Saturday November 27th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

22 novembre 2021 kadib maxaa la gudboon dadwayannah soomaliland ?

0
Sunday November 21, 2021 - 21:36:51 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    22 novembre 2021 kadib maxaa la gudboon dadwayannah soomaliland ?

    22 novembre 2021 kadib maxaa la gudboon dadwayannah soomaliland ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

22 novembre 2021 kadib maxaa la gudboon dadwayannah soomaliland ? Marka hore inta aanan kajaawibin su,aashan waxa fiican in aan wax ka ogaano shuruucda dalka uyaala sida dastuurka iyo xeerarka ka farcama ,iyo sooyaalkii taariikheed ee siyaasada soomaaliland.

Marka hore waxaan jecelahay in aan wax iska waydiino shuruucad wadanka taala maxay i noo sheegayasaa marka aan rabno innaan ka warano xisbi ama urur siyaasadee oo sharci ah isla markaan ka hawal gali doonna soomaliland.

1= urur ama xisbi yaa xaq u leh in uu fur?

2=waa intee cimiriga urur ama xisib sharci ah?

3=marka uu mudo xileedkiisu dhamaano urur ama xisbi sidee xaalkiisu noqonayaa?
Dhamaan su,aalahaas iyo kuwo kale waxaan kaga jawaabayaa inta aan maqaalkan ku jiro hadii eeb idmo ,wax ugu wayan ee aan adeegsan doonna waa dastuurka iyo xeerka khuseeya arrintan

Dastuurka juhuuriyada soomaaliland XUBIBTA 3AAD
QODOBKA 22AAD
XUQUUQDA SIYAASADEED, DHAQAALE, BULSHO
IYO XAQA DOORASHADA
1. Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb
galo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo
hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka.
2. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku
tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay in la doorto,waxna doorto
Qodabkan waxa lala akhriyayaa qodobka 9aad oo si cad usheegaaya nidaamka siyaasada soomaaliland iyo qaabka uu noqon doono muuqaalkaga guud ee siyaasada soomaaliland ,
QODOBKA 9AAD
NIDAAMKA SIYAASADEED
1. Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda
Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag,
dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.
2. Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka
Jamhuuriyadda Somaliland Kama badnaan karaan
saddex (3) xisbi.
3. Iyada oo xeer gaar ahi habayan doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah,

Hadab maanta waxa inoo jira xeerkii loo sameeya ururada iyo axsaabta siyaasad oo si cad u qeexaaya xilka iyo waajibaadka xisbiyada ,mudada ay shaqayan doonto shahaadada loogu aqoonsada xiqbi qaran .
Qaabka loogu jidiidin karo shahaada xisbinimada
Markaa waxa waajiba in la raaco waxa uu jidaynaayo
,Xeerka wax layidhaahda xlr14 waan xeer dhaqan gal ah oo soo shaqeeya waan xeerka xalaaleeya xisbiyada maanta wadanka ka jira kuwii ka horeeyan kaqaaday xasaanad xisbi nimo ,hadab waxa uu qabo xeerku aan kula wadaago
Qodobka 3aad

Mabaadii’da Guud iyo u Hogaansanaanta Sharciga

1) Xisbiyada/Ururadu waa in ay u hoggaansanaadaan Dastuurka, Xeerarka dalka iyo hanaanka Dimoqraadiyadda, waana in aanu wax u dhimaynin midnimada dalka, dhammaanshaha dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabadgelyada guud.

2) Xisbiyada/Ururadu waa in ay ka qayb-qaataan in ay taageerayaashooda baraan tartanka doorashooyinka iyo Dimoqraadiyadda waana in ay tix-gelin dheeraad ah siiyaan haweenka iyo dhalinyarada.
Xeerkani wuxuu ceeb uyaqaan in xisbi ama urur ka gaabiyo ama ka meerayasto doorasho waxaanu waajib ka dhigay in uu tageerayaashiisa baro ku tartanka siyaasada hadii ay tahay xisbiga guduhiisa ama doorasho guud
Qodobka 4aad
Xadka Adeegsiga Xeerka
Xeerkan waxaa loo adeegsanaya Ururrada si rasmi ah loo diiwaangaliyay iyo Xisbiyada haysta Shahaadadda Xisbinimo si xeerka waafaqsan uga diwaangashan Guddiga Diiwaangalinta, Anshax-marinta Ururrada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka

Xeerkani wax uu si cad usheegay cida cida maamuli doonta u garsoorida xisbi ama urur siyaasadee, mano jirto cid uu la wadaajiya gudida ururada iyo ansixinta xiqbiyada
Waxaan si cad usheegay in maanta ay dhamaatay mudo xileedkii sadexad xisbi qaran oo ku eeg 22 novembre 2021 oo xeerkani jideeya in 10kii sano hal mar ururada siyaasad la furo ,si muwaadinniita loogu soo celiyo xaqooda dastuuriga oo ay isku qaabayan karan ururo siyaasadee oo cusub arrintaas maxa qeexaaya qodobkan
Qodobka 8aad
Muddada Shahaadda Xisbinimo
.Mudadda Shahaadada Xisbinimo ee xisbiyada Qaranku waa toban (10 sano) oo ka bilaabanta taariikhda Shahaadda Xisbinimo la siiyay.
• Shahaada Xisbigu/Ururku waxa uu ku heli karaa ka qayb-galka Doorasho toos ah oo loo qabtay Ururada iyo Axsaabta, Islamarkaana uu si rasmi ah uga mid noqday Saddexda Xisbi si xeerka waafaqsan.
• Xisbiyada ay ka dhacdo mudadda shahaadada Xisbinimo ee la siiyay, ma geli karaan doorashada madaxtooyada, Wakiillada iyo Deeganka, waxayna ahaanayaan xisbiyo ku meel-gaadh ah ilaa intaa laga qabanayo doorasho toos ah oo ay ku soo baxayaan xisbiyo Qaran.
• Ururrada cusub iyo xisbiyada ka qayb-galaya doorashada tooska, waa in diiwaangalintooda la qabtaa lix bilood ka hor dhammaadka muddada Shahaadda Xisbinimo.
• Hadab waxa isla garanay inay maanta aanu ka jirin xisbi sharciya markaa wax waajib innagu ah in horta xusbiyo samayasano si dalka doorasho loo aado inta ka horaysa doorashad madaxtooyada
• ma jirto cid wax kabedel ku samaysay xeerkan oo xisbiyada u xalaalaysay inay sii shaqeeyan
Waxaa muuqata in sadexda xisbi hishiis ku yihiin cabudhinta dad waynaha ,waxaan baaq udiryaa dhamaan shacabka iyo cidkasta oo Hunguri ka hayo ka qabay qaadasha siyaasada wadanka kuna qanci wayday siyaasada xisbiyada liisanku ka dhacay hada .raban Inay furtaan ururo siyaasadeed si waafaqasan xeerka wadanka .
QORE
MOHAMED NUOH ADAM
FRENCH PARIS
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO