Saturday January 22nd, 2022
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

GUNDHIGA AASAASIGA AH EE CASHUURAHA

0
Friday December 31, 2021 - 15:38:21 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GUNDHIGA AASAASIGA AH EE CASHUURAHA

    GUNDHIGA AASAASIGA AH EE CASHUURAHA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GUNDHIGA AASAASIGA AH EE CASHUURAHA
1. Waa maxay Cashuur?
Cashuurtu waa lacag bixin waajib iyo khasab ah oo dawladdi qaado. Abuur ahaanna waa culeeys
bulshada la kulanto. Si kaste oo ay culeeys u tahay, hadana waa dhiigga dawladdu ku shaqeeyso,
oo cashuur la’aanteed dawladdi tamarin maayso. Sidaa-darteed, sida dhimashada loogu
xukumanyahay, ayaa inta nidaam dawladeed jirana cashuurta loogu wada xukumanyahay.
2. Waa maxay sababta cashuurta loo qaado?
Si fudud, dadku waxay cashuurta u bixiyaan si loogu xalliyo mushkiladdaha deegaankooga ka
jira. Dawladduna waxay cashuurta u qaadaa si ay ugu maalgaliso xalinta mushkiladdaha
bulshada. Cashuuraha qaarna sidooda ayeey mushkiladdaha bulshada u xaliyaan… In kaste oo
ujeedooyinka dawladduhu cashuurta u qaadaan badanyihiin, kuwa ugu mudanse seddexdan baa
ka mid ah;
I. Si ay dawladda u hesho dakhli – hanti lacageed, oo ay ku maamamusho, ku
socodsiiso, kuna maalgaliso maasuliyadaheega.
II. Si loo koobo kala tagsanaanta heeynta bulshada (income inequality) ama dib loogu
qaabeeyo (redistribute) heeynta bulshada, iyadoo dawladdu kuwa hantida badan iyo
kuwa lacagta badan soo gasho ku waajibinaaysa cashuur badan, kuwa heeyntoodu aanay
wanaagsaneeyna saaraaysa cashuur yar.
 Lacagtaa soo xarootay, dawladdu waxay ku maalgalisaa dhisintaanka iyo
dayactirka iskuullada, dhakhtarada, ceelasha, wadooyinka, goobaha ganacsi,
guryaha dawladda, IWM ee danguud ah. Ujeedkuna waa in dadka heeyntoodu
yartahay ay helaan adeegyo iyo wax-soosaar dawladeed oo bilaash ah ama ka
jaban kuwa gaarka ah, maadaama kuwa ladan lacagtooda ku helayaan
baahiyaadkooda.


Isla-jaanqaadka bulshadu waxa ku adkaada tiirarka dawladdu ku taagantahay.
Isla-jaanqaad la’aantuna waxay xar ku dhalisaa tiirarka dawladda haya.
III. Si loo dhimo isku dheelitirnaan la’aanta goballada ama degmooyinka: Sida caadiga
ah, waxa kira goballo ama degmooyin dhaqaalahoodu wanaagsanyahay, cashuur badana
ka soo xarooto iyo goballo ama degmooyin uu dhaqaalahoodu liito, cashuur badana
aanay ka soo xaroon. Sida darteed, si dawladdu goballada ama degmooyinka isuugu

dheelitirto, waxay kuwa dib-u-dhucu ka jiro si gaar ah uga taageertaa bixinta iyo
joogteeynta adeegyada dawliga ah iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, si aanay uga dib
dhicin horumarka guud ee dalkaa ka socda. Waxa kale oo ay dawladdu kuwa
dhaqaalahoodu liito u sameeysaa kharashaad cashuureedyo (tax expenditures) u gooni ah
– cashuur dhimis iyo cashuur dhaafyo, ilaa heer ganacsiga iyo dhaqaalaha degmoyinkaasi
soo kobcayo.
 Tusaale: Gobalada bariga (sool iyo sanaag) miisaaniyadda waxa ugu jirta 2%
iyaga u gaar ah oo loogu talo gallay horumarinta gobaladaa. Waxa kale oo jirta in
degmooyin gobaladaa ka tirsan aan wax cashuur ah laga qaadin, qaarkoodna
cashuurta laga khafiifiyo.

Kharashaadka Cashuureed (tax expenditures) marka wax lagu xalinayo, miisaaniyadda iyo
dawladnimadaba waxay uga dhigantahay kharashaad ama lacag loo qeeybinayo bulshada,
maadaama cashuurta la dhimay iyo ta la dhaafay ay tahay lacag waajib aheeyd, balse qofka

jeebadiisa loogu hakiyey.
3. Maxaa dadka ku riixa in ay cashuurta bixiyaan?
Sidaan hore u sheegnay cashuurtu abuur ahaan waa culeeys. Qof katena wuu jeclyahay in laga
dhimo ama laga dhaafo cashuurta ku waajibtay. Sidaas oo ay tahay, hadana waxa jira dhawr
talaabo oo hadii ay dawladdu qaaddo, dadku ku qancaan culeeys kaste oo ay cashuurtu leedahay.
Talaabooyinkaas waxa ka mid ah:
 In bulshada iyo hantidoodaba loo cashuura si ka turjumeeysa dakhligooda iyo
qiimaha hantidooda, oo aan qiime (value) iyo xadi (rate) isku mid ah laga qaadin,
bedelkeedase qof kaste ama ganacsi kaste laga qaadayo qiime iyo xadi miisaan ahaan u
dhigma dakhligiisa iyo hantidiisa. Iyadoo laga duulayo awooda bixinta.
 In cashuurta lagu celiyo bulshada, iyada oo mashaariic iyo adeegyo cusub loogu soo
kordhinayo. Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in dayactir, dib-u-habeeyn iyo horumarin
lala daba joogo kuwii hore iyo kuwa cusubba, si bulshadu u dareento waxtarka lacagta ay
bixiyaan.
 In la keydiyo in ka mid ah cashuurta soo xaroota. Si marka dhibaatooyin dhacaan ama
baahiyo degdeg ahi soo baxaan loo isticmaalo keeydkii la hayay. Ujeedkuna waa in aan
bulshada markaste loo baahan.
Talaabooyinkan kor ku xusan waxay ku suurta galayaan;

 Marka la casriyeeyo, lana tayeeyo nidaamka cashuur-qaadista, iyadoo la abuurayo hanaan
cashuur-qaadis oo daah-furan ama ban-yaal ah. Waana in qof kaste ama ganacsi kasteba
saadaalin karo, garana karo cashuurta ku waajibaaysa.
 Marka meesha laga saaro kharashaadka dawladda ee aan muhiimadda badan laheeyn,
lagana maarmi karo, kuwa muhiimka ahna in sida ugu macquulsan loo kharash-gareeyo.
 Marka ay jirto masuuliyad dawladeed oo bulshadu la xisaabtanto, taasi oo bulshada u
sharaxda meel-kaste oo shilinkoodu ku dhacay ama waxa loo qoondeeyey. Marka
qorshaha ama odoroska la sameeynayana waa in bulshadu qeeyb ka ahaataa ama lala
socodsiiyaa sida loo isticmaali doonno cashuurta ay soo xareeynayaan.
4. Qeeybaha Cashuuraha
Cashuuruhu waxay u kala baxaan labo qeeybood, Cashuuraha Toosan (direct tax) iyo
Cashuuraha Dadban (indirect tax), qeeyb kastena waxay ka koobantahay dhawr nooc oo
cashuura ah. Guud ahaantoodse waxa loo kala saaraa seddex kooxood:
I. Cashuuraha ku dhaca dakhliga iyo kharashaadka.
II. Cashuuraha ku dhaca hantida iyo kala wareejinta hantinda.
III. Cashuuraha ku dhaca Alaabta iyo Adeegga.
Kooxda koowaad iyo kooxda labaad waxa lagu soocaa Cashuuraha Toosan, kooxda seddexaadna
waxa lagu soocaa Cashuuraha Dadban.
B. Cashuuraha Toosan: cashuurahani waxay si toos ugu waajibaan cashuur-bixiyaha,
culeeyskooduna bulshada uma gudbo. Cashuurahan waxay ku dhacaan dakhliga, kharashaadka
iyo hantida, waxayna waajibaan marka dakhliga ama hantidu soo gasho gacanta qofka. Waxana
ka mid ah; Cashuurta Mushaharka (payroll tax); Cashuurta Macaashka ama Dakhliga
Ganacsiga iyo Daaraha (bussiness/profit/income tax); Cashuurta Macaashka Shirkaddaha
Waaweyn (corporate tax); Cashuurta Ardiyada –dhismaha iyo dhulka– (property tax);
Cashuurta Kiradda daarta/dhulka (rental tax); Cashuurta Wado-marista (Road Tax); iyo
Cashuurta Kala-warejinta Hantida –marka iibku dhaco– (transfer tax). Marka laga reebo
Cashuurta Kala-wareejinta, cashuuraha kale waa kuwa xiliyeeysan. Tusaale: sanadle, bile, IWM.
T. Cashuuraha Dadban: Cashuurahani waxay si dadban ugu dhacaan ganacsatada, oo iyaga
ayaay saarantahay masuuliyadda bixinta ama soo xareeynta cashuurtu. Balse culeeyska cashuurta
waxay u gudbiyaan bulshada, waxayna saaraan adeegga iyo alaabta ay iibinayaan oo qofka ugu

danbeeya ee alaabta ama adeegga u iibsanaya in uu isticmaalo ayaa bixiya cashuurta.
Cashuurahan waxay waajibaan intaan alaabta/adeeggu gacanta cashuur-bixiyaha gallin. Waxana
ka mid ah:
 Cashuurta Kastamka/Furdada (customs duty): Waa cashuurta ku dhacda alaabaha iyo
adeegyada soo gallaya ama ka baxaya dalka. Cashuurtan waxa bixiya qofka/meherada
alaabta/adeegga dalka keena, dabadeed lacagta cashuurta wuxu ku darsadaa kharashka ka
baxay, markaas buu qimaha uu ka macaashayana saartaa, dabadeedna dadka ka iibiyaa.
Sidaas awgeed, culeeyska cashuurtani waxay kortaa oo bixiya qof kaste oo alaabtaa ama
adeeggaa iibsada.
 Cashuurta Isticmaalka (consumption tax):
 Cashuurta Iibka: waxay waajibtaa marka qofku alaab ama adeeg iibsanaayso
––Cashuurta Gadista (sales tax); Cashuurta Iibka Alaabaha iyo Adeega (goods
and service tax GST); Cashuurta Qiime Koradhka (value added tax VAT)––
Culeeyska cashuurtani wuxu u gudbaa oo bixiya qofka alaabta/adeegga iibsnaya.
Qof iibinayana wuxu ka masuul yahay in uu iibkaste oo uu sameeyo cashuurta
saaro, isagaana dawladda u qabta, una xereeya.
 "Excise Tax” waa cashuur la saaro alaabaha iyo adeegyada dhibaatada ku ah
bulshada ama deegaanka, si loo yareeyo ama bulshada looga niyad jabiyo
isticmaalka alaabtaas ama adeegaas. Waxa kale oo cashuurtan la saaraa alaabaha
qaaliga ah, kuwaas oo qiime kaste oo la siiyo dalabkiisu aanu is bedellin.
[Tusaale: tigidhka diyaaradaha]. Culeeyska cashuurtanina wuxu u gudbaa oo
bixiya bulashada isticmaalaaysa.
 Cashuurta Masuuliyadda Dheeriga ah (Exteneded Producer Responsibility
"EPR Tax”). Cashuurtani waa hawl-gal siyaasi ah (policy approach) oo lagu
dabaqo warshaddaha dalka iyo ganacsatada alaabaha soo dhoofisa. Cashuurtan
waxa lagu waajibiyaa "alaabaha” warshadduhu soo saaraan ama ganacsatadu soo
dhoofiso, kuwaas oo hadhaagoodu aanu faa’ido danbe u laheeyn bulshada,
deegaankana dhibaato ku abuurayo. Lacagta cashuurtan ka soo xarootana,
dawladdu waxay u qoondeeysaa maareeynta iyo tirtirida khasinkaas. Hadii ay
dalka ka jirto warshad dib u sanceeysa (recycling) hadhaagaas, lacagta
cashuurtaas ka soo xaroota waxa loo qoondeeyaa in la siiyo cida soo ururisa

hadhaaga ee warshadda geysa. Culeeysku cashuurtanina wuxu u gudbayaa oo
bixiya bulashada isticmaasha alaabtaas.
 Cashuurta Moorka ama "Tastiiqinta” (stamp duty): asalkeedu waxay ka
timiday shaanbad lagu xaqiijinayo ama sharciyeeynaaysa saxnimada qaansheegta
wax lagu kala iibsaday ama lacagta lagu bixiyey. Qofka wax iibsanaya ama
lacagta bixinaya ayeeyna kortaa.
5. Cashuurta Kastamka iyo Cashuuraha Berriga.
 Cashuurta kastamka: cashuurtan eray aqooneedkeedu waa Waajibka Kastamka
(customs duty), waxayna ku waajibtaa alaabta xuduudaha dalka ka soo gasha ama ka
baxaysa. Alaab dalka gudihiisa taala kuma waajibto. Si guud, waxa laga soo
dhiraandhiriyaa kharashaadka ku soo baxay alaabta ilaa inta dalka la keenayay, oo ku
cad qaansheegaha ganacsiga (commercial invoice) ee qofku wato, taasi oo ka dhigan
qiimaha (value) alaabtaasi taagantahay, dabeedna waxa lagu dhuftaa, xadiga (rate)
dalkaasi u qoondeeyey in alaabtaa laga cashuuro. Dabeed maxsuulka soo baxa ayaa la
yidhaa Waajibka Kastamka (customs duty). ––Somaliland, maadaama ganacsatadu
aanay keenin qaansheegtooda ganacsi (commercial invoice), qiimaha (value) shayga iyo
xaddiga (rate) laga cashuurayaba waxa ay ku yaalaan buugga tacriifadda––
 Cashuuraha Tooska ah: dhamaantood waa Cashuuro Barri. Waxayna ku waajibaan
dakhli, hanti ama kharash dalka gudihiisa yaala.
 Cashuuraha isticmaalka (consuption taxes): sida caadiga ah, waxay waajibaan marka
alaabta dalka gudihiisa soo gasho. Sidaa darteed waa Cashuuro Barri. Balse way dhici
kartaa in ay dhabarka laga saaro (piggybacking), cashuurta waajibka kastamka, iyaguse
si iskood ah uguma dhacaan alaabta kastamka soo galaysa am aka baxaysaa, ilaa ay
dusha ka koraan waajibka kastamka mooyaane. Sidaa darteed, maadaama ay isticmaalka
shayga ku waajibayaan asalkoodii waxba iska beddeli maayaan, ee Cashuuro Barri uun
bay ahaanayaan.
Intaa waxa dheer oo iyaduna jirta cashuur la yidhaa "Cashuurta Dheeriga ah” (sur tax),
cashuurtan waxa la waajibiyaa marka dalka dhaqaalihiisa hoos u dhac ku yimaado iyo marka
xaaladdo dabiici ah ama dagaallo ku soo noqnoqdaan dalka, si looga hortago in dheeli ku
yimaado miisaaniyadda dalka. Cashuurtan marka la waajibinayo waxa loo xanbaariyaa
(piggypacking) maxsuulka cashuurta lagu rarayo/marayo, iyadoo loo eegayo in dakhli badan ka

dhalan-karo iyo in aanay culeeys aad ah ku kordhineeyn bulshada inteeda badan. Markaa,
qeeybta ay cashuurtani ku biiraayso waxay ku xidhantahay hadba cashuurta loo xambaariyo.
F.G: dhamaan Cashuuraha Dawladdaha hoose waxay xisaabsanyihiin Cashuuro Barri.

6. Culeeyska Cashuurtu, ma Dadka Ladan ayuu ku Badanyahay mise kuwa Heeyntoodu
Hooseeyso? Si aynu tan u ogaano, waxaynu labada qeeybood ee cashuuraha ku dabaqaaynaa
nidaamyada cashuuraha (tax systems).
 Marka la jooggo Cashuuraha Toosan;
B. Dalalka isticmaala nidaamka xaddiga cashuurta laga simanyahay (flat tax rate) –Somaliland–
sida loo kala dakhli iyo hanti badanyahay waa loo kala cashuur badanayaa. Laakiinse, culeeyska
waxa aad u dareemaya dadka heyntoodu yartahay iyo kuwa dakhligoodu hooseeyo. Sababtuna
waxa weeyi, marka la isku eego hantida ama dakhliga iyo cashuurta ka go’aaysa iyo awooda
bixinta lacagta. Tusaale: hadii xadiga cashuurtu yahay 10%; qofka musharkiisu $100 yahay,
waxa ku waajibaya $10; ka uu $500 yahayna, $50 baa ku waajibaya; ka $1000 qaatana, $100
baa ku waajibaya.
T. Hadii dalku isticmaallo nidaam cashuureedka ah, in xaddiga cashuurtu la kordho dakhliga
(progressive tax rate), culeeyska cashuurtuna wuxu u kordhayaa sida loo kala dakhli badanyahay.
Dareenka culeeyska cashuurtana waa laga sinaanayaa. Tusaale: dadka musharkoodu u dhaxeeyo
$100–$599, xadiga cashuurtoodu wuxu noqonayaa 5%. Kuwa $600 – $1,099 qaatana,
xadigoodu 8% buu noqonayaa. Kuwa $1,100 – $2000 la siiyana, xadigoodu wuxu noqonayaa
10%.
J. Hadii dalku isticmaallo nidaam cashuureedka ah, in sida loo kala dakhli badanyahay, xadiga
cashuurtana loo kala yaryahay (regressive tax rate), culeeyska cashuurta cida uu ku badanayo
waxay ku xidhnaanaaysa faraqa u dhaxeeynaya xaddiga cashuurta ee mid kaste la saarayo.
Tusaale: hadii shirkad X macaashtay 10 milyan, xaddiga cashuurta la saarayona yahay 10%,
cashuurta ku waajibaaysaa waa 1 milyan. Hadii shirkad kalena macaashto 100 milyan, xaddiga
cashuurtuna yahay 5%, cashuurtu ku waajibaaysaa waa 5 milyan, laakiin hadii xaddiga 1%

laga dhigo, cashuurtu waxay noqon 1 milyan. Sidaa darteed, culeeyska cashuurta shirkaddaha
wuu isleekaanayaa.
 Nidaam cashuureedkan inta badan waxa loo adeegsadaa Cashuurta Macaashka ee
Shirkaddaha Waaweeyn (corporate tax), marka la rabo in shirkaddaha waaweeyn ka
qeeyb-qaataan koradhinta dakhliga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Waana nidaam
siyaasadeed lagu kordhiyo shaqo-abuurka iyo wax-soosaarka dalkaas; shirkaddaha
waaweeyn lacagta uga baaqata cashuurta, maalgalin cusub ayeey ku sameeyaan.
Cashuurta ka soo xaroon doonta shaqaalaha, wax-soosaarka iyo macaashka cusub ee
shirkadduhu wuxu dawladda u bedelaa cashuurtii shirkaddaha laga dhimay, mararka
qaarna cashuur ka badan tii la dhimay baa ka soo baxda.
 Marka la jooggo Cashuuraha dadban:
Madaama cashuuraha dadban ku dhacaan qof kaste oo wax iibsanaya, hadaba marka isku
miisaamo heeynta (income) iyo awoodda lacag bixinta ama awoodda wax iibsiga (purchasing
power) ee bulshada, dadka heeyntoodu yartahay ayaa culeeyska cashuuraha dadban kaga dareen
badan kuwa ladan, sababta oo ah alaabta/adeegga qiime isku mid ah bay suuqa kaga helaan, oo
loo eegi maayo heeynta qofka wax iibsanaya. Sidaa-darteed, dadka dakhligoodu yaryahay ayaa
aad u dareema culeeyska cashuuraha dadban.

GUNDHIGA AASAASIGA AH EE MAAMULKA MAALIYADDA DAWLADDA
Lacagta laga bixiyo ama laga maalgaliyo shaqooyinka dawladdu qabato ayaa la yidhaa
Maaliyadda Dawladda. Maaliyadda dawladduna waxay ka koobantahay dakhli (revenue) la soo
xareeyo iyo kharash (expenditure) la bixiyo, kuwaas oo sees u ah Miisaaniyadda Dawladda oo
iyadu ah ‘Maaliyad Mudaaysan’.
Dakhligu waa isku-darka lacagaha u soo xarooda dawladda. Lacagahaas waxa ugu muhiimsan
kuwa ay dawladdu qaado oo ay ugu mudantahay cashuurtu. Lacagaha kale ee ay dawladdu
qaadana wax aka mid ah, khidmadda/lacagta qofku bixiyo si uu u helo ama u isticmaalo adeeg,
alaab ama wax-soosaar dawladdu leedahay (fee/user charge); lacagta qofku bixiyo si loo siiyo
shati uu ku hawl-gallo (licence fee); lacagaha ka soo xarooda ganaaxyada, ciqaabaha iyo

takhsiiraha dawladdu jideeyso (fines and penalties). Intaa waxa dheer oo dakhliga dawladda ka
mid ah; lacagaha lagu caawiyo, kuwa la siiyo, kuwa ay deynsato ama la deymiyo; daabicidda
lacagta cusub ee dawladda; iyo lacagaha ka soo xarooda hantida dawladda ee la iibiyo.
Kharashkuna waa habka ay dawladdu u bixiso ama u isticmaasho dakhligeega, iyada oo ku
maareeynaaysa masuuliyadaheega. Kharashaadka dawladdu gasho ama bixisana waxa loo
qeeybiyaa labo qeybood oo waaweeyn;
1. Kharashaad joogtada ah ee soo noqnoqda (recurrent expenditure). Waa kharashaadka
ku baxa maamulidda iyo hawl-socodsiinta shaqada dawladda. Waxana ka mid ah;
kharashaadka shaqaalaha (mushaharka, gunada, dhiirigalinta, habeen dhaxyada, IWM)
Kharashaadka xafiisyada (iibsashada iyo dayactirka aqabka iyo alaabta, bixinta
kirooyinka iyo adeegyada la isticmaalo, IWM) Kharashaadka gaadiidka (shidaalka,
dayactirka iyo iibsashada gaadiidka). Kharashaadka dawladda dhexe u gudbiso (transfer)
dawladdaha hoose ama kuwa dawladdaha hoose u gudbiyaan deegaanada hoos yimaada
degmadooda. Dawladdaha badankoodu kharashaadkan waxay ka bixiyaan lacagaha ay
qaadaan.
2. Kharashaadka aan jogtada aheeyn. Waa kharashaadka loo qoondeeyo maalgalinta
mashaariicda horumarinta (capital expenditure), sida: dayactirka iyo dhisida kaabayaasha
dhaqaalaha (goobaha waxbarashada iyo caafimaadka, ceelasha biyaha, wadooyinka,
dekaddaha, IWM), maalgalinta wax-soosaarka (beeraha, macdanta, shidaalka,
warshadaha, IWM) maalgalinta adeegyada (Korantada/laydhka, isgaadhsiinta, IWM).
Kharashaadka aan joogtada aheeyn waxa kale oo ka mid ah: bixinta deeymaha, kharashka
mareeynta masibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga aheeyn. Dawladdaha
badankoodu kaharshaadka aan joogtada aheeyn waxay ka bixiyaan dakhliga ka soo hadha
lacaga ay qaadaan, deeymaha la siiyo ama ay deeynsadaan, lacagaha lagu caawiyo iyo
hantida dawladda ee la iibiyo.

Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim
Email: cabdiraxmanmid@gmail.com
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO