Saturday January 22nd, 2022
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Ogaysiis Muhiima Oo Ku Saabsan, Wakhtiga ay Ku Beegan Tahay Xuska Siyaaradda Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn (Aw Barkhadle)

0
Friday December 31, 2021 - 15:42:24 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ogaysiis Muhiima Oo Ku Saabsan, Wakhtiga ay Ku Beegan Tahay Xuska Siyaaradda Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn (Aw Barkhadle)

    Ogaysiis Muhiima Oo Ku Saabsan, Wakhtiga ay Ku Beegan Tahay Xuska Siyaaradda Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn (Aw Barkhadle)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ogaysiis Muhiima Oo Ku Saabsan, Wakhtiga ay Ku Beegan Tahay Xuska Siyaaradda Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn (Aw Barkhadle)

Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabbinta Xafladaha & Xusaska Diiniga ah ee (Jimciyatul Axbaab) ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey wakhtiga ay ku began tahay Xuska Munaasibada Siyaarada Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn, Aw-barkhadle oo ku began19 bisha Jamaadul Awal 1443oo waafaqsan habeenka Jimcaha ee Taariikhda miilaadiga ahina tahay24 December 2021.

War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta guud ee Jimciyatul Axbaab ee Hargeysa oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

 

WAR-SAXAAFADEED

Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabbinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga ah ee (Jimciyatul Axbaab), oo ah jimciyad khayriya oo xarunteeda guud tahay caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxa ay Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ogaysiinaysaa isla-markaasina ku boorinay-saa in ay u diyaar-garoobaan xuska munaasibada Siyaarada Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn, Aw-barkhadle oo ku began habeenka Jimcaha ee19 bisha Jamaadul Awal 1443oo waafaqsan habeenka Jimcaha ee Taariikhda miilaadiga ahina tahay,24 December 2021

Siyaarada Sheekha ayaa waxaa lagu qaban-doonaa sidii awal-ba caadada ahayd Qudbiga Sheekha ee deegaanka Aw-Barkhadle oo 30-km dhinaca bari ka xiga caasimada Hargeysa, kaasi oo sanad walba si joogta ah loogu qabto xuskani sheekha oo loo yaqaano Jimce Barkhadle.

Hadaba Jimciyatul Axbaab waxa ay kugu baraarujinaysaa isla markaana kugu boorinaysaa inaad kasoo qayb-gashid xuska Siyaarada Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn (Aw-Barkhadle) oo ahaa macalinkii diinta ina soo-gaadhsii

 

Alla Mahadleh

 

 

Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi X.Cilmi Nuur

 

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab


Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO