Monday May 23rd, 2022
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

SIDA CARABWEYN U FASHILANTAY AYAY SOMALIWEYN U FASHILANTAY

0
Monday March 21, 2022 - 20:38:34 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIDA CARABWEYN U FASHILANTAY AYAY SOMALIWEYN U FASHILANTAY

    SIDA CARABWEYN U FASHILANTAY AYAY SOMALIWEYN U FASHILANTAY

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SIDA CARABWEYN U FASHILANTAY AYAY SOMALIWEYN U FASHILANTAY Jamhuuriyadda Somaliland waxaa leh ummadda Somaliland. Ciddii aan u dhalan waa inay sharci ku joogaan haddii kale ka baxaan intaan la tarxiilin sida Jabuuti iyo DDS ama dalalka kale ee adduunka. Adduunka kama jirto dal iyo dawlad aan la kala lahayn oo fawdo ah.

Somaliweyn way kala leedahay dalalka iyo dawladaha. Somaliweyn waxaa ku shaqaysanjiray dad gaar ah oo ku boobijiray dawladnimada Somalia, ummadana ku laynjiray, taasuna way fashilantay oo dhammaatay, mana jirto cid dambe oo lagu khiyaamaynkaro figradda Somaliweyn ee aan jirin. Somaliweyn waxay noqotay siyaasad lagu danaysto oo qof Somali ah u suurtagelisa inuu xukumo dad iyo dal kale oo Somaliyeed oo aanu u dhalan dabadeed kula kaco duudsi, xasuuq iyo burburin sidii ku dhacday ummadda Somaliland 30kii sano ee midnimadii fashilantay (1960-1990) oo ah dadkii iyo dalkii horseeday midnimadii Somaliweyn iyo sida maanta ka taagan Somalia.


Sida Carabweyn u fashilantay ayay Somaliweyna u fashilantay. Sida Carabtu u kala leedahay dalalka iyo dawladaha ayaa Somaliduna u kala leedahay dalalka iyo dawladaha. Somalia ayay weli ku dambaysaa in magac Somaliweyn been ah lagu xukumo laguna boobo oo Somalia ka degila’dahay laakiin dadka Somalia iyaguna way fahmeen hadda oo way u tashanayaan dalkooda, dawladnimadooda iyo aayahooda sida Jabuuti, Somaliland, DDS iyo Waqooyi Bari Kenya.

Somalidu iyadaa midnimadeedii iyo dawladnimadeedii ku burburisay qabyaalad iyo kelitalisnimo laga dhaxlay aafooyin dagaalo sokeeye, xasuuq, burbur iyo qax kala geeyay, sidaasna ay ku dhimatay riyadii Somaliweyn.

#Ibrahim Hassan Gagale
#March 10, 2022
Halkan Ka Daawo: Aniga dhibta laygu haysta dad hurda baan toosiyey weeyi ..' Ex Maayir Muraad
Halkan Ka Daawo:"Xaqiiqada QARSOON Ee Xaalada Abaared Ee Ka Jirta Gobolka Togdheer
Halkan Ka Daawo:Rajo Intee Leeg Ayaa Laga Qaba In Biyo Macaan Laga Hello RIIGA Deegaanka Shansha-Cade,
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
WAREYSIYO