Saturday January 22nd, 2022
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

QEYBTII SADAXAAD Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920

0
Friday December 31, 2021 - 15:45:00 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QEYBTII SADAXAAD Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920

    QEYBTII SADAXAAD Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QEYBTII SADAXAAD Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920

BISHII OKTOOBER 1899ayaa waxaa laogaaday in garaadku kacodsaday boqor cusmaan inuu joojiyo taageerada uu siinayo wadaadka, kadibna markii xal looheli waayay garaadka waxaa goaan lagu gaaray in garaadka ladilo, waxaana loodiray dad xigto uah, weyna dileen garaadka isagoo warmaqabe ah, taasi markey dhacday dadkii waxaa gashay dhiilo colaadeed, markaasaa sayidka iyo dariiqadiisii kaqaxeennugaalwaxeyna uqaxeen cari ogaadeen, waxeyna saldhigteenharadigeedoo ah bartamaha degmada maxamed subeyr, sifiican waa loosoo dhaweeyay sayidka , dadkiina waa heshiisiiyay, aadna waa looraacay sayidka, dadkiina wuxuu ugu dhawaaqay in gaalo lala jihaado, wixii fardo iyo hub lahayana daraawiish lookeeno.

INGIRIISKIIayaa lasoo hadlay xabashi kana codsaday wadaadkaa falaagada ah oo Daganharadigeedciidamo loodiro, deeto xabashi waxey harar kasoo direen ciidan, ciidankaasna waxey dhac iyo dil kafuliyeen degmooyin baadiyaha ah ee udhowdhagax buuriyo hareerihiisa, xoolihii ay dhaceena waxey isugu geeyeenjigjiga,sayidku markuu maqlay arintaa wuxuu isku dumay ciidan.

5/3/1900ayaa daraawiish iyo xabashidu dagaal kudhaxmaray ceelka jigjiga, waana leysku riiqmay, xabashi waxaa laga laayay in kabadan230 qofood, daraawiishna waxaa kadhintay170 qofood, dagaalkaa daraawiish waxey kusoo furatay xoolo badan iyo hub, waxeyna daraawiish kusoo noqdeen xaruuntoodii,

Sayidku waraaqobuu udiray degmooyinkii deganaa koonfurta Bari ee hargeysa isagoo uga digaya gumeysiga iyo tabihiisa caruurta kugaaleysiinaya.

DAGAALKII jigjigamarkuu dhacey ayaaboqor mililigtalo usoo jeediyay ingiriiska oo wuxuu yiri in dowlada xabashida iyo dowlada ingiriisku wadajir col uqalqaaliyaan si wadajir loola dagaalamo nimanka falaagada ah ee wadaadka waalan wato inteyan dunida qaribin.

 

SHIRQOOLKII GURDUMI, AMA KALAKICII GURDUMI

Niman magac kulahaadegaanka haradigeediyo nawaaxigeeda oo markaa saydka iyo daraawiish daganeyd, nimankaa oo udhashay ogaadeen maxamed subeyr ayaa qoonsaday sayidka iyo daraawiishtiisii, waxeyna goaan hoose kugaareen iney dilaan sayidka si gaadmo ah, ragga goaankaa gaaray waxaa kamid ahaaXASAN BIDE MAXAMED KHALAF, AXMED XASAN YUUSUF, IYO MAXAMED XASAN GEEDI,waxaase ugu dhib badnaanin laoran jiraySHIRE DHABAR JILICoo markii dambe ladilay, raggii waxey si hoose u uruursadeen ciidan xoogan,waxeyna sayidka iyo daraawiish kubalamiyeenBALIGA LAYIRAAHDO GURDUMIsiay si gaadmo ah ugu dilaan sayidka, balse markii leysugu yimidbaligii gurdumiayaa waxaa kafashilmay shirqoolkii dilka ahaa, deeto waxaa lookala saftay laba saf , dagaal lagu hoobteyna meeshii wuu kadhacey, waxaana goobtii uharay sayidka iyo daraawiishtiisii daacada uahaa

SHIRQOOLKII GURDUMI markuu fashilmay ayaa ninkamid ah raggii ugu magac dheeraa aaggaas oo laoran jirayXUSEEN XIRSI ILJEEXugalay axmaaradii wuxuuna kusoo hogaamiyay daraawiish, daraawiish intuunan colkaa soogaarin ayay kaguurtayharadigeediyo caro ogaadeen, waxeyna kunoqdeenNUGAAL, waxeyna dageenBADHANoo ah xaruuntii labaxdayFADHIWEYN.

DARAAWIISH badhan markey dageen ingiriidskii ayaa col soodumey, waxeyna soo fadhiisteenbaliga lamagac baxay AFBAKEELEoo magaalada laascaanood oo waagaa jirin hilaadii60 meylgalbeed kaxiga

1901 ingiriiskucol sadax madax ah soo saaray, colkaas oo kakoobnaa cadaan tiro yar, hindida banjaabka layiraahdo, suudaan, sawaaxili, iyo soomaali, dadyowgaas waxey ahaayeen dadkii ingiriisku wadamadooda gumeysan jiray.

3-3-1901goor barqo ah ayaa dagaal fooda leyskudaraybaliga haradhiigoo waagaa looyaqiinayAFBAKEYLE, saacado yar gudahood daraawiish waxey gudaha ugaleen saldhigii cadowga, goobtaas waa leysku riiqmay, daraawiish baana guushu raacday.

Meesha labaad ee daraawiish iyo ingiriis isku heleen wuxuu ahaaFARDHADIN, waxeyna dhacdaa hawdka garoowe iyo laascaanood udhaxeeya, waa meel doox ah oo buuraha hawdka dhaxdooda ah, waxey leedahay afar dul, gees waliba waxaa kaxiga bookh banaan oo laga galo , ama laga baxo.,daraawiish wey kawarqabeen inuu ingiriisku duulaan sooyahay.

16-7-1901ayaa colkii ingiriisku goor arooryo ah meeshii daraawiish xaruunta uahayd soo weerareen, dagaal adag oo ilaa gacmaha leysula tagay baa kadhacay, aadna leysugu riiqmay, libintiina daraawiish bey raacday, goobtiina iyagaa uharay, saanad iyo maal waxey wateen colkii ingiriiskana waalaga furtay.

DAGAALKII FARDHADIN MARKUU DHACAY ingiriisku ciidamadiisii wuxuu ku uruurshay nugaal isagoo kafiirsanayo talaabaduu qaadi lahaa.

BEERDHIGAwaa meeshii sadaxaad ee ay kudagaalameen ingiriiskii iyo daraawiish, waxeyna dhacdaa meel layiraahdoXODOYOoo gaalkacyo kaxigta waqooyi, unajirta hilaadii todobaatan meyl.,ciidan kakooban sadaxkun shanboqol afartan iyo sagaal qofood ayuu ingiriisku dulaanka kusoo galay,6/10/1901ayaa dagaal jilibka leysu aastay baliga layiraahdoXODOYOiyadoo amintu arooryo tahay, dagaalkaaswuxuu socday tan iyo habeenkii qeybtiisii dambe , guushiina daraawiish bey raacday, rag badana waa laga laayay, hub iyo maal wuxuu ingiriisku wateyna waa laga furtay.

DAGAALKAA MARKII LAGU JABIYAY GAALADII IYO INTII LASOCOTAYayaa dhulkii soomaalidu daganeyd aad looga farxay, daraawiishna loosoo rarayawray kuraran tahaydhar, cuno, qoryo, dahabloogu bogaadinayo guushii ay kagaareen dagaalkaas iyo kuwii kahoreeyay, safaradaa daraawiish tagtay waxaa kamid ahaaafartan rati oo banaadiiq, rasaas, dhar, iyo alaab kale sida, kana timidboqor cusmaan., safaradii kayimid reer boqor haddey xaruuntii daraawiish joogeen dhowr bilood, aadna loo xurmeeyay, sayidku wuxuu soo jeediyay inuu reer boqor laxidido oo lasiiyoQAALI BOQOR CUSMAANtaana wuxuu ulajeeday in leys xushmeeyo , waana lasiiyayqaali boqor cusmaan, sayidku wuxuugabaati ubixiyaylaba boqol todobaatan iyo todobo halaad, halkaasna waxaa kadhacay heshiis xididnimo , iyo mid tolnimo oo is huwan.

DAGAALKII AFARAAD WUXUU AHAA CAGAARWEYNE16/4/1903goor aroornimo ah ayay daraawiishi ingiriiskii soodul fadhiisatay, markuu waagu dilaacay ayay afar geesood kaga qaadeen duulaan, muddo yar kadibna daraawiish rasaastii waa joojisay oo tooreydoodii ayay gacanta ulatageen cadowdii , abaarihii shan saac subaxnimo ayaa qeybtii labaad ee ciidankii daraawiish soo galeen dagaalka wuxuuna socday waqti badan, waxaa lawariyay ciidankii ingiriiska ee dagaalkaas galay aylix ninuun kanabad tagtay , daraawiish hub iyo maal wuxuu cadowgu watey gacantey kudhigeen.

DAGAALKII SHANAAD WAA DORAATOOLEoo ah Bali kamid ah baliyada haro xagaateey,haro doolood,19/4/1903ayuu colkii ingiriiskubaligii danoodtagay, halkaas buuna kasameystay xero uu daraawiish kaweeraro,daraawiishna colkaas tiradiisa iyo agabkiisa wey kawarhayeen, markey milicdu kululaatay oo cadowgu haraaday ayay daraawiish afarta geesood dagaal kaga ekeysiisay cadowgii , duhurkii dabadiisii markey ahayd ayaa colkii ingiriisku baqday oo jabay.

Dagaalkaa markuu dhamaaday ayaa sayidka waraaq udiray ingiriiska oo kuyiri kabaxa dalkeena ama dagaal joogta ah udiyaar ahaada.

25/7/1903sayidku waraaq buu udiraytalyaanigiifadhiyayxa marisagoo ugawaramayo jabka iyo halaaga kudhacay ingiriiska, ugana digayo in talyaanigu kudhacdo midaa ookale.

SAYIDKUmarkuu qiimeeyayxaaladii degaankuu yiilay wuxuu waraaq uqorayboqor cusmaan, ergana wuu usii dhiibay waraaqdii, dhowr todobaad kadib ayay ergadii soo noqotay iyagoo boqorkii xaanshi kasida oo uu kuleeyahay xagga iyo bari usoo guura, sadax arimoodna ugusoo guura oo kala ah: ---

Lasoco qeybta afaraad hadduu allaah idmo.

Diyaariye: cabdicasiis khaliif bare.

Email address:abuhamaam@hotmail.com



 
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO