Saturday November 27th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Muxuu ka yiri Xildhibaan Yuusuf Xasan in Xaafadda Islii hub lagu iibiyo?

0
Monday November 22, 2021 - 08:48:35 in Wararka by Hargeisa Head OFFICE
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muxuu ka yiri Xildhibaan Yuusuf Xasan in Xaafadda Islii hub lagu iibiyo?

    Xildhibaanka degmada Kamakunji oo ay xaafadda islii ka mid tahay ee magaalada Nairobi, Yuusuf Xasan Cabdi, ayaa sheegay in dadka reer Islii ay ka carroodeen hadal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanka degmada Kamakunji oo ay xaafadda islii ka mid tahay ee magaalada Nairobi, Yuusuf Xasan Cabdi, ayaa sheegay in dadka reer Islii ay ka carroodeen hadal

 uu warbaahinta dalkani Kenya dhawaan ka sheegay Sanatarka ismaamulka deegaanka Kiambu oo ahaa in xaafadda Islii ay khatar ku tahay amniga dalka isla markaana lagu iibiyo hub oo waliba ay dadku hub haystaan.

Isu soo bax looga soo horjeeda hadalka Sanatar Kimani Wamatangi ayaa shalay ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxaana Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi uu BBC-da u sheegay in edayntaasi ay tahay mid aan waxba ka jirin isaga oo ugu baaqay siyaasiga hadalku ka soo yeeray inuu raali galin ka bixiyo haddii ay taa dhici waydana wuxuu ku goodiyay inay sharciga la tiigsan doonaan.

"Waxaan isugu soo baxnay in aan muujino inaan nahay dad nabadda jecel ganacsata ah waddanka dhaqaalihiisa iyo siyaasadiisana qayb weyn ka ciyaaraya martina aanna halkaan ku ahayn"ayuu yiri Xildhibaanka deegaanka Kamakunji Yuusuf Xasan Cabdi.

Xildhibaan Yuusuf ayaa sheegay in Sanatarka waraan ka sheegay warbaahinta ay ka dalbadeen inuu raali galin degdeg ah ka bixiyo hadalka ka soo yeeray ee la xiriira in dukaamada xaafadda islii lagu iibiyo hub."Waxaan ka codsanay ninkaas Sanatarka ah inuu si degdeg ah raalin galin uga bixiyo edayntaasi beenta ah ee uu xaafadda Islii ka sheegay ayuu hadalkiisa raaciyay.

Senatorka ayaa hadalkan ka jeediyay mid ka mid ah talefishinnada ka so baxa Kenya, Ctizien TV oo uu uga qeybgalay barnaamij looga hadlayay ammaanka dalka.

ISLII

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Qoraalka sawirka,

.

Mar wax laga waydiiyay Xildhibaanka Kamakunji sababta ku kallifi karta inuu eedayntaan u jeediyo xaafadda islii Sanatarka ismaamulka Kiambu ayaa waxaa uu sheegay inuusan garaneynin sababta arrintaa keeni karta hase-yeshee waxa uu intaa ku daray inay jiraan dad aaminsan fikrado khaldan oo la xiriira in dadka Soomaaliyeed ay ku lug leeyihiin falal isugu jira burcadnimo, argagixisnimo iyo musuq-maasuq. Wuxuu kaloo sheegay in dadka qaarkood ay ka xunyihiin horumarka dhanka ganacsiga ay ka sameeyeen dadka Soomaalida ah.

BBC-da ayaa waydiisay Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi haddii ay hubiyeen hadalka Sanatarka oo iyagu baaritaan ku sameeyen waxa ka jira in xaafadda hub lagu iibiyo iyo in kale waxaana uu jawaabtiisa u dhigay qaabkaan: "haddii hadalkaasi dhab yahay waxay ahayd inuu Sanatarku maadaama uu yahay nin mas'uul ah inuu booliska la socdsiiyo si ay u soo galaan xaafadda oo markaa baaritaan ugu sameeyaan".

Ka bood Twitter boggan, 1

Dear@DCI_Kenya. Why is@KWamatanginot behind bars? This guy should be helping the police with locating where he gets a gun for 1K in Eastleigh. Some things are not a laughing matter. This is unbelievable coming from an elected senator. This is profilingpic.twitter.com/GNXKmm2Nme

— Ahmed Mohamed ((ASMALi)) (@Asmali77)November 19, 2021

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Wuxuu sheegay in baarlamaanka ay gayn doonaan codsi ku aaddan in siyaasiga hadalka sheegay uu soo bandhigo warka uu baahiyay halka uu ka yimid.

Sanatar Kimani Wamatangi kama uusan hadlin arrintani.


Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO