Saturday November 27th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Safar Ku Maraaya Deegaanada Abaartu Halakaysay Ee Ku Teedsan Xuduuda U Dhaxaysa Somaliland iyo Itobiya

0
Tuesday November 23, 2021 - 09:51:28 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Safar Ku Maraaya Deegaanada Abaartu Halakaysay Ee Ku Teedsan Xuduuda U Dhaxaysa Somaliland iyo Itobiya

    Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Safar Ku Maraaya Deegaanada Abaartu Halakaysay Ee Ku Teedsan Xuduuda U Dhaxaysa Somaliland iyo Itobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Safar Ku Maraaya Deegaanada Abaartu Halakaysay Ee Ku Teedsan Xuduuda U Dhaxaysa Somaliland iyo Itobiya
Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Cabdilaahi Ibraahim Nafaqo ayaa maalintii labaad oo xidhiidh ah ku guda jira safar dheer oo u jeedkiisu yahay xaal ogaalka bulshada dad iyo duunyo ee ku dhaqan degmooyinka ku teedsan xuduudka somaliland iyo Ethiopia ee dhanka hawdka gobolka togdheer.

Safarka oo ay qayb ka yihiin Maayir ku xigeenka Degmada Burco Mukhtaar Cabdi Maxamuud Baaryare iyo Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Togdheer Gaashaanle Sare Maxamed Faarax  qayb ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco, Isuduwayaasha Laamaha dawladda ee Gobolka Togdheer Saraakiil ka socday  7 ka mid ah Haayadaha ka hawl gala Gobolka Ayaa Cagta dhigay maalintii koowaad ee Safarkaasi Degmooyinka Masalaha Gorad, Waraabeeye iyo Duruqsi iyo deegaano tiro badan oo hoos yimaada Degmooyinkaasi.


Badhasaabka iyo weftida ayaa xadhiga ka jarayey mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey degmooyinkaasi sido kale haayadaha ayaa samaynayey xog ururin gaar ah , waxaana wefti habeenkii xalay ku hoyatay Degmada faca weyn ee Xaaji Xasan Geele ( Balidhiig) Halkaasi oo saaka laga amba qaaday Socodka maalinta 2aad Ee safarka weftida xaal ogaalka ah.

Waxa xusid mudan in meelahasi kala duwan ee weftidu soo martay ay ja jirto baahiyo kala duwan oo baad iyo biyo ah, waxaana meelaha qaar ka socda biyo dhaamis xoog badan , bulshada ayaa inta ugu badan ka cabanaysa xaalada biyo la'aanta ee soo foodsaartay , waxaana masuuliyiintu balan qaadayeen inay ka jawaabayaan baaqa iyo baahida bulshadaasi.

Maxamed Moto.
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO