Saturday January 22nd, 2022
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

QEYBTII AFARAAD Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920

0
Friday December 31, 2021 - 15:48:50 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QEYBTII AFARAAD Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920

    QEYBTII AFARAAD Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QEYBTII AFARAAD Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920

SAYIDKUmarkuu qiimeeyayxaaladii degaankuu yiilay wuxuu waraaq uqorayboqor cusmaan ,ergana wuu usii dhiibay waraaqdii, dhowr todobaad kadib ayay ergadii soo noqotay iyagoo boqorkii xaanshi kasida oo uu kuleeyahay xagga iyo bari usoo guura, sadax arimoodna ugusoo guura, buur dagaalka lagaga gambado, biyo maatadu kacabaan, bad hub iyo xoolaba lagahelo., daraawiish haddii warkaa soo gaaray bari bey foolka saareen oo waa guureen, daraawiish geedigaa waxaa dhaxda kuqabsaday weeraro aan lafileynin oo xagga ingiriiska kaga yimid, waxaana dhacay dagaalkii labaxaytaargooye,hayaan., daraawiish ayaana guushu raacday, kadib ingiriiskii ciidan aad ubadan, hub fiicana sita ayuu soodumay, daraawiishna waxey soo dageenbohosha shimbiraaley

GOOBTII JIDBAALEwaxey kadhacday dhoodiga nugaaleed bartamaheeda ceelka laascaanoodna waqooyi kaxiga oo hilaadii ujira sodon meyl

3/1/1903ayaa ingiriisi colkiisii daraawiish kusoo saaray, daraawiishi meel bohol jeexan oo cal dhaxdii ah ayay dhufeys ugashay, waxeyna talo kugaareen ingiriiskoo dagan ineyan dagaal kuqaadin maadaama hub culus uu sitay, isagoo raran oo ciidamadiisa soconayaan waa in laweeraraa

Daraawiish oo bohoshii dhax degan ayaa cadowgii soo dulfadhiistay, kadib dhowr maalin waa leysku aamusnaa, kadib nin soomaali ah oo laoran jiraycawke jabaneoo lasocdaycolkii ingiriiskawuxuu kuyiri ingiriiskii mudane anagaa naqaan daraawiish waxaan kutalinayaa in hubka larakibo, deeto rag xoogaa ah loodiro daraawiish soona xabadeeyaan deeto kasoo cararaan,kadib markii ay bohosha kasoo baxaan oo soo eryadaan hubka mishigaanka lagu laayo , taladaana wey meel martay oo darawiish badan baa goobtaas lagu laayay, ingiriiska qudhiisa dad aan yareyn baa laga laayay balse goobtii waxaa uharay ingiriiskii oo ku adkaaday.

Markii daraawiish jidbaale looga adkaaday ayay daraawiish waxey talo kugaartay ineycalmowamacalmiskaabmid kood galaan, dabadeedna waxey tageen togoga layiraahdogabiiyocawsaneoo haatandegmada baranlooga taliyo, ingiriisku markuu ogaaday iney nugaal kabaxeen daraawiish waa kadaba duulay, hase ahaatee markey daraawiish ogaatay in colkaasi dabasocdo wey kaguureen meeshii waxeyna afka saareenbari, waxaa jiray in deyrtaas iyo gugii kahoreeyay ay sayidka iyo boqor cusmaan hadalo tolnimo iyo xididnimo dhaxmarayay., daraawiish oo kusii socota bari iyo boqor cusmaan ayaa Ceelka layiraahdomadhaoo bartamaha togadharooreedkula kulmeen safari reer boqor ah oo boosaaso kayimid, dabadeedna waxey kuyiraahdeenTO IYO TAAGBAidinkaan idinsoo beegsanay oo magan baanuidiin nahay

Ingiriisku markuu ogaadayin daraawiish kusii socoto boqor cusmaan ayay kabaqeen iney uheshiiyaan oo duulaan kusoo qaadaan, markaasuu ingiriisku uqoray waraaq boqor cusmaan, ergana usii dhiibay, ingiriisku wuxuu waraaqdaa kuqoray haddaad wadaadka uogolaatid dhulkaaga ogow badda waan kaaxirayaa, xoolahaadana waan dhacayaa, sidaa daraadeed ayuuboqorkudaraawiish kubalan furay markuu isku qiyaasay magan galyada daraawiishta iyo hanjabaada ingiriiska, wuxuuna tixgeliyay tii ingiriiska , sidaas buuna uga horkeenay ciidan ayan fileyn daraawiish, colkii boqorka wuxuu kulakulmay daraawiish oo war maqabto ah oo geediuah boqorka iyo magangelyadiisii meesha layiraahudeyloo calmiska hoosteeda ah, halkaas daraawiish col kugalay oo sixun loogu baa bi’iyay , gabayo badana sayidku katiriyay siduu ugalay boqor cusmaan.

Markey daraawiishboqorka kasoo carareen ayay dhinaca koonfur ugadoomeen, daraawiish markeyiyax geed gaabaniyoaboobmarayaan itaalkoodana aanu fiicneyn ayaa ingiriisku kusoo duulay markale, daraawiish iyagoo nafkudirir ah ayay jilibka udhigeen, gaaladiina waa lagujabiyay dagaalkaas, waxey siteena waa lagafurtay, xoolahaasi lafurtayna daraawiish caaqibo buu unoqday, waxaana xigtaydegidii EYL IYO ILIG.

Daraawiish dhulkaEYLwaxay udoorteen iney tahay meel istiraatiiji ah, markeyGU IYO LABA DEYROODhalkaa daganaayeen, dad iyo duunyaba hodan bey kanoqotay, daraawiish waxey gudoon kugaartay dadka gaalada laleh xiriir in xoolahooda ladhaco

Waxaa xeebta bada ujeeda lagadhisay afar qalcadood oo dagaal, waana kuwii ugu horeeyay ee daarihii badnaa ee daraawiishi dhisatay

DAAWADwaxaa laga dhisayEYLwaana qalcad meel kasta ka owdan, madfacna aan xagga bada lagalaheli Karin.

BADEYwaxaa laga dhisay meel xeebtaEYL qarkeedawaxaana laga ilaalin jiray wixii badda maraya.

ILIG DALDALAwaxaa laga dhisay qalcad yaab leh oo bada iyo barigaba laga ilaaliyo oo hilaadiiEYLujirta lixdan meyl, dhinaca koonfur galbeed kaxigta.

Gabaxamagabacoo EYL dhinaca xeebta Bari kaxigta waxaa lagadhisay qalcad dagaal oo bada iyo berigaba eegi ka ah, afartaa qalcadood waxaa lafadhiisiyay ciidan xoog leh oo dad iyo duunyaba dhaqan, xaruuntuna waxey ahaydGALINGAALE.

21/4/1904markab dagaal oo ingiriisku leeyahay ayaa xagga bada kaweeray daraawiish, qalcadii ilig daldala dumiyay, dhowr darwiishna halkaa kudilay.

Markii afarsanodagaal wax looga qaadi waayay sayidkii iyo daraawiishtuu watey ayaa ingiriis iyo talyaani iskudayeen in heshiis lagahelo daraawiish, arintaana talyaani baa looxilsaaray.

Nin layiraahdo xaaji cabdala shixirioo ahaa ergeygii gaarka haa ee daraawiish, sayidkuna kukalsoonaa baacadankula kulmay qunsulkii talyaaniga ee cadan ufadhiyay, deeto waraaq baa loosoo dhiibay xaaji cabdala shixiri oo sayidka kusocota, talyaanigu wuxuu soo jeediyay In nabad dhaxmarto daraawiish, ingiriis, talyaani, iyo xabashi, sayidku wuxuu dib udiray xaaji cabdala shixiri inuu tago cadan oo sihoose usoo ogaado waxey damacsan yihiin gaaladu.

Talyaanigu wuxuu usoo diray sayidkaNin laoran jirayMR. BESTA LOSAoo uu lasocdo xaaji cabdala shixiri, waxeyna raga iyo sayidka kukulmeen xaruuntii sayidka eeilig daldala, wadahadal dheer kadib qodobadii heshiiska waxaa kamid ahaa in heshiis nabadeed oo ay kawada qeyb galaan talyaani, ingiriis, xabashi, daraawiish iyo raaciyadooda laqabto, waxaana soojeediyay ninkii talyaaniga.

  • In wixii qilaaf ah, ama is afgaran waa ah ergo lagu dhameeyo
  • In lasoo celiyo yuusuf maxamuud keenadiidoo talyaanigu casaba kuxiray1903isagoon wax dambi ah lahayn,sayid maxamedbaana soo jeediyay arintaa,besta losawaa ogolaaday.
  • In nalaqaado hareereynta iyo cadaadiska ingiriiskuxagga ganacsiga inagaga hayo taana sayid maxamed baa soo jeediyay,besta losawuu ogalaaday, wixii aan ka ahayn hub iyo adoon.
  • In talyaaniguuu kaharo dooda uu kudoodayo ee ah iney hoostagaanboqor cusmaan iyo dadkuu utaliyo, maxaa yeelay daanyo qaad umanoqonkarohaddii kale in daraawiish loo magdhabo xoolo iyo dad ay udirsatay oo boqor cusmaan dhacay , iyogeel 257 halaadah uu sayidkugabar boqorku uu dhalaygabaati uga bixiyay, dabadeedna lagaga balan furay oo gabadhii iyo geeliiba leysku darsaday,sayidkaayaa soojeediyay sidaa, laakiinbesta losawaa diiday taa, maxaa yeelay waxaa jirayheshiis bishii febraayo 1890-kiidhaxmaray boqor cusmaan iyo talyaaniga.
  • In waan waan nabadeeday jirto muddo konton habeen kusiman, muddadaas gudaheedana inuubesta losakusoo noqdo xaruunta isagoo dowladihii lagu sheegay qodobka koobaad ee heshiiska kawada ogolaansho taasna waa laysla ogolaaday.
  • Ugu dambeyntii besta losawuxuu kubalan qaaday in aan wax dagaal ahama rabshad ah ayan kaimaan sadaxdaa dowladood ee uu daanyo qaadka uyahay,

Besta losawaa noqday si uu ugu warceliyo dowladii talyaaniga, dabadeedna talyaanigu ugaarsiiso dowlada ingiriiska.

Daraawiish talo bey isugu noqotay, waxaa leyslasoo qaaday afar arimood oo kala ah:-

  • Daraawiish haddeynu nahaymabaadiideenu waxay kudhisan tahay diinta islaamka ee gaalka ineynu heshiis ladhiganaa shareecada islaamku makubanaan tahay?
  • Haddii aynu heshiisgaalada ladhigano in aynu kubalan furnaa mainoo banana tahay?
  • Heshiiska gaalkamaxaa faaido inooga kordhayo haddeynu ogolaano.
  • Daraawiish badanbuu ingiriisku laayay, duunyo badana waa inaga dhacay ee mausheeganaa, mise maya?

Raggii qaaska uahaa sayidka markey rogrogeenarimahaa waxey gooyeen sidan soo socota:-

  • Ineynu heshiisladhiganaa gaalada sharci ahaanwey banana tahay siduunabigu CSWuladhigtay heshiiskiisulxul xudeybiya,
  • In gaalada balantoodalagabaxo wey banaan tahay, marka loo eego suurada8aad aayada 52baad
  • Faaidada inoogu jirtoheshiiska waa in dagaalka waqti uhelnaa siaan hub iyo rasaas uhelno, farduhuna inoogu naaxaan.
  • Daraawiishtiiay gaaladu leysay iyo hantidii ay qaadeen haatan waa in laga aamusaa, balse waa in aan laduudsiin.

Waxaa lawariyay intuu heshiisku socdaywaraaqihii leysdhaafsaday ineyafartankor udhaafayeen, waxyaabaha heshiiska kujiray waxaa kamid ahaa in daraawiish loo aqoonsado dhul ay degto oo gaar uah inta udhaxeysagaracadiyogabacxa gga bada nugaal oodhan tan iyo danood.

33/1905 ayuu besta losaoo lasocda markab talyaani leeyahay kusoo noqday xaruuntii daraawiishee eyl,isagoo doonaya in heshiiska lasaxiixo, wuxuuna markabka kusoo qaadaysuldaan yuusuf maxamuud keenadiidoo talyaanigu kuxiray casaba oo hadda katirsanwadanka ereteriya, waqtigii laxirayay oo lagu eedeeyaydagaalkii cagaarweyne ama gumburomarkuu diiday inuu gacansiiyo ciidankii ingiriiska ee hobyo kasoodagay oo daraawiish usocday.

Besta losamarkuu markabkii kasoo dagay ee xeebta cagaha soo dhigay waxey daraawiish kudhawaaqayeengeeraarkan gaaban oo ah: -{Talyan koofiyad weynoow dabadeed aad kalaantoo kidibkii aad shubtee keenadiid mawadaa},besta losamarkii hadaladaas loo fasiraywuu qoslaywuxuuna yiri haa waan wadaa, kadib suldaan yuusuf maxamuud keenadiid waa lasoo dejiyay sayidkaana qaabilay, in xabsigii uu kuxirnaa ee CASAB lagasoo daayana sayid maxamed baa shurruudihii kudaray.

5/3/1905ayaa heshiis nabadeed lagukala saxiixdayqalcadii ilig daldala, waxaana lagu magacaabaaheshiiskii ilig daldala, wuxuuna uqornaa sidan

  • Amaan eebaha raxmaan baa iskaleh, iyadoo loo eegayo in labada dhinac nabad iyo xasilooniba ay helaan , soomaaliyoo dhanna udoonayeen,mudane besta losaoo kawakiil ah dowlada talyaaniga iyosayid maxamed cabdala xasanoo magaciisa kuhadlaya kana wakiil ah qabiilada lasocda ee ah daraawiish waxey ogolaadeen heshiiskan ay qodobadiisa hoos kuqoran yihiin
  • Waa in nabadwaarta kadhax dhacdaa sayid maxamed iyo daraawiishtuu utaliyo iyo dowlada talyaaniga iyo dadkey utaliso oo ay kamid yihiin soomaalida majeerteen iyo kuwa kale, sidoo kale waa iney nabad waarta kadhax dhacdaa sayidka iyo dowlada ingiriiska iyo soomalidey utaliso oo dhan, sidaasoo kale waa in nabad waarta kadhaxdhacdaa sayid maxamed iyo dowlada xabashida iyo dadkey utaliso oo kuhoos nool.
  • Dowlada talyaaniguheshiiska waxey kubalan qaadeysaaiyadoo kawakiil ah dadkey utaliso iyo dowlada ingiriiska in is afagaranwaakasta oo kayimaada sayid maxamed iyo dadkiisaiyo dowlada talyaaniga iyo dadkey utaliso ama dowlada ingiriiska iyo dadkey utaliyaan lagu dhameeyo sinabad ah iyadoo leysku dirayo ergo kasocota labada dhinac ee daraawiish iyo talyaani , iyo nin ingiriis ah oo kaqeybgala marka danaha ingiriiska lagahadlayo

Heshiiskaa oo lahaa qodobo intaa kabadanwaxaa dhinaca daraawiish usaxiixaysayid maxamed cabdalla xassan, dhanka talyaaniga waxaa usaxiixaybesta losa,kadib waxaa lagamamaarmaan noqdayin dhinaca ingiriiskana saxiix lagahelo, sidaa daraadeed waxaa lagu heshiiyayin ergo kasocotabesta losaay berbera tagaan , ergo kaloo daraawiish kasocotana ay dhulka maraan oo berbera leysugu yimaado siay goob jog ugawada noqdaan saxiixa ingiriiska ee heshiiskaa, dowlada ingiriiska waxaa kawakiil ahaa barasaabkii dalka soomaalida waqooyi utalin jiray oo laoran jirayW.MALCON JOHN, kadib24/3/1905 ayuu W.MALCON JOHNusaxiixay dhanka dowlada ingiriiska.

Heshiiskaa markuu dhaceysayidka wuxuu waraaq uqoray ingiriiska uu kuleeyahay mar haddii heshiis nabadeed dhacey waa inaad nooga guurtaan dhulka heshiisku inoo qoondeeyay ee nugaaleed una guurtaan dhulka soomaalida kale ee aad dagan tihiin, ingiriisku isagoo heshiiskiiilig daldalatixgelinaya nugaal wuu kabaxey.

Oktoobar 1908ciidamada daraawiishtu waxey kakoobnaayeen afar qeybood oo kala duwan oo tu waliba heybad gaar ah iyo hawl loo yaqaan leedahay waxeyna kala ahaayeen:-

  • QUSUUSI:- badankoodu wuxuu ahaa culimo, iyo lataliyaal xarunta kataliya.
  • GAARHAYE:- oo ahaa colka xaruunta ilaaliya
  • MAARAWEYN: - oo ahaa raggii dagaalka iyo jihaadka utaagnaa.
  • HEERBEEDE:-oo ahaa kuwa xoolaha dhaqaaleeya, xagga maamulka iyo talada waxey ukala soocnaayeen todobo guutooyin oo mid waliba gaar ufadhida, xoolo gaar ah iyo madax utalisana leedahay waxaana magacyadooda lakala oran jiray sidan soo socta:-
  • SHIISHYAALE
  • GOLWEYN
  • TAARGOOYE
  • INDHABADAN
  • MIINAALE
  • DHARBASH
  • RAGXUN

Isagoo sayidku kafaa ideesanayo heshiiskaawuxuu soomaalidii meelkastoo dagan tahay isku taxluujiyay inuu gaarsiiyo fikradii daraawiish ee gaala ladirirka ahaa, waxbadan wey uga suura galeen oo dad badan baa soo raacey.

Markii doonyo ganacsi kayimid carabta oo usocday laasqoray soomaalidii daganeyd uu dhacey ingiriisku , ragna waxyeelo loo geystayayuu sayidku uqoray laba waraaqood ingiriiska isagoo ku eedeenaya waxa dhacey oo dhan iney iyagu mas uul kayihiin, dhowr waraaq oo is eedeyniyo isku dhaarasho ayay isku direen sayidka iyo ingiriiskii joogey berbera.

Baarlamaankii ingiriiska waqtiyadaa dhowr nin kujiray ayaa waxey dowlada ingiriiska usoo jeediyeen in dowlada ingiriiska soomaaliya isaga guurto , ama wadaadka heshiis wanaagsan lala dhigto oo mush-haar wanaagsan looqoro sidii hindiyaba layeelay maxaayeelay dad badana dowladuwey kuweyday , maal badana waa kaga baxey , wax faaido ahna oo kasoo galayana lama arko.

Bishii abriildabayaaqadeedii1909ay aa ergo ay dowlada ingiriisku soo dirtay yimaadeen berbera waxeyna guda galeen wareysi iyo wax baarid, wadaadkana waxey udireen waraaqo iyagoo weydiisanaya waxyaalo kala duwan oo nabada iyo heshiiska kusaabsan, Sayidku waraaqihii dambe uu ingiriisku soodiray Kama soo jawaabin.

Bishii nofeembar 1909ayuu ingiriisku wuxuu goaan kugaaray inuu

Lasoco qeybta shanaad hadduu allaah idmo.

Diyaariye: cabdicasiis khaliif bare.

Email address:abuhamaam@hotmail.com



Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO