Saturday January 22nd, 2022
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920. Qaybta 5naad

0
Friday December 31, 2021 - 15:50:19 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 287
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920. Qaybta 5naad

    Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920. Qaybta 5naad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920. Qaybta 5naad

Bishii abriil dabayaaqadeedii 1909ayaa ergo ay dowlada ingiriisku soo dirtay yimid berbera waxeyna guda galeen wareysi iyo wax baarid, wadaadkana waxey udireen waraaqo iyagoo weydiisanaya waxyaalo kala duwan oo nabada iyo heshiiska kusaabsan, Sayidku waraaqihii dambe uu ingiriisku soodiray Kama soo jawaabin.

Bishii nofeembar 1909ayuu ingiriisku wuxuu goaan kugaaray inuu kabaxo dhulka baadiyaha ah, uuna isugu wada ururo xeebaha iyo magaalooyinka sidaberbera iyo buulaxaar.

Daraawiish waxeyisku dayeen dhulka gaaladu kaguureen dadka Dagan iney siyaa sadooda kufaafiyaan siay usoo jiitaan.

1908=dii dabayaaqadiisiiayuu ingiriisku abaabulaysiyaasad foolxunoo sayid maxamed kahorjeeda, wuxuu uyeeraykoox wadaado ahoo dariiqooyin kaladuwan madax ukala ahsidaqaadiriya, axmadiya,saalixiya, iyo andaraawiya, wuxuu kuyiri sayid maxamed wuxuu doonayaa in dalka iyo diintaba madax unoqdo , haddey taasi dhacdana waxaa imaandoona in dariiqooyinka kalana baa bi’iyo, tiisana dhulka kufaafiyo , dabadeedna isaga kaliya arlada utaliyo, wuxuuna amar xoogleh kaheystaasayid maxamed saalaxoo magaaladamaka fadhiyabalse aan kawarqabin waxa xun oo uu sayid maxamed halkan kasameynayo, maxey idinla tahay haddaadsheikh maxamed saalax utagtaanoo wuxuu sayid maxamed cabdala xasan arlada kawado ugawarantaan,dowlada ingiriiskana taa wey idinka taageereysaa , waxey yiraahdeen waan ogolnahay wixii suuragal ah , deeto waxaa leysku afgartayin arintaa lasocodsiiyo oo sayidka shiikhiisii oosayid maxamed saalaxahaa lagu diro siuu sharafka ugaqaado, ama xiriirka uga goosto.

Qunsulkii talyaaniga ee cadanfadhiyay ayaa arintaa kawar helay dabadeednaingiriisku wuxuu usheegay in dowladiisana taas kaalin xoog leh kaqaadaneyso , sikastaba arinta haloo maamulee ugu dambeyntii waxaa ladiray rag ay kamid ahaayeenSHEEKH CALI NEYROOBIoo fadhiguusu ahaamagaalada kismaayo, geyigaana dariiqada saalixiyada madax uga ahaa, soomaalida koofureedna magac weyn kulahaa, dadkuna siweyn uraacsanaayeen.,SHIIKH ISMAACIIL SHEEKH ISXAAQOO BERBERA FADHIYAYoo dariiqada saalixiya madax ka ahaa , dhinaca waqooyina dadku aad uraacsanaayeen,labadaa sheikh waxey saaxiib la ahaayeen , ijaasadana kaqaateensheikh maxamed saalax magaalada maka fadhiya, agtiisana magac weyn bey kulahaayeen, dabadeedna waxey usheegeen in sayid maxamed dunidii wareeriyaydil, dhac, iyo sharci daro kukacay, diintii maxamadiya iyo dariiqadii saalixiya dowgeedii kaleexday , waxeyna weydiisteen inuu taa wax kaqabto ,sheikh cali neyroobiwuxuu udhashay dhulbahante,sheikh ismaaciil sheikh isxaaqnaisna dhulbahante buu ahaa ,SHIIKH MADAROO ISAGUNA AHAA SHIIKH HEYSTAY dariiqadaqaadiriyadakuna lahaa xaruun weynhargeysaayaa isagana kamid ahaadadkii usocdaalaymagaalada makasi loo ashtakeeyo sayid maxamed cabdala xasan,

SHEEKH MAXAMED SAALAXOO MAGAALADA MAKA fadhiyay hadalka wadaadadaa ay kasheegeen sayid maxamed cabdala xasan mauusan rumeysan , wuxuu kuyirihadalkiina wax rumeynaya iikeena , dabadeednaxaajicabdala shixirioo nin caan ah , daraawiishna magac weyn kulahaa , sayid maxamed cabdala xasana ugawakiil ahaa cadan , hase ahaatee markii dambe daraawiish kagoostayayaa cadan markab laga saaray oo magaaladamakka lageeyay, dadbadan oo xajka gudanayana waa laraaciyay markabkaa ,xaaji cabdala shixiriwuxuu halkaa kacadeeyay waxa sayid maxamed cabdala xasan laga sheegayoiney run yihiin,deetosayid maxamed saalaxsidaasuu ku ogolaadayinuu sayid maxamed cabdala xasan warqad canaan iyo waano ah uqoro,

Wadaadadii xaruuntii daraawiishta joogay oo arintaa uwarhayay waxey yiraahdeensheikh maxamed saalaxwuxuu uyeeray karaanigiisii oo wuxuu kuyiri qor waxaan kuu yeeriyo, markaana wuxuu qoray waraaqhadalo qabow oo wacdi iyo waano ahi kuqoran yihiin oo kusocota sayid maxamed cabdala xasan.

SHEEKH MAXAMED SAALAXwuxuu waraaqaha kusaxiixi jiray kaatum caan ah oo lagu yaqiinay magaciisana kudaabacan yahay, kaatumkaasna fartiisa Kama bixin jirin markuu musqusha galayo mooyee, maxaa yeelay waxaa kuqornaa magaca allaah

Raggii culumada ahaa ee maleegayay shirqoolkaaswaxey hoos kala heshiiyeen karaanigii oo waxaa laqoray waraaq kale oo kaduwan tiishiikha maxamed saalax qoray, hadalo aad ufoolxumina kuqoran yihiin dabadeedna markuu suuliga galay ayaa karaanigii kaatumkii intuu labooday kusaxiixay waraaqdii kale ee been abuurka ahayd.

BISHII MAARSO 1909ayaa wadaadadii iyagoo hawlihii loodiray soo abyay, waraaqdii shirqoolka aheydna sidacadan yimaadeen , dabadeedna waraaqdii waa labadiyaysi culimada waaweyn ee soomaaliya loogu qeybsho , kadibna waxaa laguda galay sidii arintaa loo fulin lahaa .

BISHII MAARSO DHAXDEEDII 1909-KIIayaa waxaa cadan kasoo ambabaxaymarkab talyaani oo la oran jiray ELBAoo sidaqunsulkii talyaaniga ee cadanufadhiyay iyoshiikh maxamed shiikh ismaaciil isxaaq,shiikh cali neyroobi , xaaji cabdule shixiri, isla bishii maarso dabayaaqadeedii ayaa markabkii maalin maalmaha kamid ahsoodhigtaymarsada ilig daldala, nin dhambaal wada ah ayaa waraaqdii iyo kuwii kalaba loosoo dhiibay inta saxiimad lasoosaaray xeebta lageeyay , waxaana lagula balamay waraaqahaa dariiqada gee, maanta maalinteeda ayaa inoo muddo ah ee xeebta imow saxiimad baanu kuusoo direynaa, dabadeednamarkabkii xamar buu ugudbay, markii waraaqihii been abuurka ahaa lageeyay dariiqadii daraawiish oo markaa xaruun toodu ahayd meel layiraahdogalingaale oo eyl iyo ilig daldala udhaxeysa, waxaana laga akhriyay meel fagaaro ah oo culimadii diinta badankeedii fadhido, waana waraaqdiilagasoo been abuuraysheikh maxamed saalax.

Sadaxdii sheikh ee markabka ulagudbay xamarwaxey lakulmeen culimadii saalixiyada ee banaadir joogtay, waxeyna kudadaaleeniney kadhaadhiciyaanxumaanta sayid maxamed cabdalla xasan ,labadii sheikh ee dariiqada saalixiyada iyo axmadiyada madax ka ahaa culimada banaadirna ugu waaweynaa ayay waxey ugudbiyeen waraaqdii been abuurka ahayd ee laga dhigay inuusheikh maxamed saalax sooqoray, culimadaa oo kala ahaasheikh maxamed guuleedoo dariiqada saalixiya ee jameecada tuulada misra ee balcad madax uahaa , iyosheikh cabdulwaaxid maxamed guuleedoo jamaacada misra ee balcad isna katirsanaa,sheikh daauud cali culusowisna jamaacada misra ee saalixiyada katirsanaa,sheikh mursaloo isna jamaacada misra katirsanaa,sheikh cali abow shiikhey jajeeleoo jamaacada misra ee saalixiyada katirsanaa,sheikh cali maye durqubeoo dariiqada axmadiyada ahaamagaalada markana deganaa,sheikh cusmaan qaadioo isna dariiqada axmadiyada kamid ahaa magaalada markana deganaa,wadaadadii keenay waraaqda been abuurka aheyd waxey kudadaaleen iney dadka banaadir iyo nawaaxigeeda degan kadhaadhiciyaan in sayid maxamed cabdala xasan qaldan yahay, wadadii sharcigana kabeeray.

Bishii abriil 1909-kiiayaa markabkii ay lasocdeen qunsulkii talyaaniga iyo sadaxdii sheikhsoo dhigtay xeebta ilig daldala siay uga warhelaan waraaqihii iyo ninkii siday ee geeyay xaruuntii daraawiish waxey kubeexaameen,sayidku markuu maqlay markab baa taagan bada fariin buu udiray wuxuuna kuyiri soodega aan wada xaajoonee, hase ahaatee waa kacudur daarteen, wuxuuna kucelshay waraaq kale oo uu leeyahay amaan baad tihiine soodega, wuxuuna uraaciyay tusbixiisii siay ugu kalsoonaadaan hadalkiisa, balse wey diideen iney soo degaan maxaa yeelay nafbaa diidey iney daraawiish uyimaadaan, waxey rumeysnaayeen hadey dagaan inaan kibis dambe ulaabneyn, iftiin dambe oo aduunkana ayan arkeyn, kadib markabkii sidey wuxuu ugudbey cadan.

Waraaqdii been abuurka ahayd ayaa fitno kadhax abuurtay daraawiish dhaxdeeda, rag katirsan daraawiish ayaa hoos utashaday oo yiri mar haddii wadadii toosneyd ee aynu kutaagneyn layiri waa baadil, diintana waa garab marsan tahay maxaa inooga haboon inaan isaga guurno xaruuntan daraawiishta,deeto siduu ninba kii kale ee uu kukalsoonaa ugu sheegayay ayaa raggii arinta kawalaacsanaalixboqol oo qofoodkor udhaafay, dabadeedna waxey kushireen geed canjeel ah oo xaruunta ujiray hilaadii laba kiiloo mitir, haddii arintii lafaaqiday waxaa lasoo qaaday sadax talo mid in lagu dhaqaaqo oo kala ah:-

  • In sayidka ladilooo Nin kale daraawiish madax looga dhigo, jihaadkana halkiisii lagasii wado.
  • In sayidkamaamulka iyo heybada uu daraawiish kudhax leeyahay laga xayuubiyo, taladana laga wareejiyo.
  • In xaruunta laga guuro oomeesha lacidleeyo, dabadeedna meel ilaahay faraj kafuraba reer waliba soomaali weyn iyo dadkiisii baal karaaco.

Sadaxdaa talo tan dambe ayaa loo guuxay, iyadaana gudoon kugoay, laakiinse intaan shirka lagu kala dareerin ayaa rag qaarkiis fardo hoosta kadiray oo raggiisii kuyiri reerka rara, hase ahaatee nin raggii talada wax kagooyay kamid ahaa, magaciisana la oranjirayshire cumbaaloo dhulbahante jaamac siyaad ahaa ayaa hoos kadusay unatagaysayidka aabihiiunawaramay, wuxuu yiri rag caawa geedkii canjeel kushirey waxey kutashadeen iney xaruunta kaguuraan, maxaase kadambeeyay buunkii baa layeeriyay, daraawiishtii gaarka ahayd baa lahawlgeliyay, fardo iyo wixii xaruunta joogeyna heensahaa lasaaray, weerarkaa gees walba ukacey, wadaad aan isaga shirqoolka kujirin oo arkey sidey wax usocdaan ayaa labadan tuduc ee gabeyga ah kuyiri{waligeyba waxbaan saadiyaa saasna ma aqaane alow sahal libaax seexday bey niman salaaxeen.}.

Dabadeed wixii guureeyay waxaa laga dabadirayrag fardo kujooga, wixii xaruunta joogeyna waa laqabtay, raggii geedka canjeel kutashaday waxey ubadnaayeen nin gobeed miiran, tirsigoodana lixboqol kabadnaa, raggaa waxaa lagasoo qaadi karaa sadax nin oo aan lahilmaami Karin, kana mid ahaa muqadimiintii waaweynaa ee daraawiish iyo soomaalidii geyigaa joogtay magac kulahaa waxaana kamid ah:-

  • Xaaji xasan cowloo udhashay reer awxasan oo kamid ahaa caalimiintii daraawiish ninkii ugu geesisanaa.
  • Sheekh cabdule qooriyowisna reer awxasan ahaana garsoorihii xaruunta guud ee daraawiish.
  • Faarax maxamuud suguleoo udhashay dhulbahante/bah hararsame oo reer nugaaleed ahaa, qabeyna sayidka walaashii barni, wuxuuna kamid ahaa raggii taladu markii ay ribato Kan ugu dambeeya ee qalinka saari jirey.

Deeto xaaji xasan cawilwaa ladilay,sheikh cabdule qooriyownawaa ladeeriyay oo magacii iyo sharaftii uu xaruunta kulahaa baa laga xayuubshay,faarax maxamuud sugule-nailaalo baa ladul dhigey, markii dambase wuu fakaday,ingiriis buu ugalay , gadaalkiina daraawiish baa dishay.

1909-kii dabayaaqadiisiiayaa xaruuntii daraawiishta lagasoo raray eyl iyo ilig daldala oo loo soo wareejiyay godanka nugaaleed waxaa laga dhisay dooxadacada dheereoo ceelka garoowe qiyaastii afartan meyl dhanka Bari kaxigta.

Lixdii gu ee ay daraawiish daganeyd eyl iyo ilig daldalaaadbey kor ugu kaceen xagga xoolaha, iyo xagga ragga, iyo waliba maamulka, taasna waxaa ugu wacnaa nabad ay barwaaqo kuheen, waxaa lawariyay maalintii xaruunta caado dheer lagararay oo taleex kor ugu guurtay xoolihii kale iska daayoo geelii nugaasha marayay ragbaa waxey iskuqabteen waa leexo daruur noqotay iyo waa geelii.

Geelii waxaa loosoo raray dameer oo ceelka taleex kasareysa, waxaa halkaas laga dhisay daar lagu magacaabodaar cadoo hadda weli dhisan,

Daraawiish waxaa caadou ahaa inuu jiro gaadh dibada u ah oo xaruunta iyo xoolaha dibada ka ilaaliya, sidaa daraadeed ayaa laba daarood laga dhisay ceelka layiraahdobuuraanoo taleex waqooyi bari kaga toosan, hilaadiina sagaashan meyl ujira, taasina waxey cabsi gelisaygaraad maxamuud cali shireoo ahaagaraadkii warsangeli utalinayaymarkaa, kahorna xaruunta daraawiish isaga iyo tolkii kaguureen,waxey kaloo arintaa cabsi gelisayboqor cusmaan, labadaa ninba markaa daraawiish colbey ku ahaayeen,waxeyna yiraahdeen mar haddii daraawiishi ceelkii buuraan fadhiisatay oo dhuunta inoosoo galeen waxaa xigta iney boosaaso iyo xeebta qabsadaan taasina waxey halis utahay labadeena boqortooyo, waxeyna gudoon kugaareen in labada geesood lagaga duulo waa bari iyo waqooyi si ceelkaa daraawiish looga eryo.

Muddo dhowr bilood ahhaddii si qarsoodi ah warar leysu weydaarsanayay sidii ciidamada leysugu dubaridi lahaa iyo aminta biyo kamadhibcaanka ah ee daraawiish lagu duulayo, ugu dambeyntii gees walba waxaa kasoo amba baxay col lixaad leh, sida lawariyay guutada geesta bari kasoo duushay dhinaca boqorka tiradoodu waxey ahayd6,666 qofoodwaxaa lagu jaan gooyay sidey sheegeen aayadaha quraanka kariimka ah , abaanduule waxaa colkaa u ahaasadax nin oo ilmo boqor cusmaan ah, guutadaas waxey kasoo amba baxdaydharoor,waxaana soo amba bixiyay oo qiyaastii sodon meyl sagootin usoo raacayboqorka iyo koox lataliyaal ah,

Colka kaleee xagga waqooyi kasoo baxey waxaa tiradiisa lagu sheegay3,500 oo qofood,waxaana abaanduule u ahaagaraad maxamuud Cali shireiyomaxamuud jaariqoo lataliyihiisii ahaa.

Bishii luulyo dabayaaqadeedii 1901ayaa col waliba meeshiisii kasoo amba baxay iyadoo ceel buuraan oo daraawiish heysato lagu balamay, deeto colkii huwanta waxey soo dul fadhiisteen ceelkii buuraan oolixdan nin oo daraawiish ah fadhido, madaxna uu uahaa nin la oranjiraymaxamuud feyteoo udhashay ogaadeen,dhowr casho haddii ladul fadhiyay , loona geli waayay ayaa dab hareeraha daartii lagaga shiday, sidaa daraadeedna45 daraawiishbaa halkaasi kudhintay, daarihiina waa laqabsaday, markii ceelkii buuraan lahantiyay ayaa waxaa laqeybshayafartan ninoo uu watomaxamuud jaarigwaxaana lafaray inwarsangeli utagaanoo xeradii xoolo galaanba ari, lo, iyo geel midkastaba ha ahaadee neef hilib ah kakeenaan, sidoo kale400 ratioomaxamed boqorwatana waxaa loodirayboosaasowaxaana lafaray inuu raashin ukeeno colka huwanta.

Daraawiishtii kabadbaaday dabkaasayaa fakatay oo xaruuntii daraawiish uwargeesay, intaan laba tuko isdayin ayaa qusuusidii leysku wacey si arinta looga tashado, durbadiiba haddii xaaladii ladarsay waxaa lasoo qaaday sadax talo midood in lagu dhaqaaqo oo kala ah

  • Dagaal waa lama huraancolka buuraan qabsaday talaabada xigta waa inuu xaruunta kusoo duulaa ee makahor tagnaa intaanu inagelin oo ceelka buuraan baanu kuladagaalnaa.
  • Maxaruunta iyo xoolaha dhaxdoodabaanu kusugnaa nimey guuli raacdaba kula dagaalanaa.
  • Madhabar jebin beynu kudhufanaaoo arladii ay kasoo duuleen iyo rugtoodii beynu weerar gelinaa, dabadeedna wax aynu kala mudanaba halkaas beynu afka saarnaa.

Gudoonkii wuxuu ku goay laguna duceystay talada ugu dambeysa, deetoguuto1200 qofood kakoobanoo lug iyo faras kujooga ayaa xaruuntii taleex kaduushay, gudoonkuna yahaydegmada raacin gebi iyo cowsane fadhida laweeraro taasina waa usoogashay.

Bishii agoosto 1911- keediiayaa colkaasi weerar kubalaariyaydegmada warsangelioo markaas cal kasoo degtay GU’ wanaagsana uda’ay, raggiina kamaqan yahay oo belo aan barbarna kafileyn ayaa dad iyo duunyo dagalkii looqaaday.

Maxamuud jaarig oo ahaa lataliyihii garaad maxamed cali shirelagana soo diraybuuraanee loosoo diray in xoolo hilib ah oo colka buuraan fadhiya ukeeno oo kujoogafaras layiraahdo jiireoo inyar weerarka kahor arlada tagay ayaa kabaxsaday , inkastoo daraawiish kudadaashay iney ninkaas qabtaan hadana waa gaari waayeen , maxaa yeelay faras dheereeya ayuu kujoogay, maxamuud hadduu arkay in daraawiish xoolihii taabteen, dagaalna lagu horjoogsan Karin waxey la ahaateyinuu ciidankii gaashaan buurta ahaa ee buuraan uwargeeyo, duhur dabadii goor ay tahay ayuu ceelkii buuraan colkii ugu tagay, markii layiri bal waran wuxuu yiri wax igasoo horeeya miyaad aragteen, waxaa layiri maya, wuxuu yiri wax iga dambeeyana arki meysaan , degmadii aan ukacey iyo arladii daganeydba daraawiish baa gashay dad iyo duunyana wey baa bi isay sidaa daraadeed ayaa wax nool iiga dambeeya aan la arkeynin.

Waxgarad baa markiiba lasoocay, talo baa loo fadhiistay, hadalkiina waxaa lagu uruurshay laba hal inoo kala doora oo midkood inoogu gudoomiya

  • In colkaas xoolaha watalaga hortago oo ceydha iyo maatada xoolaha loodhiciyo dabadeedna xaruunta lagu dabreeyo.
  • In xaruunta daraawiish labeegooo xoolaha waxa jooga laqaado, colka xoolaha kale watana lagu dabreeyo.

Taladii waxaa loo dhiibay garaad maxamuud cali shireoo lagu yiri adiga tali, wuxuuna kutaliyay in colka xoolaha soo dhacey oo xaruunta daraawiishta kuwada lagahortago, xoolahana laga reebo, dabadeedna xaruuntii lagu dabreeyo,duhurkii dambe ayaa halkaa laga raacdo galay faras iyo lugba ladhaqaaqay, sidii loo socday ayaa11/8/1911 markuu waagu dilaacayayaa daraawiish oo xoolihii wadabanka turuje lagu weeraray, darawiish jilibkey udhigtay, inkastoo labada geesoodba lago’ay daraawiish baa goobtii ku adkaatay, xoolihiina latagtay, dagaalkaas wuxuu caan kuyahay oo loo yaqaanaadagaalkii habaar humbule, daraawiish xoolihii waxey keeneen saldhigii daraawiish .

1912 ayaa ingiriiskudib ugu soo noqday dhulkii baadiyaha ahaa ee uu horey uga guuray.

Daraawiish waxey taleexkadhistay afarqalcadoodoo kala ahaa:-

  • SILSILAD. Oo loogu talagalay laba Kun Nin iney kadagaal galaan, iyo shankun oo xoolo ahna qaadi Kara gudaheeda.
  • FALAAT. Oo loogu talagalay sayidka iyo raga gaarka ka ah.
  • DAAWAT.Oo loogu talagalay dadka martida ah iyo safarada xaruunta imaanaya.
  • EEGI.Oo kuryad dhaladeed laga dhisay loogu talagalay in sadaxdaa qalcadood laga ilaaliyo wixii xaruunta soo galaya ama kabaxaya, kadibna waxaa ladhisay xaruumo kale.

 

1912 waxaa la abuurayguutooyin rag daraawiish laga xulay oo boqolaal ah, karti iyo geesinimo loo ogyahay, farda fuulna ah, boqol walibana waxaa lagu jaaday meel, waxaana lafaray dil iyo dhac iney isugu daraan cidii cadow kuah daraawiish ee arlada kunool, raggaasi waa nimankii berbera gubay, waa nimankii laasqoreyn galay, boosaaso gubey, hobyana dabka geliyay oo dad iyo duunyo arlada rogey.

1913 bartamihiisiiayaa gumeystihii talyaanigu wuxuu goostay in daraawiish kahor joogsado iney dhinaca webi shabeele banaadir ugu fidin, markaa wuxuu isku dayay inuu abuuro ciidan daraawiishta kahortaga oo kakooban askar iyo raaciyada, saanad, lacag, iyo raashina lasiiyo, laguna guubaabiyo iney daraawiish ladagaalamaan, meelaha ay degan yihiina ka eryaan, taladaasi meel mar manoqon.

Nin majoor ahaaoo buula barde joogey, askar xoog lehna kuheystay ayaa daraawiishtii far dheeraatay kunoqday,deeto 1915 kiinin daraawiish kamid ah oo caan ahaa lana oran jirayindhaceel raage daameyoo xawaadle ahaa, watana40 ragtagey buula barde oo talyaanigu fadhiyo, waxeyna qaadeen webiga degtiisa koonfur, markey tuulada geeskeeda joogaan ayayfardihii iyo raggii badankiisii katageen, shan nin oo indho ceel wato ayaa talyaaniga ugalay waxeyna kuyiraahdeen daraawiish baanu kasoo fakanay, talyaanigaan magan unahay, maajoorkii meesha heystay intuu kalabatey ayuu afar talyaani ah oo kahoos shaqeenayay uyeeray siay raga dabka uga qabtaan, unasoo dhaweeyaan, hase ahaatee waxaa dhacay waxaan lafileynin oo shanti daraawiish intey isha qoodha iskala hadleen ayay shantii talyaaniga ahaa shan xabadood kukala dhufteen, argagax baa dhacey deeto daraawiishtii kale ayaa intey horey usoo dhaqaaqeen saldhigii rasaas ooda uga qaaday, dad badana halkaa kulaayay, deeto sinabad ah ayay dhaqso uga baxeen aagga.

3/3/1915 ayaa sadax ciidanoo kala duwan ay baladweyne lix meel kagasoo duuleen, ciidamadaas oo kala ahaaciidan uu talyaanigu watooo sadax madax ukala socday kanasoo baxay buula burde, buqcaqable, iyo tiyeeglow, iyociidanka cali yuusuf keenadiidoo laba madax ahaa oo kasoo kalabaxay ceel buur iyociidan ina diinle wato {reer olol diinle} ciidankaa oo hal madax ahaa kanasoo kicitimay qalaafe.

9/3/1915 ayaa daraawiish oo fadhidaybaladweyne dagaal afar geesood ah lagagasoo dhuftay, hayeeshee daraawiish gaashaankey uqabatey, waana lajabiyay huwantii soo duushey, daraawiishi dagaalkaa kadib baladweyne aad bey ugu xoogeesatay.

GAALKII KOOFIL dalka soomaaliya wuxuu yimid 1904isagoo kasoo shaqeeyay dhowr dal oo afrikaan ah, kana mid ahaayeen koonfur afrika iyo neejeeriya, markuu yimid soomaaliya waxaa madax looga dhigey ciidamada fardooleyda iyo rukuubleyda ee kahowlgala geyiga soomaalida ee ingiriisku gumeysto.

Koofil iyo ciidankiisiidadka miyiga degan waa dhibey, xoolahana waa kadhici jirey sidaa daraadeed dalka lagama jecleyn.

DAGAALKII RUUGA AMA DULMADOOBE LOOYIQIINEY:1913 ayaaxaruuntii daraawiish oo taleex taala, nabadna loofadhiyo ayaa niman dhaawac ah oo firxad ah xaruuntii yimaadeen, waxeyna kuwarameen war aan lagu farxin kaasoo ahaa:-

Lasoco qeybta lixaad hadduu allaah idmo.

Diyaariye: cabdicasiis khaliif bare.

Email address:abuhamaam@hotmail.com



Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO