid noqday Nuux Maxamed Xuseen Adan 

Waa laba sababood aan la xaqiijin karin run- ahaan shahooda,  "waayo waayadeed"   Wasiir Maxamed Kaahin iyo Madaxweyne Muuse Ilaa hadda ma ogin wax khilaaf ah oo soo kala dhex galay, 

dadka ka faalooda siyaasada Xisbiga Kulmiye ayaa timaamaya inay jiraan dareeno muujinaya jiritaanka wasiiro carcartooda qaba oo kufoogan inay kala qariyaan M/weyne Muuse iyo saaxiibkii wasiir Maxamed kaahin Axmed. 

Dadka aaminsan inay sii kala durkayaan wasiir Maxamed kaahin iyo Madaxweyne Muuse ayaa qaba Dood kale oo odhanaysa  " waxaa jira Masuuliyiin heer degmo ah oo Madaxweyne Muuse si dhakhso ah u dalacsiiyay  markii uu wasiir Maxamed kaahin xilka ka qaaday, sida xoghayihii Dawlada hoose ee degmada Berbera 

Waxaa kale oo ay doodaada kusii xoojinayaan in aanay jirin ilaa hadda cid xukuumada ka tirsan oo soo dhawaysay Musharaxnimada iyo hanka Gudoomiye nima kulmiye ee Maxamed kaahin, 

Si kastaba ha ahaatee wasiir Xassan Maxamed Gaafaadhi ayaa umuuqda mid si dhab dhab ah doorkan udoonaya godoomiyaha 1-aad Xisbiga Kulmiye,

Wasiir Gaafaadhi ayaa hankiisa shaaciyay xilli lamagacaabayo madax badan oo umuuqda kuwo Daaha dabadiisa oga ololaynaya hankiisa
Iyadoo geesta kale xilal badan laga qaaday dad aan ladhacsanayn Mukharaxnimada Gaafaadhi
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO