Saturday November 27th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Sheekada Maana-Faay — W.Q: Maxamuud-Jeesto

0
Tuesday November 02, 2021 - 12:41:43 in Maqaallo by Burco Office 2
  • Visits: 474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekada Maana-Faay — W.Q: Maxamuud-Jeesto

    Sheekada Maana-Faay — W.Q: Maxamuud-Jeesto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekada Maana-Faay — W.Q: Maxamuud-Jeesto
Sheeko faneedda "Maana-Faay” ee uu qoray Maxamed Daahir Afrax, waa qiso soo caan baxday sannadihii 70-nadii iyo 80-nadii, markii la gu soo daabici jiray wargeyskii qaranka ee Xiddigta Octoobar, muddo bil iyo badh ah maalin kasta. Waxaana buug ahaan loo daabacay markii u gu horraysay 1981, oo la gu daabacay Muqdisho, oo la ga daabacay 30,000 oo nuqul, oo ku dhammaaday wax bil ka yar. Intaas ka dibna waxaa la qorsheeyey daabacaad labaad oo 60,000 oo nuqul ah, waxaana joojiyay taliskii askarta ee talada hayey, Afraxna wuu ka firdhaday Muqdisho.


Dhawr iyo toban sano ka dib 1993 ayaa mar kale la gu daabacay Iswiidhan, mar kalena Ladhan 1997. Labadaa daabacadood hawada ayaa la gu dubtay oo dalka ma soo gaadhin. Intaas waxii ka dambeeyeyna meel ay jaan iyo cidhib dhigtay la ma arag Maana-Faay. Waa la baadigoobay oo la baafiyey oo bidhaanteeda la waayey. Maqaal uu 2007 ka sameeyey qoraaga weyn ee Ibraahim-Hawdna waxa uu ku yidhi: "Maana-Faay waxaa cid u gu war dambaysay 1997 iyada oo Stockholm iyo London marba mid u qaxaysa”. Canaan badan iyo codsi badan ka dib, waxa uu Afrax u gu dambayn soo saaray daabacaaddii afraad oo ah tii u gu dambaysey oo soo baxday 2018; waa ta aan u socda e.

Maana-Faay waa mid ka mid ah sheeko faneedda Soomaalida kuwa u gu quruxda badan, u gu qaayaha roon, u gu qoraalka habboon, u gu farshaxannimada wacan, u gu suugaanta culus ee u gu Af Soomaaliga fudud. Sidoo kalena waa qoraalladii u gu horreeyay ee ifka yimaadda ee fanka sheeko qoridda la gu iba-furay. Ilaa ay ka caansanaatay curiyihii ifka keenay sida qoraagu hordhaca buugga ku qoray.

Maana iyo Faay waa labo magac oo la is ku sidkay oo noqonaya "Maana-Faay”, waana magaca boqoradda sheekada. Waa qalanjo qurux iyo ilwaadba leh. Waa heego-muuq-dheer. Waa gaari xarraga badan. Waa cadrad inan-golyeed kastaa ka goojiyo oo haasaawe ku la dhici waayey. Waana gashaanti gugii sagaal iyo tobnaad gaw ka siisay oo guudku u tidcan yahay. Waa gabadh ka soo jeedda qoys Banaadiri ah oo deggan xaafadda Xamar-weyne. Aabbaheed waa Xaaji Muumin, hooyadeedna waa Aay-Caddeey. Wax ay shan ku tahay labo wiil iyo labo gabdhoodh oo la dhashay. Wax ay ku jirtaa dugsiga sare, mid ka mid ah dugsiyada magaalada Muqdisho. Waxaa loo dhisi doonaa ina adeerkeed Iikar Aw-Mukhtaar marka ay dhammayso iskuulka. Tabta walaalkeed Aweys loo gu dhisi doono Jiija oo ah Iikar walaashii. Waa qoys leh xeerar hoosaad iyo dhaqan macangeg ah oo gaboobey oo ab-la-ga-soo-gaadh ah. Waxaana dadka geyaanka isu ah la isu dhaafsadaa sidii la isu dhaafsan jiray badeecadaha iyo baayacmushtarka beri-samaadkii. Waa dhaqan odhanaya "Wax aad taqaan guurso wax aad taqaan ha la guu dhalee”. Wax se taas beeninaya xidhiidh jacayl oo qota-dheer oo dhex maraaya Maana iyo Injineer Axmed Jaamac-Dhegey, oo dalka dibaddiisa wax ku soo bartay, iminkana u shaqeeya dawladda. Waa jacayl ka dhex dhashay guriga Sahra Yuusuf, xilli galab ah. Sahra waa Axmed ina abtigeed, waana Maana-Faay saaxiibaddeed, waana qofta halganka u gu badan la gelaysa labadaa qof.

Hadda waa la faraxsan yahay. Dadka oo dhan baa wada faraxsan. Dumarku waa ay xinnaysanayaan. Kuwo kalena huruud iyo qasil iyo cusbur bay wejiga is ka ga dhammuuqeen. Waxaa la isu diyaarinayaa aroos wadareed afar lammaane is ku la aqal gali doonaan Jimcaha dhow. Waa taas Jiija guriga habaryarteed la gu xardhayo. Waa taas loo xulay dumar waaya’arag ah oo talooyin siiya. Waa taas Maana-Faay gabdho u qaybsanaa loo diray. Waa taas diiday ee dooni maayo arooskiinna tidhi. Waa taas amakaag iyo afkalaqaad dhalisay. Waa taas reer Aw Mukhtaar inantoodii la laabtay. Waa taas soddohihii isu gacan qaadeen. Waa taas labadii soddog hadalku ka taagtaagmey. Waa taas kuwii is jeclaa qalbiga ka ooyayaan. Waa taas dabadeed Maana-Faay la dayriyey.

Maana-Faay oo goor galab ah joota guriga walaasheed Layla, waxaa helaysa islaan fataalad ah, oo qaxaabad ah, oo walasaqo ah, oo islawareeg ah, oo kaalaxad ah. Waa Bayddan Shabeel oo shaqadeedu tahay in ay dadka is jecel ka la disho, reeraha is qaba ka la furto, nimanka iyo naagaha tuntana u ka la adeegto. Waa la sasabanayaa Maana-Faay, waxaana la geynayaa guri tumasho oo rag iyo dumar ku qayilayaan. Waa taa dharkii iibka ahaa loo ka la doorayo. Loo ma ka la dooraya ee waa taa la gu maadsanayo. Waa taa dhex fadhida fataaliinta iyo khaniisiinta hoosta is ka ga jira. Waa taa laanta qaadka ah loo dhiibay. Waa taa daadaawanaysa ee gacanta ku haysa. Waa kaa jacaylkeedii Axmed irridda ka soo galay. Waa taa ku naxday ee ku carartay. Waa kaa dhirbaaxo u dhiibay. BAB! Waa taa dhulka ku dhacday. QAMBALAF! Waa kaa is ka ga tagey ee illinka ka baxay. QUB! QUB! QUB! Axmed waxaa halkan keenay laba war oo loo ga sheegay Maana. Waa warar odhanaya ‘jacaylkaagu waa ay qayishaa’. Warka hore waxaa u sheegay saaxiibkii Kulmiye oo jacaylkooda ka xumaa. Kulmiye waa nin tumashada u ban baxay, balwad badan, guurka neceb, dhillaysigana jecel. Warka labaadna waxaa u gaysay habarta buuran ee Bayddan Shabeel, oo doonaysay in Maana-Faay ay ku darto naagaha la neceb yahay, tabta loo nacay iyada. Waxa kale oo ay doonaysay in ay ka gaddo Jaamac-Dhegey oo lacag badan ku bixiyey sidii uu u heli lahaa dhayladaas yar.

Iminka Maana saddex dhinacba waa ay ka dhimatay: Jacaylkeedii injineer Axmed, walaasheed Layla iyo waalidiinteedii ku soo tabcay. Wax ay noqotay doqon jilicsan iyo caanyo nacas ah iyo dheg-weyn mici dheer. Ma ay ahaan jirin e, midhaa jacaylka ayaa dhabanaaniyey oo sidaa ka dhigay. Waa qoftaas jilicsan ee dhankii la doono loo kaxaysanayo, ee marba la beer-laxawsanayo, ee kolba la sasabanayo ee la siyaasadaynayo.

Miskiinaddii mar kale la khiyaanee; aqal fiilo ah oo cidla ah la gee; jacaylkaagii Axmed baa la guu keenayaa la gu yidhi; gabbalku bartii u gu dhac; Bayddan iyo Jaamac Dhegey afku ka duul; lacag keen iyo maxaa aad I ga ga tagtay la is dhaafsay; xaqdarro ayay ku heshiiyeen ee xaqa ku colloobe; big tidhi Bayddan oo reerkiisii afka is ka ga shubtay; islaantiisii Cambaro Cali Dhoof oo islaamo kale la cawaynaysa war xun ku la dhex dhacday; ninkaagii halkeer buu naag kale ku haystaa adna halkan baad is ka soo hawaartaa ku tidhi; tagsi yar oo meesha taagnaa la is ku gur; gurigii fiilada ahaa ee odaygu inanta yar ku la dhuumanayey la gu tibbay; kiiyoo naagtii ku maran Cambaro ku gaadhay Beyddanna debedda ka daawatay; Axmed iyo Ciise-dheere iyo Layla iyo Sahra oo Maana-Faay raadinayey oo adeegtadii yarayd guriga soo tustay ka soo dul dhace; wixii hub la sitay la diyaarsay; ninkaa in aan nolol loo ga tagin la gu tala gal; Axmed oo u gu horreeyey aad u sii orod; codad uu garanayaa ku soo duule; naag wax weeraraysa iyo nin is ka abhinaya meel madow ka arag; aabbihii iyo hooyadii noqde; Ma aabbihii ayuu ahaa ninka naagta ka qaaday ee silciyay? Ceebeey tacaal! Ma gabadhuu sodogga u ahaa buu damaaciyay? Waa la ba’ay! Naxdintii bartii ku suux; DAM! Ciise-dheere arag oo isna maareeyihiisii noqoy; Sahra eegtay oo iyana abtigeed noqoy; Maana oo goor roon la ga soo gaadhay meel mugdi ah ka soo baxday…

Intaas ka dib waa la garnaqsanayaa. Qof waliba wuu warramayaa. Wax uu ka warramayaa waxii loo gaystay iyo waxii uu galabsaday. Waa la isu cudurdaarayaa. Qof wax qarinayaa ma jiro. Run badanaa dadku ma yoomal qiyaamihii baa la taagan yahay? Waxaa la is wayddiinayaa yaa mashaakilkan innoo gaystay? Yaa fadeexaddan u aabbe ah? Waxaa la is ku raacayaa in aabbe iyo hooyaba ay u tahay Bayddan Shabeel. Bayddan laftigeedu waa ay is difaacaysaa. Wax ay sheegaysaa in la luggooyey iyaduna ay ballan ku qaadday in ay dadka loggoyso. Wax ay ka warramaysaa sidii ay miyiga u ga timid, xoolihii abaartu ka madhisay, magaaladii ay timid, shaqadii ay waydey, nimankii Talyaaniga ahaa ee ay adeegtada u noqotay, ceebtii suuqa loo galiyay, sidii loo takooray iyo sidii ay isu tidhi waxba ha dhawran ee dhillaysiga ku gashay. Waxa kale oo ay sheegtay in madaxdii Soomaalidu si ka xun u la dhaqmeen sidii Talyaanigu u la dhaqmay, marka ay shaqo wayddiisatana in ay jidhkeeda wayddiisan jireen. Dabadeedna waa la cafinayaa oo la fasaxayaa habartii la gu talagalay in la ga takhalluso.

Sidaas ayaa ay Axmed iyo Maana-Faay is ku calmanayaan oo sheekadu ku idlaanaysaa. Waana si qisooyinka iyo filimaantuba ku idlaadaan inta badan. Waa si dadku jecel yahay oo ah in samuhu guulaysto xumuhuna guul darraysto. Ama khayrku libaysto sharkuna liico. Ama gacalku fooso nacabkuna fashilmo.

Maxaa haddaba sheekadan la ga baranayaa? Waxaa la ga baranayaa wax badan oo berigaa jiray ilaa maantana taagan. Waxaa ka mid ah: 1) sharka iyo khayrka oo qofka ku dhex loolama iyo fikradaha uurkiisa is ku hirdiyaya: wax ma xaddaa mise waa aad is ka daysaa? Ma guursataa mise waa aad is ka tumataa? Been ma sheegtaa mise Ilaahay baad ka baqdaa? Wax ma barataa mise waa aad is ka qayishaa? Dadka is jecel ma is ku dirtaa mise waa aad isu daysaa? 2) Xilka qaranka iyo awoodda oo dano gaar ah loo ga faa’iidaysto, kuwaas oo la gu dulmiyo dadkii la gu daryeeli lahaa ee ay ahayd in loo gu adeego, oo faqriga la ga ga saaro,
3) hodantinnimada suugaanta Soomaalida iyo in Af Soomaaligu aanu ka itaal yarayn afafka kale ee duni, 4) is fahan darrada waayeelka iyo dhallinyarada casriga la tallaabsanaysa ee ilbaxa ah, 5) dhibaatada dhaqammada gaboobey ay ku hayaan horumarka, dawladnimada, isdhexgalka, waddaniyadda iyo jacylka.

Maana-Faay kaalintee bay ka gelaysaa sheeko faneedda Soomaalida? Wax ay ka gelaysaa kaalmaha u gu sarreeya, haddiiba aanay noqon ta kowaad. Ararta, ubucda iyo afmeerkaba waa sheeko isu dhiillitiran. Maxamed Daahir Afrax, waxa uu si heer sare ah u jilayaa lahjadda ama afguriga Banaadiriga. Dhawr qolo oo ka la degaan ah, ka la lahjad ah, ka la dhaqan ah, oo ka la fikir ah ayaa buuggiisa ku sheekaysanaya. Waxaa iyaduna farshaxannimo ah sida uu afka u ga hadlinayo waxaa ka sii ashqaraar badan sida uu uurka u ga hadlinayo. Waxa aad is odhanaysaa shakhsiyaadku midhaa waa dad nool, oo sidii ay u dhaqmayeen, u hadlayeen, isu diidayeen, isu doonayeen, u ka la xishoonayeen, isu la gorgortamayeen iyo ficilladoodii oo dhan inta la duubay, dabadeed la qoray oo buug la ga dhigay. Is odhan maysid waa male’aal iyo khiyaali la sawiray.

Ibraahin-Hawd oo inta aan ka arkay gorfaynaha la gu sameeyey Maana-Faay tan u gu quruxda iyo qiimiga badan ka sameeyey, waa kan isaga oo muujinaya heerka ay gaadhsiisan tahay Maana-Faay: "Muujinta dabeecadda dhabta ah ee shakhsiyaadka qisada, dhaqan iyo hadalba, waa halka ay ‘Maana-Faay’ ku muujisay heerka u gu farshaxan sarreeya sheeka-qorista Soomaalida. Wax aad mooddaa dad nool nool oo ina hor taagan. Run ahaantii Maana-Faay qodobkaas wax ay ku helaysaa billadda u gu sarraysa dhammaan sheekooyinka Soomaalida inta aan ilaa iminka arkay”.

Mar kale isaga oo ina sii jeclaysiinaya sheekada wax uu ina odhanayaa: "Maana-Faay, Maxamed Daahir Afrax, wax aan u hayaa abaal ah sheekadiisani in ay ka mid tahay kuwii u gu horreeyey ee i jeclaysiiyey akhriska iyo qoraalka sheeko Soomaalida. Wax aan u hibeeyey sheekadayda cusub ee magaceedu yahay "Aanadii Nageeye”.

Maxaan saluugay oo sixitaan u baahan? Akhristaha haddii sheekada la gu badh-gooyo oo ay ka ka la go'do wuu xanaaqaa, markaa suu niyad-jabaa, markaa suu buuggaba muguujiyaa, markaa suu hadduu doono akhriskaba nacaa oo ka dhaartaa. Sidaa si la mid ah Maana-Faay, daabacaddii u gu dambaysey ee soo baxday 2018, marka aad marayso bogga 284 wax aad u boodaysaa bogga 295. Waxaa la ga booday 10 bog oo u dhigma 292-ka kale ee buugga. Waa tobanka bog ee u gu xiisaha iyo xalladda badan. Waa bartii akhristuhu maantaba u soo socday. Waa jabkii nacabka ee uu maantaba sugayey. Muxuu u sugi waayey sow intii horeba ma ay gacan sarrayn? Sidii ay sheekadu u maraysay islaantii Cambaro oo ku soo socota fiiladii odaygeedu naagta ku haystay iyo kooxdii kale ee Maana-Faay raadinaysay, ee iyaguna ku soo jeeday is la gurigaas, ayaa la guu boodsiinayaa Bayddan oo gardhiganaysa oo ka warramaysa waxa khaniisnimada ku kallifay. Wax aad is wayddiinaysaa islaantii Cambaro ee fiilada cagaaran inta yar u soo jirtay miyay anbatay? Xaggay ka dhaaftay gurigii? Maxay ku samaysay odaygii? Muxuu tolow samaynayey markii ay u gashay? Miyuu ku rarnaa misa wuu ag fadhiyey mise wuu hurday? Qoladii kale iyaga waa tii adeegtadii Yarayd ee Faadumo-Yarey meesha tusaysay ee maxay yeeleen? Odaygii ceeboobay ma nool yahay mise wadnaha ayaa is taagay? Su’aalahaas baad is wayddiinaysaa markaasaad jawaab u waayaysaa. Waxii aad ka ga jawaabi lahayd sow buugga la ga ma saarin.

Ma garan karo cidda ka saartay iyo sabab loo ga saaray, laakiin wax aan garan karaa si ulakac ah in loo ga saaray. Waxaa loo gu tala galay in Afrax iyo akhristaha la is nacsiiyo oo la ka la dilo. Waxaaba la odhan karaa, markii buugga Maana-Faay widhiidh noqday ee soo daabiciddiisa la gu daalay, ayaa loo sameeyey iin iyo foolxumo dadku ku naco. Wax ay ceebta u gu weyn dul hoganaysaa shirkadda buugga soo daabacday ee LOOH PRESS. Ma jirto cid dhaliisha u ga dhow oo loo riixi karaa. Waayo sheekadu daabacaadihii hore waa ay dhammaystirnayd. Waxa kale oo isna aan eed u jeedinayaa qoraaga buugga Maxamed Daahir Afrax, oo hordhaca buuggiisa ku sheegay in ay daabacaaddani kuwii hore ka xiiso badan tahay, oo tahay tii saxnayd, runta ahayd ee dhammayskatirnayd, in uu haddana ogaan waayey sida loo qalinshubataystay buugiisa ee loo bililiqaystay. Haddii uu ogaadeyna aanu xil isaga saarin. Wax aan soo jeedinayaa in ciddii sidaa fashay aan sidaa fudud la ga ga hadhin ee ciqaabteeda la mariyo.

Maxaan ku diiddan ahay Ibraahim-Hawd? Wax aan ku diiddan ahay eedda uu u jeediyay Maana-Faay laftigeeda iyo cudurdaarka uu u sameeyey qoraa Maxamed Daahir Afrax. Wax aan la qabaa in sheekadu mar ay ku dhacayso heer hoose oo bilaa milix ah, qoraaguna u falkinayo si wahsi ku jiro, laakiin la ma qabo in ay hoos u dhacayso oo keliya marka Axmed ka soo dul dhaco gacalisadiisii oo laan qaad ah gacanta ku haysata. Wax uu hoos u dhacu imanayaa markaa ka hor. Waa marka Bayddan Shabeel ay xafiiskiisa u gu tegayso Axmed, iyada oo u sheegtay in ay hawl u la socoto, oo uu ka la hadlo ninka meesha haysta, haddana ay sheekada leexinayso ee ay u sheegayso in gacalisadiisu ay qayisho. Sababtu waxa weeye, qof aydaan is aqoon oo hadda kuu yimid, oo hawl kuu la socday, oo hawshii adiga oo aan u qaban sheeko kale kuu galay, sheekadaasna ay tahay mid adiga iyo jacaylkaaga khusaysa oo is ku kiin diraysa, waa mid aan la rumaysan karin oo dabiici ahayn. Waxba ka ma duwana ninkaa ka soo dhacaya dabaqa labaad ee ku beegmaya baabuur buush sida oo laamiga marayey ee aan waxba noqonayn.

Hawd wax uu u cudurdaarayaa qoraaga, wax uuna hoos u dhaca sheekada dusha u ga tuurayaa Maana-Faay oo uu ku eedaynayo in ay qoraaga hoosaasisay. Sidoo kale wax uu ku sifaynayaa in ay tahay qof jilicsan, oo liidata, oo gacal iyo nacab ka la garan karin, oo xitaa falan ama doqon ah. Taa laba qodob baan ku beeninayaa. Ta hore, Maana-Faay wax ay ku jirtey xaalad adag oo nafsi ah oo qof kasta oo geed-adayg ahi aanu xammili karin. Waa jacaylka Axmed ay u qabto oo sirqo ka dhigay, ninka aanay rabin ee ehelkeedu ku qasbay, aabbeheed oo dayriyey, walaasheed oo eriday, Axmedkeedii oo dafiray. Bal xaggee bay qabataa? Maxaa dhigay golaha ceebeed? Waxaa dhigay duruuf iyo dan. Haa, meel ay gasho ayay waydey, dantaadana maqaar ey baa loo gu seexdaa.

Ta labaad, waa in ay tahay qalanjada qisada. Qalanjadaa ka caansan qoraagii qofka nool ka dhigay. Waa gabadhaa loo gu magac daray buugga ay ku jiraan dhawr iyo tobanka qof. Maxaa Axmed, Jaamac-Dhegay, Layla, Sahra… loo gu bixin waayey buugga? Sababtu waa in ay ka mudan tahay, ka fariidsan tahay, ka caqli badan tahay, oo dhabeel dumar tahay.

Waxaa irkigo iyo amakaag ku gu ridaya in sheekada sidaa u quruxda badan uu qoraagu ku qoray qalin iyo warqad, koombiyuutarna xilligaa la ma aqoon, teebkana dadka in yar baa heli jirtay.

W.Q: Maxamuud-Jeesto
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO