Saturday January 22nd, 2022
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

"Waa Maxay Fursada Maxamuud Xaashi ugu jirta Furista Ururada Siyaasadda".

0
Friday December 31, 2021 - 15:43:46 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa Maxay Fursada Maxamuud Xaashi ugu jirta Furista Ururada Siyaasadda".

    "Waa Maxay Fursada Maxamuud Xaashi ugu jirta Furista Ururada Siyaasadda".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa Maxay Fursada Maxamuud Xaashi ugu jirta Furista Ururada Siyaasadda".
Dad badan ayaa is waydiinaya maxaa Maxamuud Xaashi u tageersanyahay furista ururadda siyaasadda.?. isaga oo Madaxwayne Biixi ay colaad siyaasaddeed ka dhaxayso, uuna Garsoore ka yahay tartanka oo waliba uu magaacaabi doono Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasadda, halkaas oo loo arko kadhad ama dabin lagu reebi doono siyaasi kasta oo xukuumadu diidantahay, Maxamuud Xaashina kamid yahay.

Haddaba hadii uu dhaqan-gal noqdo xeerka furista ururada siyaasadda ee khilaafku ka taaganyahay, waxaa isaguna hirgalidoona wax ka badalka Gudida furista ururada siyaaasadda oo uu hadda Madaxwaynuhu magacaabo dhamaantood xubanahaas Gudida Diwaangalinta, kaas oo loo arko arrin ceeb ku ah daah-furnaanta Doorashadda ururada oo ah in Madaxwayne tartan xisbigiisu ku jiraa uu magacaabo isla gudidii ka garsooraysay tartankaasi. Arragtidaas waxa qaba inta badan Xildhibaanadda Gollaha wakiilada ah ,waxaana gudidaasi noqon doontaa gudi losoo xulo sida gudida Doorashooyinka Somaliland oo ay si wada jira u magacabaan xubnahooda, Golaha Barlamaanka (Wakiilada&Guurtida),Asxaabta siyaasadda iyo Madaxwaynahu, nidaamkaas oo kale ayay noqon dontaa in lasoo xulo gudida Furista ururadda Siyaasadda waxana noqon donaan gudi u madaxbanaan sida gudida doorashooyina insha allaah .


Maxamuud Xaashi-na makala jecla iminka Madaxwayne Biixi iyo Xisbiyadda Mucaaridka ah ee wuxuu ku Go'aan qadanayaa jaaniska iyo fursadda marba u muuqata isaga iyo xildhibaanada saxiibadii ah ee ay isku aragtida yihiin-ba .

Markaa dadka is waydiinaya Maxamuud Xaashi hadii ururada la furo Madaxwayne Muuse wuxuu ku reebayaa Gudida Diwaangalinta, waa in ay dareemaan in Gudidii Diwaangalinta Ee Madaxwaynuhu soo xuli jiray ay wax iska badalayaan oo lasoo xuli doono sida Gudida Dorashooyinka ee Somaaliland.

Markaa siyaasi Xaashi marka ay noqoto in aanu jaanis ku haysan mucaaridka iyo maxaafidkaba oo kala quusteen hadda, fursad wanaagsan ayay isaga u tahay hilaadintiisa siyaasaddeed ee furista ururadda siyaasadu ,markaa cid la amakaagsan maxaa Maxamuud Xaashi ugu jira ee dan ah furista ururada siyaasadu iyaga laftigoodu intan ha dareensamadaan.

Intaas waa arragtidayda aan ka qabo Maxamuud Xaashi iyo Xildhibaanada tageersan ee Golaha Wakiiladda.


W/Q.Mustafe Axmed Maxamed Geedi.
Facebook Mustafe Ahmed Geedi
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO