Saturday November 27th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Diblumaasiyiin Maraykan Ah Oo Magaalada Washington Ku Qaabilay Wefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland

0
Tuesday November 23, 2021 - 09:13:55 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diblumaasiyiin Maraykan Ah Oo Magaalada Washington Ku Qaabilay Wefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland

    "Caalamku Wuu Ka Daahay In La Aqoonsado Xaqiiqada Madax-Banaanida & Dimuqraadiyadda Somaliland…" Safiirkii hore Oo Maraykan Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Caalamku Wuu Ka Daahay In La Aqoonsado Xaqiiqada Madax-Banaanida & Dimuqraadiyadda Somaliland…" Safiirkii hore Oo Maraykan Ah

Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Gobolka Saahil ee Afrika Ambassador J. Peter Pham, ayaa Magaalada Washington ee Caasimadda Maraykanka kulan kula qaatay Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud.

Ambassador J. Peter Pham oo inta badan ka hadla arrimaha khuseeya Qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland iyo siday Somaliland xaq ugu leedahay inay Beesha Caalamku aqoonsato, ayaa halkaa kulan soo dhaweyn ah kula yeeshay Weftiga ka socda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ambassador J. Peter Pham oo barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku baahiyey qoraal, ka dib kulanka uu la yeeshay Weftiga Somaliland wuxuu yidhi  "Waan ku faraxsanahay inaan la kulmo wefti Jamhuuriyadda Somaliland ah oo booqasho ku jooga Washington, kuwaaso oo ay ku jiraan Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Ciise Kayd, Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Edna Aadan & Wakiilka Somaliland ee Maraykanka.”

Peter Pham wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland uu la daahay Aqoonsi uu siiyo Somaliland "Caalamku wuu ka daahay in la aqoonsado xaqiiqada madax-banaanida & dimuqraadiyadda Somaliland.” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale, isla Magaalada Washington waxa Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Weftigiisa ku qaabilay Safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Dalalka Gini iyo Itoobiya Tibor Nagy.

Tibor Nagy wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmay Wasiirka cusub ee Arrimaha dibedda Somaliland, isagoo u rejeeyay inuu ku guulaysto dedaalladiisa aqoonsi raadinta ah.

Waxa kale oo uu diblumaasigani sheegay in Somaliland tahay meesha keliya ee xilligan uu War wanaagsan ka yimaaddo, marka la eegayo Afrika.

 


Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO