Thursday August 11th, 2022
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

DANTA SOMALILAND WAA IN DOORASHO, KASTA WAQTIGEEDA LAGU QABTO By. Mohamed Gacayte

0
Friday March 25, 2022 - 21:01:14 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DANTA SOMALILAND WAA IN DOORASHO, KASTA WAQTIGEEDA LAGU QABTO By. Mohamed Gacayte

    DANTA SOMALILAND WAA IN DOORASHO, KASTA WAQTIGEEDA LAGU QABTO By. Mohamed Gacayte

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DANTA SOMALILAND WAA IN DOORASHO, KASTA WAQTIGEEDA LAGU QABTO By. Mohamed Gacayte
Waxa la gaadhay dhamaadkii mudada Liisanka xisbiyada qaranka oo ah 10 sano, mana laha wax mudo kordhin ah oo Xeer Lr.14, jideeyay, doorashana ma gali karo Xisbi uu ka dhacay liisankii sharciga ahaa.

Mudada hawlgalka ururada siyaasadda waa 6 bilood gudahood waqtigana waxa cayimaya Guddida Diiwaangalinta Ururada iyago la tashanaya KDQ. Inta lagu gudajiro hawlgalka ururada/xisbiyada lama gali karo doorasho kale aan ka ahayn tan Ururada iyo Axsabta.


Ururada soo gudba ee ogolaanshaha ku meel- gaadhka ah la siiyey iyo 3dii Xisbi, ayaa liiskoda loo gudbinayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo hawsha kala wareegi doona Gudida Diiwaangalinta.

KDQ waxay tartan doorasho toosa u qaban doonaan Ururada cusub iyo Saddexda xisbi ee hore u jiray. Maalinta la qabanayo doorashada waxa cayimaya KDQ sida uu dhigayo Xeer Lr. 14/2011, Waxaana ku tartamaya Doorashada Madaxtooyada Sadexda Xisbi ee soo baxa, isla markaana la siiyo Liisanka Xisbinimo ee 10 ka sano ee soo socda.

Xisbiyada Mucaaridka waxan leeyahay waxba yaan xaska dabada lagalin, Labada doorashaba (Ururada & M/tooyada) waa lagu tartamayaa, Xisbiga wax islahaya ee kalsoonida taageerayashiisa isku hubaa ha yimaado garoonka.

"Gagaa lagu dheelayaa
Shacbigu ka garsoore yahay
Waxaa guul sheegan kara
Ninkay ugartaan iyagu"

Xukuumadda Madaxweyne Biixi waxay ku amaanan tahay in dhaqaalahii lagu qaban lahaa doorashooyinka ay meel ku tiirisay, xataa hadii la waayo ta beesha caalamka.

Danta Somaliland waa in Doorasho kasta waqtigeeda lagu qabto.

Wabilahi tawfiiq

Qalinkii: Mohamed Gacayte

 
 
 
Halkan Ka Daawo: Aniga dhibta laygu haysta dad hurda baan toosiyey weeyi ..' Ex Maayir Muraad
Halkan Ka Daawo:"Xaqiiqada QARSOON Ee Xaalada Abaared Ee Ka Jirta Gobolka Togdheer
Halkan Ka Daawo:Rajo Intee Leeg Ayaa Laga Qaba In Biyo Macaan Laga Hello RIIGA Deegaanka Shansha-Cade,
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
WAREYSIYO