Saturday January 22nd, 2022
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

0
Monday December 20, 2021 - 22:11:00 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax walba oo olole guud lagu qaadaa wuu hirgalaa , tusaale waxa aynu xoojinay soddonkii sanadood ee la soo dhaafay in aynu dedaal badan galino aqoonta iyo waxbarashada waxaa maanta jirta in miyi iyo magaalo ay suuragal tahay 78% in guri walba laga heli karo qof wax akhriya waxna qori kara.

Sidaasi oo kale sanadihii ugu dambeeyay waxaa olole iyo is abaabul lagu galay in xooga la saaro qorista buugaagta si umaddani u hesho dhaxal waara oo taariikheed , aqooneed , ilbaxnimo , nololeed iyo waayo aragnimo ugu dhigmaan.


Qoristii iyo soo bandhigistii buugaagta waxa ka abuurmay in uu xoogeystay wax akhriskii oo marka buugaagta la qorey ama la turjumey ee la soo bandhigayaa sii badato ba waxii sii badanaya in dadku wax akhriska jeclaadaan oo wacyigii wax akhriskuna aad u kordhay.

Hadii wax akhrisku sii bato iyo la saaxiibka buugaagtu waxa sii kordhaya in garaadka bulshada iyo hab fekerkoogu kor u kaco , la helo maskax maal faro badan oo maanka tuujiya , la helo dad ku baraarugsan oo og waayihii ay soo mareen , la helo dad soo qoda aqoonta iyo waayo aragnimada ku keydsan geyigani oo xambaarsan saqaafad weyn.

Waxaa aynu u baahanahay haddaba in aynu olole ku qaadno in magaalo walba ay yeelato ugu yaraan sadex goobood oo wax akhris oo guud marka laga reebo goobaha dugsiyada iyo jaamacadaha ee wax akhriska , magaalooyinka waaweyn iyo Caasimada kama maarmayaan in degmo kastaa ay hesho ugu yaraan sadex goobood oo wax lagu akhristo (public libraries) ugu badnaana ilaa inta la awoodo in la gaadhsiiyo.

Yoolkeena tobanka sanadood ee soo socdaa waa in uu noqdaa in guri walba uu yeesho meel wax lagu akhristo oo ay buugaagi taallo inta ay doonto ha leekaato e , waynu awoodnaa in aynu gaadhsiino , umad walibana aqoonteedu waa inta ay wax akhrido , waxaana curinta iyo qoraalkoogu kordhaa inta ay xog iyo aqoon hayaan dadkoogu.

Qofwaliba oo wax akhriyi karaa waxaa haboon in uu sanadkii ku taamo in uu buugaag badan akhristo oo uu u sameysto jadwal ( timetable ) bille , todobaadle ilaa maalinle ah , waxaa nolosheena iska badeli doona wax weyn waxaana aynu sameyn doonaa horumar weyn oo fekri ah oo laga faaiideysto.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO