Saturday January 22nd, 2022
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

SIDEE AY U JIRI KARTAA UMAD MAALIN WALBA IN KA BADAN BOQOL COD BAAHIYE WAX LOOGA SHEEGAYAA ?

0
Wednesday December 15, 2021 - 20:23:18 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIDEE AY U JIRI KARTAA UMAD MAALIN WALBA IN KA BADAN BOQOL COD BAAHIYE WAX LOOGA SHEEGAYAA ?

    SIDEE AY U JIRI KARTAA UMAD MAALIN WALBA IN KA BADAN BOQOL COD BAAHIYE WAX LOOGA SHEEGAYAA ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SIDEE AY U JIRI KARTAA UMAD MAALIN WALBA IN KA BADAN BOQOL COD BAAHIYE WAX LOOGA SHEEGAYAA ? SIDEE AY U JIRI KARTAA UMAD MAALIN WALBA IN KA BADAN BOQOL COD BAAHIYE WAX LOOGA SHEEGAYAA ?


" Nin baa kor u kaadjay markaasaa la yidhi waar maxaa ku helay markaasuu yidhi waxa aanu nahay duul culimo qastay "

Haddaba waxa isweydiin leh dal dawlad leh oo dastuur leh iyo calan ay ku heshiiyeen in ay ku hoos noolaadaan oo ay yeeshaan hab maamul oo kala dambayn leh oo haddana maalin walba in ka badan boqol cod baahiye ( microphone ) wax looga sheegayaa sidee ay u jiri kartaa ?


Kaalinta dawladu ay ku leedahay bulshada hanuuninteeda iyo wacyigalinteedu intee ay leeg tahay? Maxaa sababay in dawladnimada lagaga kalsoonaado wadaad qaraamaad carbeed u soo dhacaan oo masaajid maalinba mawduuc ka soo dhex akhriya ?

Sida la Isla qirsan yahay qofwaliba oo wax sheegaya ama wax dhigaya ama umad soo hor istaagay waxa uu wado kama madhna in uu fekerkiisa iyo sida uu wax u rabo uu dadka ugu soo gudbiyo , sidoo kale waxa islaamku markii uu arimahani hore ugu maaro waayey sameystay in la Isla qaato waxii lagu kala duwan yahay waxa inta badan culimada islaamku Isla qabaan.

Waxa kale oo aynu ka warqabnaa in wadaadka jooga yoolkiisu yahay in uu talada umada qabsado ama si uun saameyn ugu yeesho isaga oo wax ku raba kitaabkii iyo axaadiistii lawada lahaa ee umada u dhexda ahaa in loogu habrado oo uu dadka kaga fadilnaado.

Waxa aynu ognahay in ay ina dhex socdaan afkaaro siyaasadeed oo dalal kale leeyihiin sidoo kale ay jiraan afkaaro xagjirnimo oo dadkii loo kala saarayo in xun iyo in wanaagsan oo xisaabtii Alle aad moodo in ifka loo soo saaray.

Waxa laga yaabaa in aad is leedahay muxuu ninkani wadaadada ku haystaa wax badan oo kale oo qaldan ayaa jira e , waa run laakiin cida ugu badan ee umada saameynta iyo wax sheega ku leh waa wadaadka oo marka ay ugu yar tahay maalintii aad hal wacdi ka dhageysato ama ilmahaaga wax u soo dhiga ama adiguba aad wax ka baratid, waxa ugu badan ee inaga qaloocan ayey qayb ka yihiin.

Hadii culimadu rabaan in ay umada hogaamiyaan siyaasada ha soo galaan oo kaalintooda ha ka ciyaaraan , hadii kale wax isweydiin u baahan umad ay ku socdaan boqolaal cod baahiye oo kala wada afkaar aragti iyo ra'yi duwani maalinwalba oo wax looga sheegayaa sida ay u sii jiri karto.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO