Saturday January 22nd, 2022
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Xaaladda Ethiopia xaggee ayay hadda maraysaa?

0
Friday November 26, 2021 - 17:44:34 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladda Ethiopia xaggee ayay hadda maraysaa?

    Xaaladda Ethiopia xaggee ayay hadda maraysaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda Ethiopia xaggee ayay hadda maraysaa?
1. Xukuumadda Raysal-wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa taageero dhaqaale u heshay dagaalka uu hadda jiida hore ku tagay, isaga oo Ruushka ka helay taageero dhaqaale iyo mid ciidan ba. Sababta ugu badan ee uu dagaalka uga joodsaday ayaa ahayd innuu dhaqaale u waayay dagaalka oo dhaqaalihii Ethiopia hoos dhac wayni ku yimid, iyadda oo uu saameeyay xannuunka Covid-19 iyo dagaalka Waqooyiga Ethiopia.

2. Xadka Ethiopia ay la leedahay Suudaan ayay xukuumadda Dr. Abiy aad u adkaysay si aanay TPLF uga helin taageero Ciidan iyo mid dhaqaale oo uu Maraykanku Suudaan u soo marinayo TPLF. Haddii Ciidanka dawladda dhaxe ee Ethiopia ee jooga xuduudka Ethiopia iyo Suudaan ay difaac adag galaan, waa u dhabar jab TPLF.


3. Amxaaradda oo dagaalka Dr. Abiy ku qaaday TPLF dabada ka riixaysay oo colaad soo jireeni kala dhaxeeyo Tigreega ayaa tirsanaysa in dagaalkii qoomiyadihii Ethiopia uga fadhiisteen, oo deegaankoodii Amxaaradda sidda magaalooyinka Dessie, Combolcha, Woldia iyo qaybo kamida Galbeedka Gobolka Shewa oo TPLF weerar ku soo qaaday.

4. Madaxwaynaha Eriteria, Isaias Afwerki ayaa isna taageero dhaqaale uga raadiyay xukuumadda Dr. Abiy wadamada uu xulufada la yahay isaga oo kulamo badan ugu safray wadamo badan. Siddoo kale Afwerki ayaa xuduudka uu la leeyahay Ethiopia - deegaanka Tigreega ciidamadii ugu badnaa keenay tan iyo intii Raysal-wasaaruhu jiida hore tagay.

Waxa qoray Zakaria Ahmed
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO